Sunday, May 24, 2009

SARKAAL SARE OO KA MID AH MMI OO MAANTA SHIL GAARI KU GEERIYOODAY

Hiiraan Post: Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Faarax Diirow oo ahaa taliye xigeenka ciidanka amniga ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay waaberigii ku geeriyooday agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, waxa dhaawac la ildaran, taliyha ciidanka ammaanak ee Gobolka Hiiran Axmed Enji, o uu dhaawaciisu hadda lagu daweynayo Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne isaga iyo 4 ka mid ahaa ilaaladooda oo la sarnaa gaarigan.

Alaha u naxariistee Cabdiramaan Faarax Diirow waxa uu ku dhashay magaalda Bulo burte horraantii sanadkii 1970aadki, waxa uu ahaa nin ganacsade ah xiliyadii uu waddanku ahaa dowlad la'aanta, kaddibna waxa uu ka mid aha sanadkii 2008dii, saraakiishii ciidanka Maxkamada Islaamiga ah raggii sida weyn ugu ololeeyay inay ka hirgeliyaan gobolka, kuna guuleystay aakhiritaankii.

Alaha u naxariistee Cabdiraxmaan waxa u ifka kaga tegay caruur iyo laba xaas.

Aasaka Marxuumka waxa ka soo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Beledweyne oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

Allaha u naxariisto marxuumka, Eheladii, Qaraabadii iyo qoyskii uu ka tegeyna samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo, isagana Jannadi Firdowsa ahayd Allaha ka waraabiyo.
Aamiin.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment