Hiiraan Post:
Kaddib soo gelitaanka ciidamada Ethiopia oo si aad ah u hubeysan iyo taxaddir gaar ah oo ay muujinayaan kooxaha ka soo horjeeda maaulka dowladda oo iyaguna haysta amaba ka taliya gobolka intiisa badan ayaa si weyn loo daremayaa maalmahan.
Waxa socda wadahadallo aan shaaca laga qaadin oo u dhexeeya saraakisha maamulka ee gobolka Hiiraan iyo saraakisha cidanka dowladda Ethiopia ee dhowaan soo galay gobolka. Wadahadallan ayaa waxa ay yihiin kuwo ay uga tashanayaan labada dhinac sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatar kasta ama weerar uga yimaadda kooxda AL-SHABAAB oo hadda gacanta ku haya iyagu meelaha ama dagaanada ugu istiraajiisisan ee gobolka, sida Maxaas, Bulo Burte iyo dhulka u dhexeeya oo dhan.
Warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah laguna kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Ethiopia ay ogeysiyeen ciidamda MMI ee gobolka oo ay suurto galtahay inay u sii gudbaan degaanad ama dhulka ay gacanta ku hayaan AL-SHABAAB iyagoo markaas aanan cdina codsi oggolaasho weydiisanayn, taas o ay ku macneeyeen baaxadda khatarta soo wajahday ciidamada Ethiopia ama ay uga hortagaan si aysan AL-SHABAAB suurto gal ugu noqon inay sii qabsadaan dhul kale.
Haddaba waxad moodda in halkaasi uu ismaandhaaf jiro ku saabsan sida loo wajahayo ka hortagidda AL-SHABAAB oo aysan caddeyn wali qaabka ay isaga kaashanayaan labada dal. dadka qaar ayaa waxay is weydinayaan ma ciidamda Ethiopia ayay dowladda Somalidu fasax u siin doontaa inay gudaha Somaliya soo galaan si ay u taageeraan una difaacaan dowladdan Somaliyeed uu maanta hoggaminayo ninkii horey u hoggaaminayay ciidamadii wax iska caabinta ee shalayto dagaalka iyo diplomaasiyada uga saaray dalka? Mise awooddii la dagaalantay ciidanka Ethiopianka shalayto oo si siyaasadeysan dhabarka looga jebiyay, oo ay qaarkoodna ay la jirto, loona qeybiyay Xisbiyo iyo ururo diimeedyo kala feker duwan oo aanan mideysnayn daraadeed ayay markale dowladda Ethiopia xoog isbideysaa oo ay fursad kale oo dahabi ah u aragtaa?
Haddaba marka la eego arrimahan iyo kuwo kaleba ayaa dad badani waxa ay muujinayaan rajo beel ku aaddan mustaqbalka dhow ee dalaka guud ahaan, gaar ahaan gobolada dhexe sida Hiiraan Shabelada Dhexe iyo Galgaduud.
Magaalada Beledweyne oo hadda uu Bandow saaran yahay xilliyadii habeenki ah, lana maqlo rasaas goos goos ah haben walba ayaa dadku waxay ku waabariistaa cabsi iyo iyagoo aroorti iska wareysanaya meelaha xalayto laga maqlayay rasaastu waxay ahayd, taasoo uu qof waliba waxa ay la tahay uu ku macneeyo.
Lama saadaalin karo xaaladda waxay isku beddeli karto, balse dadweynuhu waa uu rajo beelay waana dagaal suge saacad walba iyo daqiiqad walba.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledewyne
adanuu68@yahoo.com
Thursday, May 21, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment