Saturday, May 9, 2009

Buulo Burto oo lagu xayiray ciidan u socday Mugadishu

Hiiraan Post:
Taageerayaasha Al shabaab ee kugun Buulo Burto ayaa Shalay subax ayaa ciidamda ALSHABAAB waxay ku qabteen barta Koontaroolka ah ee laga galo degmada Bulo Burte ilaa 4 gaari oo kuwa xamuulka ah, sideyna ciidan kor u dhaafaya ilaa iyo lababoqol, kuna socday magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan ciidamo kale oo lagu waday inay dowladdu ugu qaaddo tababar waddamo dibedda ah. Ciidamadan ka tegey Beledweyne ayaan wax hub ah sidanin, balse muddo saacado ah markii la hayay ayaa waxa laga reebay dhowr iyo labaaan nin oo dhallinyaro wada ahaa, taasoo lagu macneeyay in ay ALSHABAAB horey uga tirsanan jireen, ama ay suurtogal tahay in hadda la wacyi geliyo si ay ciidamadooda ugu biiraan. Gawaaridii siddey ciidankan MMI ayaa waxa la ganaacay min Saddex Milyan oo Shilinka Somaliga ah, isla markaana lagu amray inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimaaddeen.

Arintaa ayaa aad ugu careysay ciidan hub la'aan ahaa iyo sida ay u dhaqmayaan dhaliyaradaa Al shabaab sheeganayo.

No comments:

Post a Comment