Sunday, May 17, 2009

SAAMEYNTA UU KU YEELAN KARO MAGAALADA BELEDEYNE DAGAALADA KA SOCDA SH/HOOSE IYO HIIRAAN

Hiiraan Post: Magaalada Beledweyne oo xarun u ah Gobolka Hiraan, ahna magaalo weyn, oo ay isla markaasna ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ganacsi oo waaweyn oo u kala goosha gobolada Koofureed, Waqooyi iyo W/Bari ee Somalia.



Magaalada Beledweyne ayaa weli waxa laga dheehan karaa diifti dagaal iyo daalkii ka soo gaaray dagaaladii ay shacabku la galeeyn ciidmada Ethiopia labadadi sano e la soo dhaafay, dagaaladaas oo ay hoggaaminayeen kooxo dimeedyada haatan isku haya talada dalka, o ay dad farabadanina ku dhinteen mudadii ay dagaaladaasi soconayeen.



Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale goob istiraatijiyadeed u ah marka ay timaaddo xaalad Mileteri, waxana dhanka galbeed ee magaalada jira xadka u dhexeeyan Ethiopia iyo Somaliya. Dowladda Ethiopia ayaa waxay indhaha ku haysaa sdia ay wax u soconayaan iyadoo ay jirtay inay dhowr jeer ciidamada Ethioia ay ka soo talaabeen xadka, gudahana u soo galeen.



Dadka indha indheeya siyaasadda Somalia ayaa waxay ku macneeyeen dagaaladan mar qura sida daadka usoo fatahmay inay tahay xaalad cusub oo aysan sahlanayn in la siii saadaaliyo, balse ay dhici karto in markale ay ku dagaalamaan maaalada Beledweyne gudaheeda ciidama MMI iyo Alshabaab, ama ciidamad Ethiopia iyo Alshabaab, oo hadda sida muuqata dusha iska eeganaya.



Dhanka kale, waxa ay dad badani walaac ka muujinayaan inay dhici karto in Qaraxyo Bum isu adeegsadaan kooxahan dagaalamaya amaba madaafiic waliba meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo suuqdaya dhexdooda. Dad weynaha ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya imaanshaha AL-SHABAAB Magaalada Beleweyne, oo ay qaarkood kuu sheegayaan marka aad la sheekeysatid amaba aad ka dareemeysaa inaysan jeclayn dagaal markale ka hura magaalada Beledweyne.

Aden H Bashir
Hiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment