Hiiraan Post: Guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa waxa laga dareemayaa hadda xaalad degenaansho, walow ay difaac isugu jiraan kooxo diimeedyada isku haya hoggaanka siyaasadda dalka.
Ma jirto hadda xabad dhacayso iyo qeylo dhaan toona, xaaladduna guud ahan way deggan tahay balse waxa aad u yar rajada ay dad badani ka qabaan sida aysuurto gal ku tahay inay iska sii socoto degganaanshahan ayadoo aysan jirin cid nabadda u ololeynaysa habayaraatee.
Waxa jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo u dhexeeyay MMI iyo qaar ka mid ah duubabka gobolka hiiran oo ay cadaadis ku saarayeen in ay wadahadal la galaan dhinacyada ka soo horjeedo oo aanan dagaal wax lagu doonin.
Duubabka dhaqanka ee reer Hiraan oo iyagu mideysan, kana kooban dhammaan beelaha dega gobolka ayaa maalin waliba waxay u taagan yihiin xalinta khilaafadka u dhexeeya beelaha wada dega gobolka, waxayna leeyihiin xeerbeegti iyo xeer hoosaadyo ay ku dhaqaan beelaha.
Qaar ka mid ka mid ah odayaasahn dhaqanka eereer Hiiran, oo aan maanta la kulmay lana sheekeystay muddo saacado ah ayaa waxa ka muuqatay niyad wanaag iyo kalsooni weyn oo ay ku qabaan howlaha ay umadda u hayaan. Odayaashan oo aan si guud wax uga weydiiyay waxa ay ka qaban karan xaaladda hadda la joogo ayaa waxay ii sheegeen inaysan ka dhib badnayd wixii ay soo arken isla markaana soo xalinayeen 20kii sano ee la soo dhaafay.
Aniga oo la kaftamaaya ayaa waxan ku iri ma mooddaan ama ma idinla tahay in maanta oday warkiisii laga gudbay? oo arrimo aydnaan aqoon u lahayn laysku hayo? Waxay ku jawabeen iyadoo ay kalsooni weyni ka muuqato inayba tahay tani middii ugu sahlanayd ee weligood soo marta, waxayna sabab uga dhigeen in raggan culimada ah ee hadda siyaasadda isku haya ay la shaqen jireen kalsooni badanna ay ku qabaan, hadda xabad joojintana ay odayaashu sabab u yihiin.
Aden H Bashir
Hiiraanpost,Beledweyne, adanuu68@yahoo.com
Monday, May 25, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment