Hiiraan Post:
Waxa markale dib uga dhex qarxay dagaal u dhexeeya AL-SHABAAB iyo dadka ku nool degaada Maxaas oio gacan ka helaya kood diimeeka kale ee AHLU-SUNNA WALJAMAACA. Dagaalkan ayaa saakay abaarihi 8:00 subaxnimo dib uga qarxay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo aad u qorsheysnaa ayaa ciidama AL-SHABAAB waxay ka soo qaadeen duulaankooda deganak WABXO oo u dhow degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalku markii uu xoogaa daqiiqado ah socday ayay ciidankii ka soo duulay Wabxo dib u laabteen, kadibna waxa dusha kaga yimid degmada Maxaas oo qabsaday ciidan isal AL-SHABAAB ah oo ka yimid meelo ka trsan degaanka oo isla Gobolka ah.
Warar soo baxaya oo isa soo taraya ayaa sheegaya in degmada Maxaas ay gacanta ku hayaan hadda AL-SHABAAB oo dadkii degaanakana ay halkaa ka barakaceen
Dagaalka maanta aya sababay khasaare iyo dhaawacba leh, balse illaa iyo hadda oo u weli dagaaalku socdo ayaanan caddeyn tirada saxda ah ee dhimasho iyo dhawaacba leh.
Dhanka kale, waxa jira Ciidamoo wata gawaarida dagaalka ee teknikada loo yaqaano kuwaasoo ka soo tagay saakay degmda Bulo Burte, waxayna fariisin ku meel gaar ah ka sameysteen meesha loo yaqanno Garaszyani, mana cadda halka ay ku sii fool leeyihiin.
Magaalada Beledweyne ayaa waxa laga dareemayay maanta feejiognaan Milleteri iyo hadalhaynta dagaalada ka soconayay degmada Maxaas oo dadku si aad ah ay ugu xoonsanayeen meelaha isgarsiinta sida "HF" Radio ama Taararka yaallaan ee gudaha magaaalada Beledwyene.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Friday, May 15, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment