Hiiraan Post: Kulan ballaaran oo ku saabsanaa soo xereyn kharash, islka markaana lagu wareejinayay guddiyadii loo xilsaaray dayactirka waddooyinka iyo buundooyinka meelo ka mid ah magaalada Beledweyne ayaa maanta ka dhacday Hotelka Madiina ee magaaladan Beledweyne.
Guddiga dhaqaale u ururinta wadada oo uu hoggaaminayay Max'ed Cabdi Raaxooy "Max'ed Gacaneey" ayaa warbixintiisa ku aaddanayd melaha laga soo ururiyay lacagahan ku sheegay in ay ka timid 20 tuulo oo ku yaallo agagaarka Beledweyne, oo ah lacag ay ku deeqeen dad Beeraley iyo xolo dhaqto ah.
Sidoo kale, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif ayaa waxa uu halkaas ku so bandhigay lacago ay soo direen jaaliyaddaha reer Hiiran ee qurbo joogga ah, gaar ahaan kuwa ku nool carriga Mareykanka. Ugaasku waxa uu halkaas ugu mahadceliyay uguna duceeyay isagoo mid mid u magacaabayo dhammaan intii soo dirtay lacagahan, gaar ahaan waxa uu Ugaasku si gaar ah ugu mahadceliyay Ilyaas Cabdi Xayuuke oo si gooni ah arrintan dhabarka ugu xirtay.
Islow Cabdule Faarax Rooble "Farey" oo ku hadlayay magaca Qurbo joogga ayaa waxa uu isaguna wacad ku maray inuu sida ugu dhaqsaha badan uu dibed joogga reer Hiiran u wargelin doono oo uu weli kaalintoodii sidii la rabay aysan uga soo dhalaalin marka loo eego wax bixinta dhinaca gudaha dalka.
Enj Cali Xaashi Shirwac oo ah madaxa mashruucan ayaa warbixintiisii ku sheegay in ugu yaraan hadda laga reystay shilalkii badnaa ee sababi jiray dhimashada iyo dhaawaca oo sabab u ahayd burburka waddadan, haddana la bilaaabaya qeybo badan oo kale si habsami ahna ay u socoto howshan dayacatirka ah.
Howshan ayaa waxay tahay marka la eego baaxaddeeda howlihii ay dowladuhu qaban jiren, gaar ahaan wasaaradda howlaha guud, balse shacabku inuu yahay dowladda ayuu ku macneeyay Enj. Shirwac.
Ugu dambeytii, waxa soo gebagebeyay kulankiimaanta Ugaas Cabdiraxmaan oo ku booriyay inay dadku sadaqada la baxaan maalkoodana ay ku bixiyan dhinaca wanaagga iyo howlaha noocan oo kale ah, oo loogu samafalayo ummadda.
Aden Hasan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Tuesday, May 26, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment