Hiiraan Post:
Kaddib dagaallo ka soconaya maalintii 3aad degmada Maxaas ee gobolka Hiran oo u dhexeeya dadka deganaka ah iyo koox diineeka AL-SHABAAB ayaa weli halkaas laysku hor fadhiyaa dagaaladuna ka soconayaan. Dad goob joogayaal ah oo aan kula xiriiray isgaarsiinta nooca loo yaqaanno HF Radio ama Taarka ayaa waxay i xaqiijeen halkaas ku arkayeen Meyska iyo dhaawaca dad aan Somali u keyn oo leh midabka dadka caddaanka ah oo kale, balse aysan xaqiijin karin inay yihin dad Yurub ah ama Caarab ah.
Khasaaraha dagaaldan ayaa aad u adag in ogaado dhimasho iyo dhaawacba, sidoo kale way adagtahay sida looga helo warar sugan oo dhexdhexaad ah halkaas.
Dhanka kale waxa jiray dagaal xalayto dhex maray dadka deggan degaanka Halgan iyo koox dhalinyaro ah oo AL-SHABAAB oo shalayto ka soo tegey Bulo Burte, isla xalaytana doonayay inay ku laabtaan. Dagaalkan ayaa waxa soo qaaday dhalinyaro deggan degaanka Halgan, is rasaaseyn kaddibna lama soo sheegin wax khasaaro dhimahso ah oo halkaa ka dhacay.
Guud ahaan xaaladda deganaansho ee Gobolka ayaa ah mid ka sii daraysa, waxana aad ugu badan hadalhaynta gudaha magaalada wararka ka soo yeeraya dagaalada ka soconaya Degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda, arrinta ugu sii daranna waa Qaraxi maanta lala beegsaday Guddoomiyaha MMI ee Gobolka Cabdiraxman Ibrahim Macow.
Amar ka soo baxay Maamulka MMI ayaa ku amray dadka ku nool magaalada Beledweyne in ay magaaladu bandow tahay laga bilaabo caawa saacaddu markay tahay 8:00 fiidnimo. Bandowgan ayaa waxa loola jeedaa in lagu sugo ammaanka magaalda, kaddib markii habeenkii xalayto fiidkii lagu tuuray Bumb qaar ka mid ah ciidanka MMI oo ku sugnaa agagarka Buundoweyn, kaddib rasaas ay fureenna uu ku dhintay nin dhallinyaro ah oo rayid ahaa oo meesha marayay.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Saturday, May 16, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment