Sunday, May 24, 2009

MA'OGTAHAY SOOMAALIYEY

Hiiraan Post:
Ma'ogtahay Soomaali in Ilmihii Dugsiyada Quraanka dhiganayay qaarkood la waayay?.
Ma'ogtahay Soomaali in Hooyoyin badan oo raadiyay ciyaalkooda oo lagu hayo meelo ka mid ah Bay iyo Bakool, in hooyoyinkaa halkaa lagu soo ciqaabay, oo waliba Madaxa laga soo xiireey, oo ay hadda dhibaato iyo calool xumo ka hayso deegaanada caruurtooda lagu hayo, oo ay diideen inay cidna u waramaan.
Ma'ogtahay Soomaali in magaaloyinka laga helayo reero badan oo ku wada nool guri ay kala figrad duwan yihiin oo ay jiraan wali in badan oo dhalinyaro ah waliba gabdho aad u yar yari ay u riyaaqaan siyaasada iyo mabaadiida AL-SHABAAB, oo habeen iyo maalin lagu wacyigeliyo guryo ay sheegaan in kitabo loogu akhriyo, aaminsan yihiinna in cidii aan iyaga raacsanayni ay GAAAAAAALO tahay !!!!.

Ma'ogtahay Soomaaliyey in ilmo badan oo ay da'doodu u dhexeyso 12-18 Jir ay waalidkii dhalay waardiyo ka hayaan, oo telefonoka la gura socdo.

Ma'ogtahay Soomaaliyey in AL-SHABAAB oo caan ku ah soo dhoweynta da'yarta 12-18 jirka ah iyagoo ku magacaabo waad soo hijrootay, si aad ahna ugu dheereeyo soo dumidda qalbigooda, balse aanan la Ilaalin karin ama la beddeli karin qalbiga qofka ama waxa uu aaminsan yahay Saman iyo Xumaan.
Ma'ogtahay Soomaaliyey dhalinyada ku dhimatay Mogadisho,Hiiraan,Cadaado,Ceelbuur,
Ceeldheer ay dadoodo mid yar oo laga naxo marka ay dhibaato dhaawac soo gaaro iney reerkii uu ka dhashay u ciintamo.
Aden H Bashir

No comments:

Post a Comment