Saturday, May 2, 2009

Maamulka Hiiraan oo guulo ka gaaray Xaalda B/Weyn.

Maamulka Gobolka Hiiraan

Maamulka gobolka Hiiaran oo inta badan kaashanayo shacabka gobolka oo ay ugu horeeyaan Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ah mid si layaab leh ugu yaabiyey shacabka gobolka kedib markii in nabad lagu wada noolaado oo colaada la joojiyo uu kaga dheereeyey kooxahii ka soo horjeeday, dhinaca kalena ay maanta kooxahii Belet- weyne qaska ka waday ay awodoodii iskugu tagtay ilaa 3 Guri oo Villa ah iyo 1 Hotel oo ay hubkoodii iskugu geeyeen halka uu maamulka gobolka isagoo nabad doonayo dhinaca ciidanka iyo siyaasada xooga saaray.
Mar aan xiriir la sameeyey qaar shacabka ka mid ah ayey sheegeen in maamulkan ka gedisan yahay kuwii hore waayo maamuladii hore sidey u joogaan ayaa qaarkood la maqli jiray Jowhar ayuu gudoomiyahii jiraa iyo Galgaduud ayuu ku qayilayaa iwm ah.
Maamulkan shacabka u dhega nugul oo midkan dhaamo ma jiro ayey dhaheen inkasta oo sidii loo majo xaabin lahaa lagu mashquul san yahay oo dad aan degaanka u dhalan oo Mogdisho laga biilo ay gobolkaan rabshado aan dhamaan u doonayaan hadane dadku sidii hore maahan.

Elmi (Beyxaaw)

No comments:

Post a Comment