Hiiraan Post:
Kaddib mrkii shalayto oo dhan uu dagaal ka soday degmada Maxaas oo gobolka hiraan una dhexeeyay AL-SHABAAB IYO AHLU SUNNA loogana xoog roonaaday AL-SHABAAB oo iyagu marki horeba dagaalkan soo qaaday, lagana saaray dhammaan degmada Maxaas iyo waliba Masaajid la sheegay inay gabbaad ka dhiganayeen laguna burburiyay ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidan gurmad ah oo ka yimid degmada Ceel Buur uu halkaas saakay waaberigi mar kale dagaalkii dib uga qarxay.
Sidoo kale, waxa jira gurmad la filayo inuu AL-SHABAAB ka diro degmada Bulo Burte oo ay ku xooggan yihiin, balse waxa jira inay ka walaacsan yihin halkii uu cidankaas mari lahaa oo dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Bulo Burte iyo Maxas sida Yasooman Aboorrey iyo Sagaal geed ayaa lagu soo warramayaa in ay ku diyaar yihin AHLU SUNNA.
Ma jiraan illaa iyo hadda caddeynta khasaaraha kala gaaray labada dhinacba oo ilaa iyo haddana dagalku halkas weli ka socdo maalintisi labaad. Ma jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo lagu dhex dhexaadinayo ama lagu joojinayo colaadani iyo cid u istaagtay toona.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment