Saturday, May 9, 2009

XAALADDA GUUD IYO WARARKII UGU DAMBEEYA EE DEGMADA BULO BURTE

Hiiraan Post:
Degmada Bulo Burte wax ay dhacdaa bartama dalka Soomaliya, waana meel Istiraji u ah isu socodka Gobolada Soomaliyeed ee Isku xira Waqooyiga iyo Koofurta dalka. Degmada BuloBurte ayaa waxay sidoo kale muhim u tahay dhaqdhaqaaqyada Miletari si loogu kontaroolo dhaq dhaqaaq kasta ee Milerati oo ku wajaahn Gobolada Dhexe iyo kuwa Koofureed ee dalka, waana middaas arrinta keentay in ay ku loolamaan gacan ku haynteeda kooxaha dimeed ee isaga horjeeda siyaasadda dalka.

Degamada Bulo Burte ayaa waxa gacanta ku haya hadda koox-diimedka AL-SHABAAB oo iyagu si tartiib tartiib ah isugu urursanayay halkaas tan iyo marki uu dalgaal lagu hoobtay oo keenay dhimasho iyo barakac uu ku dhexmaray iyaga iyo koox diimeedka kale ee AHLU-SUNNA WALJAMAACA bilihii la soo dhaafay, oo halkaasna gabi ahaan lagaga awood roonaaday AL-SHABAAB, lagana soo saaray gobolka galgaduud, halkaasoo xuddun u ahayd lagana aasaasay

Majiraan wax maamul ah oo kale oo halkaa ka arrimiya AL-SHABAAB mooyee oo iyaguna keeb la yuurar ah, si feejiganna isaga ilaalinaya MMI oo ayagu tageero iyo kalsooniba ka haysta guud ahaan shacabka reer Hiiraan, si weyn uga taliya magaalada Beled weyne iyo nawaaxiga u dhow dhow, halka AL-SHABAAB aysan dadwynuhu kalsooni sidaa u sii buuran uusan ku qabin, ishana ay ku hayaan uun hadba ida ay wax isubeddeyaan.

Waxyaabaha aan sida weyn ula yaabay ayaa waxay ahayd in ay ALSHABAAB xiliyada fiidkii ah ay meel fagare ah oo bartanka magaalada Bulo Burte ay halkaas ku soo bandhigaan darbi weyn oo sidii kuwii Shineemooyinka ah, ficiladdii iyo xeeladihii ay adeegsanayen makii ay dagaalka kula jireen ciidamadii Ethiopianka ahaa, kuwaasoo u badnaa isqarxin iyo ciidamo dagaalka lagu soo qabqabtay oo ay AL-SHABAABKU si gowracayiin oo aan naxariis lahayn meel fagaaraha ah ugu gowracayeen, iyagoo aad ugu faraxsanaa markii ay ficilladaas sameynayeen iyo kuwa xiligaa daawanayayba.

Sidoo kale, marka dhowr muuqaal la dawado ayay u sharaxayeen dadweyihii halkaas isugu yimid oo ay ku boorinayeen inay dagaalka ama Jihaadka noocan ah ka qeyb galaan naftooda ugu huraan diintooda Islaamka ah "Sida ay hadalka u dhigayeen".

Waxa kale oo iga fajaciyay dhalliyaro aad iyo aad u da'yar oo iyagu u ooyayay inay iyaguna ku shahiidaan sida walaalahooda gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay isugu qarxiyeen, ugu shahiideen, ilaahayna waxay ka baryayeen dhallinyaradan aadka u yar yar in kuwaa geeriyoodayna Ilaahay shuhaddo ka dhigo ayguna ilaahay ka baryayeen iyagoo waliba Ilmeynaya inay nasiibkaasoo kale helaan.

Blad Weyn ayaa muuqata in ismari waa weyni uu ka dhextaagan yahay kooxahan ku loolamaya gacan ku haynta shacabkii ay shalayto u dhimanayeen inay ka xoreeyaan cadowga ku soo duulay, markii ay ciidamadii shisheeye halkaa ka baxeenna ay iyagii ka dhextafan tahay. Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale ismaandhaafkaasi uu gaaray halkii ugu sarreysay, taasoo keentay in uu gaan ka hadal isu beddelo oo dagaal laysiga horyimid, walina aan wax xal ah ama is afgarad laga gaarin iska hor imaadkaas.

Dadweynaha ku nool gobolka ayaa waxay walaac ka muujinayaan is afgaranwaagan oo ay ugu yeereen inay tahay nasiib darro aad u weyn in culumadii maanta shacabkii shalayto ay xoreynayeen ay ku dul gorgortamaan, isla markaana nabadgelyadan hadda la haystaa ay ku sheegeen inay tahay mid aanan laysku haleyn karin, ayna suurto galtahay inuu dabadheeraado murankan siyaasadeed salkana ku haya mabaadiida diineed.

Aden HAsan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo. com

No comments:

Post a Comment