Hiiraan Post:
Waxa isa soo taraya dhaq dhaqaaqyo mileteri oo ka ira guud ahaan gobolka, gaar ahaan degmooyinka waaweyn ee Beledweyne iyo BuloBurte. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa qeyb ka ah loolan siyaasadeed oo ba'an o ka jira guud ahaan dalka Somaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan, oo ay ku hardamayaan kooxaha MMI oo dhican ah iyo XISBUL ISLAAM IYO AL-SHABAB oo ayaguna isku dhinca ah.
Magaalada Beledweyne ayaa si weyn looga daremayaa dhaqdhaqaaqyadan ciidan, ayadoo aysan jirin hadda cid xabbad isku ridaysa ama dagaalamaysa, balse dadwenuhu shaki weyn iyo walaacba ka muujinayo xaalada nabadgelyo ee hadda jirtaa inay marwalba ama daqiiqad kasta ay wax isku beddeli karaan, oo ay colaaddu oogmi karto.
Dhanka kale, waxa jira in ay cidamo Ethiopian ahi ka so gudbeen xadka oo ay soo gareen tuuloyinka Kabxanley, Aabaaley iyo Defow, oo ay kaddibna dhanka galbeed uga soo talaaben halkaas o ayna isku sii balaarinayaan degaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan si ay ula socdan sida la sheegay dhaqdhaaqyada ciidan ee kooxaha ay u arkaan inay khatar ku yihiin ama cadow u yihiin ee ku sugan Galbeedka Beledweyne ee AL-SHABAAB IYO XISBUL ISLAM.
MMI ayaananan wax hadal ah ka soo saarin soo galitaanka ciidamda Ethiopia ay soo galeen qeyybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, mana jirto cid xaqiijin karta suurto galnimada in ay wadahsaqeyni ka dhexyn karto iyaga iyo ciidamada Ethiopianka ah.
Degmada Bulo Burte aya habeenkii xalayto ahayd Bandow, si ay kooxda AL-SHABAAB ee halkaas ka talisaa ay u ilaaliyan dhaq dhaqaaqa ciidan, amaba ay dhici karto weerar kaga yimaada dhanka Beledweyne, kaddib markii ay xayiraad ku sameeyeen ciidamo ka tegey Beledweyne oo u socday Muqdisho si tababbar dibeda ah loogu qaado maalinti Jimcaha ahyd ee aan soo dhaafnay.
Hadaba waxa aad isu sii taraya walaaca iyo cabsida baahsan ee ay dadku ka qabaan waxa dhici kara mar haddii dagaalkan laysu middiyo afaysanayo uu dhaco markale.
Aden Hasan Bashir
Hiiraan Post.
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment