Hiiraan Post:
Dagaall culusu oo maaanta ka dhacay degmda Maxaas ee G/Hiiran oo ay isaga horyimaadden ciidamada AL-SHABAAB iyo kuwa AHLU SUNNA WALJAMAACA ayaa sababay khasaaraha dhimahada dad gaaraya ilaa 4 qofood oo ka kala tirsan labada dhinc ee dagaalamayay, dhaawaca iyo barkacuna inaa ka sii b adan yahay
Dad goob jooge yaal ah oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inay dagaalakan soo qaadeen ciidamada AL-SHABAAB ee uu fadhigoodu ayahay degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maalmahanba isku urursanayeen xoogagga AL-SHABAAB kaddib markii looga soo awood roonaday degmooyinka dhuusamareeb iyo Guriceel horraantii sannadkan.
Dagaalkan oo galabta iskiis u joogsaday ayaan jirin wax faah faahin ah oo intaa kabdan oo ka soo baxaya, waxana suurto gal ah in labada dhinacba uu gurmad uga kala yimaado aagga u dhow dhow ee ay ku kala sugan yihiin labadan dhinac
Aden Hassan Bashir
Hiiranpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Tuesday, May 12, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment