Hiiraan Post: Allaha u naxaariistee Wariye Nuur Muuse Xuseen "Nuur Enji" ayaa ku geeriyooday guigiisa oo ku yaalla magaaladan Beledweyne, habeenkii xalayto ahaa, waxana ii xaqiijiyay geerida Nuur Enji Xaaskiisa Shukri Caydiid.
Geeridan Nuur Enji ayaa waxay timid kaddib dhaawac ka soo gaaray dagaalo dhowaan ku dhexmaray Beledweyne bishii hore MMI iyo Xisbul Islaam, dhaawacan oo uu muddo la ildarnaa ayuu ugu dambeyntii u geeriyooday.
Allaha u naxariistee Nuur waxa uu ka mid ahaa wariye yaashii ugu horreeyay ee ka howlgala idacaaddii ugu horreysay ee uu gobolku yeesho sannadkii 1993kii, taasoo la oran jiray Radio Beledweyne, oo aan muddo aad u dheer ka soo wada shaqeynay, tan iyo muddadaasna Nuur waxa uu ahaa oday suxufi ah oo u dhexeeya bulshadad reer Hiiraan oo dhan.
Anigo ku hadlaya magaa suxufiyinta gobolka iyo keygaba waxan halkan uga tacsiyadeynayaa dhammaan eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Nuur Muuse Xuseen "Nuur Enji" inuu samir iyo Imaan ka siiyo isagana jannadi Firdowsa ahayd ilaahay ka waraabiyo.
Aamin.
Aden H. Bashir
Hiiraanpost.
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Monday, May 25, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment