Sunday, May 31, 2009
MA JIRAAN CIIDAN SOOMAALI AH OO ITOOBIYA
Sida webka jowhar.com ay soo qoraan, maxaa ka jiro in ciidan Soomaalia ah oo tababar ugu dhamaadan itoobiya ay dib ugu soo laabeen Soomaaliyada gobalka Hiiraan.
Arintaa ayaa si toos ula xiriirnay saraakiisha ciidan Hiiraan.
fasiraad dheer ka dib waxey inoo cadeeyeen ineysan jirin wax ciidan Soomali ah oo tababar ugu socday itoobiya.
Lakiin ay jireen ciidan yar oo ka mdi ahaa ciidan maamulkii hore oo feerfeer deganaa, waxey intaa raaciyeen ineysan maanta u baahneey ciidan oo gobalka lakeeno maadamada ay hada xerooyinka ciidamada xuuban, balse ay jirto baahi xaga dhaqaalaha iyo daryeelka ciidanka.
Hiiraan Post
AL-SHABAAB OO KMG KU EEDAYSAY DAGAAL
Wakiilka Ururka Al-shabaab ee mugadihsu Gobolka Banaadir Cali Max’ed ayaa sheegay in dowlada ay wado dib u hubeen xoogagii hore iyo qabiilada tasoo ay ka bilowday gobalada dhaxe, waa sida uu sheegay SH Cali Moh'ed.
Waxuu Cali Moh'ed soo magaca qaaday Col. Cumar Xaashi (Col: Xaashi ayaa 30.5.09 sheegay in Al shabaab diiday wadahal nabadeedka ay dowlada wado sidaa darteed ay isku diyaarinayaa sidii ay isku difaaci lahaa yeen).
Al-Shabaab ayaa iska fogeeysay in dhalin yare dadoodo yar tahay ay xoog ku gadaal geliyeen. dhalinyaradaa oo Dowlada ay warbaahin usoo bandhigtay isbuuci la soo dhaafay.
Saturday, May 30, 2009
*DEG DEG* DAGAAL HAATAN KA BILOWDAY MAHADAY
Maamulkii hore MMI ee Jowhar oo saldhig u aheyda tuulada Maguurto halkaa oo ay wareer ku qaadeen Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo wda socdo.
Gudoomiyaha MMI jowhar ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday ay dib isaga caabiyeen
Dagaaladay oo bilowday 31.5.2009 subax nimo ayaa ahaa ku aad u weyn sida uu sheegay MMI Macalin Daahir Cadoow Calasoow dagaal naka uu hada cosdo.
Jowhar ayaa aheyd mid aanan deganey qabsashadii al shabaab ka dib maamulkii hore ee MMI ee jowhar ayaa ahaa mid duleedka magaalada isku diyaarinayey sidii ay dib ugo soo celein lahaayeen gacantooda degmada jowhar.
Dagaaladan ayaa ku fidsan ilaa Bulo Burto,Maxaas, waxaa jirtan cabsi in dagaalada ka socodo meelaha ya sii xumaadaan maadama ay sana muuqan xal ka gaarista degmooyinkaa, taasoo loo badinayao in Al-shabaab ay san wadan wax qorsha heshiis ah oo ay la gasho dadka degaanka ama MMI.
Friday, May 29, 2009
MAAMULKII HORE EE HIIRAAN-DABAGEED.
Dowladii uu hogaanka u hayey C/Laahi Yusuf ayaa u magacawday Yuusuf Axmed Xagar [Yuusuf Dabageed] Gudoonka gobalka iyo Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) gudoonka degmada B/Weyn.
Labadaa hogaamiya hore ayaa ahaa kuwo ka baxasaday Hiiraan ka dib markii ay maxaakimta Islamiga la wareegeen maamulka Hiiraan.
Aadan Garaaso oo lagu ee deeyey xadgudubyo inuu ka geysatay Hiiraan xiligii itoobiya ay haysatay Soomaaliya.
Haatan oo Hiiraan ay ku jirto dadaal sidii ay ugu badbaadi laheyd weerarada ay ku hayaan Al-shabaab gobalka Hiiraan.
Mar ala soo dhaafay ayuu sheegay gudoomiyaha MMI ee Hiiraan Sheekh Macow in uusan wax dhibaato u arkin in ay gobolkooda dib ugu soo laabtaan si nabad.
WASIIRKA AMNIGA OO HIIRAAN KA SOO GALAY

Thursday, May 28, 2009
JAALIYADAHA REER HIIRAAN EE EUROPA
Jaaliyadaha reer Hiiraan ee yurub ayaa wadan dadaal loogu gargaarayo, maaxatdii iyo dhaawacdaydii Maxaa iyo Wabxa.
Sida ay ku balameen jaaliyadahaa in Waqooyiga Yurub ay iska kaa shadaan sidaa wacaawino wax tar ah loogu heli lahaa maatada Hiiraan.
Waxaa la soo sheegay in isbitaalka B/weyn ay yaalaan dad ku dhaawacmay dagaalada ku waas oo u baahan daryeel caafimaad iyo mid dhaqaalo.
Sidoo kale dib u dajinta dadkii ka soo qaxay deeganadaa, iyadoo weli uu san dhamaan ishorfadhiga Al-shabaab iyo Maxaakimta Islamiya ee Hiiraan.
HOWLO GURMAD AH
Duubabka dhaqanka iyo cuqaasha ayaa waxy bilaabeen olole lagu taakuleynayo dadkan soo barakacay iyo kuwa kale ee waddada ku soo jiraba.
Sidoo kale waxa jira dad dhaawac ah oo yaalla isbitaalka weyn ee Beledweyne oo iyaguna u baahan daryeel iyo nafaqeynba, kaddib markii uu Isbitaalku u fidiyay kaalmo caafimaad, oo haddii laga saaro isbitaalkana aysan jirin meel ay aadaan ama ay ka helaan hoy iyo cunno marka laga reebo dadka qaraabda ah oo ay ku leeyihiin magaalda waaba haddii ay dhaamaane.
Baaq ay soo saareen Dubabka dhaqanka iyo cuqaasha aya waxa uu tilmaamayaa in si deg deg ah loo taageero dadkan soo barakay oo badankoodu weli ay ku sugan yihiin dhulka miyiga ah ee ay dagaaladu ka dhaceen, mana haystaan biyo iyo cunno midna.
Qaar ka mid ah saraakiisha hay'adaha samafalka oo soo indha indheeyay halkaas ayaa ii sheegay in aysan garanayn waxa ay ku timaamaan xaalad dadka ay halkaas ku arkeen oo u baahan wax kasta oo uu qof bani aadam ahi u baahan yahay oo aan la dhoran karin.
Ma jiraan illaa iyo hadda wax gargaar ah oo ka tagay hay'adaha samafalka ama ganacsatadu ay u fidiyeen dadkaas.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Wednesday, May 27, 2009
Tuesday, May 26, 2009
DAGAAL KA BILOWDAY SHABEELADA DHEXE
Shabeeleda dhaxe ayaa dagaal ka bilowday tuuloyinka ku dhow Jowhar iyo Mahaday.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyo Maxaakimta Islamiga oo taagersan Dowlada iyo Al-Shabaab oo dhawaan qabsatay Jowhar iyo Mahaday.
Dagaalka ayaa ku fiday tuuloyinka ku dhow Mahaday, ee la yiraahdo Afarta Tuulo, Macalin Dahir Caddow Calasow Gudoomiyihii Maxkamadaha G/Sh/Dhexe ayaa dhawaan diyaar garow ciidan ku jiray ka dib markii ay maanta Al-shabaab duulan ku soo qaaday.
DHISMAHA IYO TAAGEERIDA JIDKA HIIRAAN
Guddiga dhaqaale u ururinta wadada oo uu hoggaaminayay Max'ed Cabdi Raaxooy "Max'ed Gacaneey" ayaa warbixintiisa ku aaddanayd melaha laga soo ururiyay lacagahan ku sheegay in ay ka timid 20 tuulo oo ku yaallo agagaarka Beledweyne, oo ah lacag ay ku deeqeen dad Beeraley iyo xolo dhaqto ah.
Sidoo kale, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif ayaa waxa uu halkaas ku so bandhigay lacago ay soo direen jaaliyaddaha reer Hiiran ee qurbo joogga ah, gaar ahaan kuwa ku nool carriga Mareykanka. Ugaasku waxa uu halkaas ugu mahadceliyay uguna duceeyay isagoo mid mid u magacaabayo dhammaan intii soo dirtay lacagahan, gaar ahaan waxa uu Ugaasku si gaar ah ugu mahadceliyay Ilyaas Cabdi Xayuuke oo si gooni ah arrintan dhabarka ugu xirtay.
Islow Cabdule Faarax Rooble "Farey" oo ku hadlayay magaca Qurbo joogga ayaa waxa uu isaguna wacad ku maray inuu sida ugu dhaqsaha badan uu dibed joogga reer Hiiran u wargelin doono oo uu weli kaalintoodii sidii la rabay aysan uga soo dhalaalin marka loo eego wax bixinta dhinaca gudaha dalka.
Enj Cali Xaashi Shirwac oo ah madaxa mashruucan ayaa warbixintiisii ku sheegay in ugu yaraan hadda laga reystay shilalkii badnaa ee sababi jiray dhimashada iyo dhaawaca oo sabab u ahayd burburka waddadan, haddana la bilaaabaya qeybo badan oo kale si habsami ahna ay u socoto howshan dayacatirka ah.
Howshan ayaa waxay tahay marka la eego baaxaddeeda howlihii ay dowladuhu qaban jiren, gaar ahaan wasaaradda howlaha guud, balse shacabku inuu yahay dowladda ayuu ku macneeyay Enj. Shirwac.
Ugu dambeytii, waxa soo gebagebeyay kulankiimaanta Ugaas Cabdiraxmaan oo ku booriyay inay dadku sadaqada la baxaan maalkoodana ay ku bixiyan dhinaca wanaagga iyo howlaha noocan oo kale ah, oo loogu samafalayo ummadda.
Aden Hasan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Monday, May 25, 2009
KULAN DEGAANADA MAXAAS IYO BULO BURTO OO KA DHICI B/WEYN
Ilaa hada la yaqaan waxa ay wadaan wafuudaa waxey codsadeen in la dhageysto,waxaan lagu balamay in kulanku uu dhaco 27.5.2009.
Kulan ayaan la fileyn in uu ka soo baxo xal dhameyn karo dhibaatada Al-shabaab ee Hiiraan.
WARIYE NUUR ENJI OO GEERIYOODAY
Geeridan Nuur Enji ayaa waxay timid kaddib dhaawac ka soo gaaray dagaalo dhowaan ku dhexmaray Beledweyne bishii hore MMI iyo Xisbul Islaam, dhaawacan oo uu muddo la ildarnaa ayuu ugu dambeyntii u geeriyooday.
Allaha u naxariistee Nuur waxa uu ka mid ahaa wariye yaashii ugu horreeyay ee ka howlgala idacaaddii ugu horreysay ee uu gobolku yeesho sannadkii 1993kii, taasoo la oran jiray Radio Beledweyne, oo aan muddo aad u dheer ka soo wada shaqeynay, tan iyo muddadaasna Nuur waxa uu ahaa oday suxufi ah oo u dhexeeya bulshadad reer Hiiraan oo dhan.
Anigo ku hadlaya magaa suxufiyinta gobolka iyo keygaba waxan halkan uga tacsiyadeynayaa dhammaan eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Nuur Muuse Xuseen "Nuur Enji" inuu samir iyo Imaan ka siiyo isagana jannadi Firdowsa ahayd ilaahay ka waraabiyo.
Aamin.
Aden H. Bashir
Hiiraanpost.
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
DHISMAHA HIIRAAN OO ISTAAGAY
Waxaa jirtay in reer Hiiraan mudo dheer ay bilaabeey sidii ay dib ugu dhisi la hayeen gobalkaa.
dagaalada Al-shabaab ku hayso Hiiraan uu abuuray dib u dhac dhaqaalo inu kalsooni la'aan soo dhex gashay shacabka Hiiraan.
Waxaa jirtay dadaal ku socday gobalka, dhismo tuuloyika ,dhismaha wadada laamiga iyo dhismo 14 buundo oo wada dheer saarnaa, dugsiyo sare, isgaarsiinta, ugu dambeyntii Jaamacada Hiiraan. oo aheyd mida ugu rajada weyn ee dhalin yaro badan ay sugayeen, magaalada buulo burto oo aheyd magaalo ku liidato waxbarashada ayaa furtay dugsi sare si arday jaamacada rabo ay ugu diyaar garoobaan.
Tuuloyinka ama degmooyinka dhismay waxaa ka mid ahaa Buqda aqab oo duleed Bulo Buro ku taal, Maxaas oo hada la burburiyey, Moqakori, B/Weyn saxdhiga ganacsiga, jalalaqsi oo aheyn mid ku caan baxday beeraha.
Dhismahaa ama horay umarintaa ee Hiiraan waxey ku dhow yihiin istaagid, hadii aan la helin nabad leysku haleyn karo.
Hiiraan Post Center
XAALADD DEGENAANSHO OO KA JIRTA GOBOLKA HIIRAAN
Ma jirto hadda xabad dhacayso iyo qeylo dhaan toona, xaaladduna guud ahan way deggan tahay balse waxa aad u yar rajada ay dad badani ka qabaan sida aysuurto gal ku tahay inay iska sii socoto degganaanshahan ayadoo aysan jirin cid nabadda u ololeynaysa habayaraatee.
Waxa jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo u dhexeeyay MMI iyo qaar ka mid ah duubabka gobolka hiiran oo ay cadaadis ku saarayeen in ay wadahadal la galaan dhinacyada ka soo horjeedo oo aanan dagaal wax lagu doonin.
Duubabka dhaqanka ee reer Hiraan oo iyagu mideysan, kana kooban dhammaan beelaha dega gobolka ayaa maalin waliba waxay u taagan yihiin xalinta khilaafadka u dhexeeya beelaha wada dega gobolka, waxayna leeyihiin xeerbeegti iyo xeer hoosaadyo ay ku dhaqaan beelaha.
Qaar ka mid ka mid ah odayaasahn dhaqanka eereer Hiiran, oo aan maanta la kulmay lana sheekeystay muddo saacado ah ayaa waxa ka muuqatay niyad wanaag iyo kalsooni weyn oo ay ku qabaan howlaha ay umadda u hayaan. Odayaashan oo aan si guud wax uga weydiiyay waxa ay ka qaban karan xaaladda hadda la joogo ayaa waxay ii sheegeen inaysan ka dhib badnayd wixii ay soo arken isla markaana soo xalinayeen 20kii sano ee la soo dhaafay.
Aniga oo la kaftamaaya ayaa waxan ku iri ma mooddaan ama ma idinla tahay in maanta oday warkiisii laga gudbay? oo arrimo aydnaan aqoon u lahayn laysku hayo? Waxay ku jawabeen iyadoo ay kalsooni weyni ka muuqato inayba tahay tani middii ugu sahlanayd ee weligood soo marta, waxayna sabab uga dhigeen in raggan culimada ah ee hadda siyaasadda isku haya ay la shaqen jireen kalsooni badanna ay ku qabaan, hadda xabad joojintana ay odayaashu sabab u yihiin.
Aden H Bashir
Hiiraanpost,Beledweyne, adanuu68@yahoo.com
QOF IS KU QARXIYEY XERO CIIDAN SOOMAALIYEED
Qofka is qarxiyey ayuu Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fitaax Shaawey ayaa ku tilmaamay ajnabi. xerada uu qaraxa ka dhacay ayaa ku tiilay Xamar jajab (keydii hore ee shidaalka). Dhimasho ayaa lagu sheegi in ka badan 6 akari iyo 1 shacab sidoo aklane dhaawac badan.
Qofka is qarxiyey ayaa watay gaari Renault ah iskuna dayey inuu jiiro ilaada albaabka xerada ciidan, askarta ayaa rasaas ku riday qofkaa ka dib waxaa xigay isqarxintiisa.
Ma cado qofka is qarxiyey aqoonsigiisa, Hiiraanpost ayaa isku dayday in helo hofka uu yahay, ilaa da wax ka soo bixin, waxaa la sheegay in filim laga qaaday.
Horay ayaa falalkaa is miidaaminta lagu yaqiin Al-shabaab, iyadoo dowlada mar walbo soo qaado dagaal yahaniin ajaanib ah ku waas oo ah jihaad doon.
Sunday, May 24, 2009
SARKAAL SARE OO KA MID AH MMI OO MAANTA SHIL GAARI KU GEERIYOODAY
Sidoo kale, waxa dhaawac la ildaran, taliyha ciidanka ammaanak ee Gobolka Hiiran Axmed Enji, o uu dhaawaciisu hadda lagu daweynayo Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne isaga iyo 4 ka mid ahaa ilaaladooda oo la sarnaa gaarigan.
Alaha u naxariistee Cabdiramaan Faarax Diirow waxa uu ku dhashay magaalda Bulo burte horraantii sanadkii 1970aadki, waxa uu ahaa nin ganacsade ah xiliyadii uu waddanku ahaa dowlad la'aanta, kaddibna waxa uu ka mid aha sanadkii 2008dii, saraakiishii ciidanka Maxkamada Islaamiga ah raggii sida weyn ugu ololeeyay inay ka hirgeliyaan gobolka, kuna guuleystay aakhiritaankii.
Alaha u naxariistee Cabdiraxmaan waxa u ifka kaga tegay caruur iyo laba xaas.
Aasaka Marxuumka waxa ka soo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Beledweyne oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.
Allaha u naxariisto marxuumka, Eheladii, Qaraabadii iyo qoyskii uu ka tegeyna samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo, isagana Jannadi Firdowsa ahayd Allaha ka waraabiyo.
Aamiin.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
MA'OGTAHAY SOOMAALIYEY
Ma'ogtahay Soomaali in Ilmihii Dugsiyada Quraanka dhiganayay qaarkood la waayay?.
Ma'ogtahay Soomaali in Hooyoyin badan oo raadiyay ciyaalkooda oo lagu hayo meelo ka mid ah Bay iyo Bakool, in hooyoyinkaa halkaa lagu soo ciqaabay, oo waliba Madaxa laga soo xiireey, oo ay hadda dhibaato iyo calool xumo ka hayso deegaanada caruurtooda lagu hayo, oo ay diideen inay cidna u waramaan.
Ma'ogtahay Soomaali in magaaloyinka laga helayo reero badan oo ku wada nool guri ay kala figrad duwan yihiin oo ay jiraan wali in badan oo dhalinyaro ah waliba gabdho aad u yar yari ay u riyaaqaan siyaasada iyo mabaadiida AL-SHABAAB, oo habeen iyo maalin lagu wacyigeliyo guryo ay sheegaan in kitabo loogu akhriyo, aaminsan yihiinna in cidii aan iyaga raacsanayni ay GAAAAAAALO tahay !!!!.
Ma'ogtahay Soomaaliyey in ilmo badan oo ay da'doodu u dhexeyso 12-18 Jir ay waalidkii dhalay waardiyo ka hayaan, oo telefonoka la gura socdo.
Ma'ogtahay Soomaaliyey in AL-SHABAAB oo caan ku ah soo dhoweynta da'yarta 12-18 jirka ah iyagoo ku magacaabo waad soo hijrootay, si aad ahna ugu dheereeyo soo dumidda qalbigooda, balse aanan la Ilaalin karin ama la beddeli karin qalbiga qofka ama waxa uu aaminsan yahay Saman iyo Xumaan.
Ma'ogtahay Soomaaliyey dhalinyada ku dhimatay Mogadisho,Hiiraan,Cadaado,Ceelbuur,
Ceeldheer ay dadoodo mid yar oo laga naxo marka ay dhibaato dhaawac soo gaaro iney reerkii uu ka dhashay u ciintamo.
Aden H Bashir
SHIL GAARI IYO GEERIDA TALIYE KU XIGENKA CIIDANKA
War na soo gaaray ayaa sheegay shil gaari oo ka dhacay garoonka diyaaradaha B/Weyn, uu ku geeriyoodan sargaal ka mid ah saraakiisha sarsare oo loogu yeero C/raxmaan Faarax Diiroo.
Sidoo kale dhaawac soo gaaray ilaa 4 qof uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Gobolka Hiiraan Col. Axmed Cusmaan Cabdalla (Inji).
Ilaa hada ka hayno warcad waxa sababay shilkaa gaari, Hiiraan ayaa maal mahan ku jirtan xaalad dagaal oo ka timid duulan aya soo qaaday al shabaab.
saraakiisha ayaa ah ku meelo muhiim u hayey shabka Hiiraan.
Ali Yare
Kenya.
Saturday, May 23, 2009
CUNO QABATEYNTA AFRIKA EE ERATARE
Ururka midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay cunoqateen ku soo rogay wadan Afrikan ah sida Eratare, dagaalada ka socdo Soomaaliya oo ay wadaan Al-Shabaab ayaa lagu eedeyey Eratera in ay hubeyso kooxaha islamiga ee Soomaaliya.
Somaliya waxaa ka jiro waqtigan dagaalo u dhaxeeyo Maxaakimta Islamiga iyo dowlada oo meel ah, xisbul Islam iyo Al shabaab oo meel, iyo Qabiilada oo meel ah.
Ururka midowga Afrika ayaa dhawaan u gudbiyey UN cunaqanteyntaas quseyso Islamiyiinta Soomaaliya iyo dowlada Eratare.
Dagaalka ka socdo Mogadishu iyo Hiiraan hubka lagu laayey dhacabkaa ayaa ka yidim Eratare iyo waamada deriska aya sidaa la cadeeyey.
Hadii Eratare iyo dekadaha Soomaaliya xaga xiro hubka ma suuro galineysaa inuu hubka ku socdo Soomaaliya istaago.
Friday, May 22, 2009
ABAABUL CIIDAN OO KA SOCDO HIIRAAN
Hiiraan Post:
Sida wararka naga soo gaaray Hiiraan ay sheegayaan in abaabul ciidan uu ka jiro magaalooyinka dhexe ee Hiiraan, ciidanka oo ku wajahan maxaas, wararka ayaa sheegayo ciidanka Al shabaab ee maxaas dagaalka ka awado in xoogooda ka soo duulamayaan ceel dheer halkaa oo al shabaab ku laadahay fasiisimo ciidan, wadadii maxaas iyo buulo burto u dhaxey ee sagaal geed oo xiran awgeed.
Ciidan Maxaas ee Al shabaab ayaa iskugu jiro baqiilo 3-4 ah oo keliya waxaa ku yar sida löa sheegay qabiilada waaweyn ee Hiiraan.
Ciidanka degaanka ee Maxaa iyo maxaakimta Islamiga ayaa sheegay in ay ku filan yihiin, abaabulka dadka iyo wargelintooda ay ay mareyso xaalad fiican.
Dadaxda Maamulka Islaamiga iyo guurtada Hiiraan ayaa codsaday in dadka barakacay kaalmo lala soo gaaro.
Ali Yare.
Kenya.
JAALIYADA REER HIIRAAN EE FINLAND
Hiiraan Post:
Jaaliyada reer Hiiraan ee Finland ayaa ka soo saaray shir ka dhacay Finland qodobo dhowr ah.
Jaaliyada Hiiraan ee Finland oo xiriir la yeelatay guurtada iyo maamulka Hiiraan ayaa si buuxdo isku raacay qodobo dhowr ah.
- Gargaar deg deg ah oo la gaaro shacabka Hiiraan qaasatan Maxaas iyo Wabxa.
- Taageero buuxdo in loo nabada iyo wada noolashada shacabka reer Hiiraan.
- Taageerada maamulka islamiga ee gobalka Hiiraan.
- Qaranimda Soomaaliaya iney tahay wax muqadax ah.
Jaaliyda ayaa si buuxdo u taageereyso qodobadaas iyo oofintooda, waxeyna codsadeen in lagu taageero halganka ay ugu jiraan badbaadin shabka Soomaaliyeed.
Hiiran Post Sweden
DAGALKA MOGADISHU OO DAD BADAN KU LA'DEEN

Hiiraan Post:
Dad shicib ah oo gadiidka magaalada sarnaa ayaa la sheegay ineyuu ku habsaday madfac oo halkaa ay ruux wayeen toboneeyo, sidoo kale magaalada dhinac yadeeda ayey dadku dhaawacmeen rasaasta xuuga badan ee halkaa ka dhaceyso.
64 dhaawac ayaa la geeyey isbitalka cisiley, isbitalka manadirna in ka badan 100 dhaawac ah, dhimashada la yaqaano tirada dhabta ah.
Xaadala Hiiraan ayaa sidii hore ah, iyadoo maxaas laga baqayo dagaalo cusub iney ka bilowdaan.
Hiiraan Post Network -CIIDANKA DOWLADA OO MUQDISHO
CIIDANKA DOWLADA OO MUQDISHO
Ciidanka dowlada ku meel garka oo ka saaray Al-shabaab xafado muhim ee bartamaha mugadishu, ciidanka ayaa isku fidiyey wadada 30ka oo markii hore gacanta u jirtay Al-shabaab.
Dowlada ayaa loo badinaya iney dulanka qaaday,madaxa wasiirada dowlada ayaa horay u sheegan in dowlada ay xoog isticmali doonto maadama ay ka quusatay wadahadal dhexmaro dowlada iyo al shaab.
Sent by Ali yare
Thursday, May 21, 2009
SAAN SAN COLAADEED OO KA MUUQATA GOBOLKA HIIRAAN
Kaddib soo gelitaanka ciidamada Ethiopia oo si aad ah u hubeysan iyo taxaddir gaar ah oo ay muujinayaan kooxaha ka soo horjeeda maaulka dowladda oo iyaguna haysta amaba ka taliya gobolka intiisa badan ayaa si weyn loo daremayaa maalmahan.
Waxa socda wadahadallo aan shaaca laga qaadin oo u dhexeeya saraakisha maamulka ee gobolka Hiiraan iyo saraakisha cidanka dowladda Ethiopia ee dhowaan soo galay gobolka. Wadahadallan ayaa waxa ay yihiin kuwo ay uga tashanayaan labada dhinac sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatar kasta ama weerar uga yimaadda kooxda AL-SHABAAB oo hadda gacanta ku haya iyagu meelaha ama dagaanada ugu istiraajiisisan ee gobolka, sida Maxaas, Bulo Burte iyo dhulka u dhexeeya oo dhan.
Warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah laguna kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Ethiopia ay ogeysiyeen ciidamda MMI ee gobolka oo ay suurto galtahay inay u sii gudbaan degaanad ama dhulka ay gacanta ku hayaan AL-SHABAAB iyagoo markaas aanan cdina codsi oggolaasho weydiisanayn, taas o ay ku macneeyeen baaxadda khatarta soo wajahday ciidamada Ethiopia ama ay uga hortagaan si aysan AL-SHABAAB suurto gal ugu noqon inay sii qabsadaan dhul kale.
Haddaba waxad moodda in halkaasi uu ismaandhaaf jiro ku saabsan sida loo wajahayo ka hortagidda AL-SHABAAB oo aysan caddeyn wali qaabka ay isaga kaashanayaan labada dal. dadka qaar ayaa waxay is weydinayaan ma ciidamda Ethiopia ayay dowladda Somalidu fasax u siin doontaa inay gudaha Somaliya soo galaan si ay u taageeraan una difaacaan dowladdan Somaliyeed uu maanta hoggaminayo ninkii horey u hoggaaminayay ciidamadii wax iska caabinta ee shalayto dagaalka iyo diplomaasiyada uga saaray dalka? Mise awooddii la dagaalantay ciidanka Ethiopianka shalayto oo si siyaasadeysan dhabarka looga jebiyay, oo ay qaarkoodna ay la jirto, loona qeybiyay Xisbiyo iyo ururo diimeedyo kala feker duwan oo aanan mideysnayn daraadeed ayay markale dowladda Ethiopia xoog isbideysaa oo ay fursad kale oo dahabi ah u aragtaa?
Haddaba marka la eego arrimahan iyo kuwo kaleba ayaa dad badani waxa ay muujinayaan rajo beel ku aaddan mustaqbalka dhow ee dalaka guud ahaan, gaar ahaan gobolada dhexe sida Hiiraan Shabelada Dhexe iyo Galgaduud.
Magaalada Beledweyne oo hadda uu Bandow saaran yahay xilliyadii habeenki ah, lana maqlo rasaas goos goos ah haben walba ayaa dadku waxay ku waabariistaa cabsi iyo iyagoo aroorti iska wareysanaya meelaha xalayto laga maqlayay rasaastu waxay ahayd, taasoo uu qof waliba waxa ay la tahay uu ku macneeyo.
Lama saadaalin karo xaaladda waxay isku beddeli karto, balse dadweynuhu waa uu rajo beelay waana dagaal suge saacad walba iyo daqiiqad walba.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledewyne
adanuu68@yahoo.com
ISCASILADA GUDOMIYE SH ADEN JILIBAY.
Gudoomiyihii hore Sh Aden Jilibay ayaa sheegay in sababta iscasilada tahay arin ka timid beesha uu kasoo jeedo iyo sababo kale.
Wareysi toos ah oo aan la yeelanay maamulka Islamiga Hiiraan, ayaan ka wareysany is casilada.
- Waxey sheegeen in aysan u caden sababta uu isku casilay,madama beesha uu ka soo jeedo ay kulan la yeeshen Maamulka Macow ay ku cadeyen in ay aminsan yihiin midnimda iyo nabada Hiiraan maamulka Islamigana ay raacsan yihiin.
- Waxey ku dareen in uu jiro dareen ah arimo shaqsiyeed ama hanjabaad reerkiisa soo gartan.
- Maamulka iscasilaada Sh Aden Jilibay ay aad ugu xun yahiin.
- Maamulka inuu sii wadi doono siyaasadii hore ee shareecada Islamiga.
- Maamulka ayaa rajeynayo inuu hello hogaamiya dadka si cadaalad ah ugu halgamo.
Ali Yare
Kenya.
DAGAAL KA DHACAY MAHDAY
Mahaday ayaa ah maagada ugu dhow degmada jowhar oo maamihii lasoo dhaafay gacanta ugashay xoogaga Al-Shabaab, mahaday ayaa la gu wareejiyey Xisbul Islam (Hassan Dahir) oo dabasacday Al-shabaab.
20.52009 habeenimo ayuu weerar ugu yidim dhinacii maamulkii hore, waxaa wararku nagu soo gaarayaan in ilaa 3-4 qof ay ku dhinteen mid kamid ahana ay xisbul Islam toogtan waaberigii iyo 7 shacab oo ku dhaawacmay.
Xoogaga soo duulay ayaa la sheegay in ay la baxsadeen inta ayasan dib ugu gurab gaari teknika ay lahaayeen Xisbul Islaam Garabka oo Hogaamiyo Xasan Daahir .
Waxaa jirtay qabsashidii Jowhar ka dib ineysan jirin wax iska caabin ah oo ka yimid maxaakimta Islamiga ee halkaa ka talin jiray, isbuucii lasoo dhaafay ayey dowlada dib u celisay cÃidan xoogan oo gurmad ahaa kana yimid Mugadishu.
Wednesday, May 20, 2009
SHABACKA MAXAAS IYO WABXO OO GAR GAR U BAAHAN

Hiiraan Post:
Gar gar walaalahaa Hiiraan !!!
Waxaa jirtay in dad badan lagu dilay ama lagu gowracay meelahaa taasi ay ku dhalisay maatadii qax iyo cabsi aan xad laheyn.
Wararka waxey sheegayaan in dhibaato weyn ay soo food sartay dadkii haba ugu darnaato dhaawacyadii oo daawo helin iyo oon iyo baahi, maatada waxey daadsan tahay daafaha Maxaas iyo wabxo.
Sidii loo gargaari lahaa dadkaa ayuu Ugaas Abdi Ali wadaa shir arimahaa looga hadlayo.
Hiiran Post Sweden
Tuesday, May 19, 2009
HIIRAAN WAX KAALMO MA HESHAA DOWLADA
Dhawaan waxaa Maxaakimka Islamiga laga qabsaday Jowhar oo meel muhiim ah dhinaca difaaca Hiiraan, Waxaa jirtayn in ciidan ka soo baxay Mogadishu oo kaalmo iyo duulan ku ahaa jowhar dib loo celiyey, iyadoo loogu yeeray in ay san maslaxada Jowhar ku jirin, lakiin waxey adkeysan rajo xumidii reer Hiiraan ay ka lahayeen Dowlada in arintan ay gacan ka dhiibato.
Magaalada Bulo Burto oo aan telfonka ku xiriirnay 19:00 19.5.2009 ayaa noo sheegay in cabsi weyn ay ka qabaan inuu dagaalka ku faafo B/weyn oo ah caasimada Hiiraan oo dad badan ay ku nool yihiin.
Sidoo kale cabsi ka imaatay ciidanka itoobiyo oo gudaha u soo galay Hiiraan.
Y Osman
WARARKA KASO BAXAYO GOBALKA HIIRAAN
warar ugu dembeeyeay ayaa shegaya in cidamada Ethopia ayfarasin ka samesten tulada jawiil ee udhawy xududa labada wadan arinkaas waxay cules kukentay xogaga al 'shabaab ee kusugan gobalka Hiiraan sido waxajirto walaac iyo qalqal kudhacay shaacabka reer hiraan ayago iswaydinaya xalada sida aynoqon doonto.
Maxamed Axmed Yusuf
mnaasir4@hotmail.com
Cutub ciidan Itoobiya oo soo galay xadka Hiiraan
Hiiraan Post:
Isgoska Kala Beyrka oo qiyaastii 20KM dhinaca waqooyi ee B /weyn ayaa la sheegayaa in cutub ciidanka itoobiya ay soo gareen halkaa.Ciidamadan ayaa la sheegay in ka soo tallaabidooda ay ka dambeysay kadib markii Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ay iyana ku soo wajahan yihiin Magaalada B/weyn oo ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga ee Dowladda taageersan, waxaana la ogeyn cida ay garab siinayaan Ciidamadan Ethiopian oo dhowr bilood ka baxay gudaha Soomaaliya.
Qabsashadii Jowhar ka ayaa waxaa jiray dareen iney Al-shabaab ay damacsan tahay B/Weyn oo ah magaalo saaran xuduuda itoobiya, Itoobiya oo u aragto in Al-shabaab ay yihiin ku ka soo horjeedo nabada Itoobiya ayaa la filaa soogelista ciidankaa.
Ilaa hada ma cado sababta buuxdo ee ciidanka Itoobiya u soo galeen gudaha Soomaaliya iyo in ay gacan siin doonaan maamulka Hiiraan.
Wararka oo balaaran waxaan ka sugeysaa Hiiraan.
Sunday, May 17, 2009
SAAMEYNTA UU KU YEELAN KARO MAGAALADA BELEDEYNE DAGAALADA KA SOCDA SH/HOOSE IYO HIIRAAN
Magaalada Beledweyne ayaa weli waxa laga dheehan karaa diifti dagaal iyo daalkii ka soo gaaray dagaaladii ay shacabku la galeeyn ciidmada Ethiopia labadadi sano e la soo dhaafay, dagaaladaas oo ay hoggaaminayeen kooxo dimeedyada haatan isku haya talada dalka, o ay dad farabadanina ku dhinteen mudadii ay dagaaladaasi soconayeen.
Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale goob istiraatijiyadeed u ah marka ay timaaddo xaalad Mileteri, waxana dhanka galbeed ee magaalada jira xadka u dhexeeyan Ethiopia iyo Somaliya. Dowladda Ethiopia ayaa waxay indhaha ku haysaa sdia ay wax u soconayaan iyadoo ay jirtay inay dhowr jeer ciidamada Ethioia ay ka soo talaabeen xadka, gudahana u soo galeen.
Dadka indha indheeya siyaasadda Somalia ayaa waxay ku macneeyeen dagaaladan mar qura sida daadka usoo fatahmay inay tahay xaalad cusub oo aysan sahlanayn in la siii saadaaliyo, balse ay dhici karto in markale ay ku dagaalamaan maaalada Beledweyne gudaheeda ciidama MMI iyo Alshabaab, ama ciidamad Ethiopia iyo Alshabaab, oo hadda sida muuqata dusha iska eeganaya.
Dhanka kale, waxa ay dad badani walaac ka muujinayaan inay dhici karto in Qaraxyo Bum isu adeegsadaan kooxahan dagaalamaya amaba madaafiic waliba meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo suuqdaya dhexdooda. Dad weynaha ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya imaanshaha AL-SHABAAB Magaalada Beleweyne, oo ay qaarkood kuu sheegayaan marka aad la sheekeysatid amaba aad ka dareemeysaa inaysan jeclayn dagaal markale ka hura magaalada Beledweyne.
Aden H Bashir
Hiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
JOWHAR OO GACANTA U GASHAY AL SHABAAB.
Dagaal waqti gaaban socday ka dib ayaa looga gacan roonaaday MMI ee Jowhar, degmadana ay gacanta u gashay Al shabaab.
Waxaa la sheegay in uu dagaalka ku jiray Hassan Turki ciidankiisa oo dhawaan ka soo galay Kismaayo, saldhigna ka suubistay xaruntii hore ee Qanyare gudaha Muqdishu.
Waxaa la filaa in ciidanka uu hogaaminyo Hassan Turki ay ka qeyb qaadan doonaan weerarka lagu hayo Hiiraan, jowhar oo aheyd meel Hiiraan garab u aheyda ayaa hada noqotay mid u baahan kaalmo.
Saturday, May 16, 2009
XAALADDA DEGMADA MAXAAS OO WELI CAKIRAN
Kaddib dagaallo ka soconaya maalintii 3aad degmada Maxaas ee gobolka Hiran oo u dhexeeya dadka deganaka ah iyo koox diineeka AL-SHABAAB ayaa weli halkaas laysku hor fadhiyaa dagaaladuna ka soconayaan. Dad goob joogayaal ah oo aan kula xiriiray isgaarsiinta nooca loo yaqaanno HF Radio ama Taarka ayaa waxay i xaqiijeen halkaas ku arkayeen Meyska iyo dhaawaca dad aan Somali u keyn oo leh midabka dadka caddaanka ah oo kale, balse aysan xaqiijin karin inay yihin dad Yurub ah ama Caarab ah.
Khasaaraha dagaaldan ayaa aad u adag in ogaado dhimasho iyo dhaawacba, sidoo kale way adagtahay sida looga helo warar sugan oo dhexdhexaad ah halkaas.
Dhanka kale waxa jiray dagaal xalayto dhex maray dadka deggan degaanka Halgan iyo koox dhalinyaro ah oo AL-SHABAAB oo shalayto ka soo tegey Bulo Burte, isla xalaytana doonayay inay ku laabtaan. Dagaalkan ayaa waxa soo qaaday dhalinyaro deggan degaanka Halgan, is rasaaseyn kaddibna lama soo sheegin wax khasaaro dhimahso ah oo halkaa ka dhacay.
Guud ahaan xaaladda deganaansho ee Gobolka ayaa ah mid ka sii daraysa, waxana aad ugu badan hadalhaynta gudaha magaalada wararka ka soo yeeraya dagaalada ka soconaya Degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda, arrinta ugu sii daranna waa Qaraxi maanta lala beegsaday Guddoomiyaha MMI ee Gobolka Cabdiraxman Ibrahim Macow.
Amar ka soo baxay Maamulka MMI ayaa ku amray dadka ku nool magaalada Beledweyne in ay magaaladu bandow tahay laga bilaabo caawa saacaddu markay tahay 8:00 fiidnimo. Bandowgan ayaa waxa loola jeedaa in lagu sugo ammaanka magaalda, kaddib markii habeenkii xalayto fiidkii lagu tuuray Bumb qaar ka mid ah ciidanka MMI oo ku sugnaa agagarka Buundoweyn, kaddib rasaas ay fureenna uu ku dhintay nin dhallinyaro ah oo rayid ahaa oo meesha marayay.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
QARAX BUMP OO MAANTA KA DHACAY BELEDWEYNE
Qarax bump oo ah oo la dhigay waddada qarkeeda oo lala beegsanayay Duddoomiyaha Maamulka MMI ee Gobolka Hiraan Cabdiraxman Ibrahim Macow ayaa maanta duhuradii ka dhacay magaalada Beledweyne.
Qaraxan oo uu ka badbaaday Guddoomiyaha M. I. Macoe ayaa waxa ku dhaawacman ilaa 3 ruux oo u mid ka mid ahi yahay wil yar oo arday ah dhaawacisuna uu aad halis u yahay, dhaawacana waxa la dhigay Isbitaalka weyn ee Beledweyne. Qaraxan oo ahaa mid laba jeer oo isxirgo oo ay swkenno yar uun ay u dhexeeyeen ayaa waxa gacanta lagu dhigay ninkii geystey fal dambiyeedkan.
Ninkan qaraxa geystay oo ay arkayeen dadweynuhu aya markiba cararay iksuna dayay inuu baxsado, kaddibna ciidanka ilaalada u ah Guddoomiyaha MMI ee Gobolka Hiraan kalsoonina ka haysta shacabka ayaa si sahlan gacanta ugu dhigay ninkan, waxana loo qaaday xarun ciidan oo ay degganyihin ciidama MMI ee Gobolka xaruntaas oo ah
(KM 115) ama "Chente Quindishce" halkasoo lagu maxkamadeeyay, laguna toogtay isla maanta 2:00 duhurnimo.
Qaar ka mid ah saraakiisha Maamulka MMI aya i sheegay inay baaritaan qoto dher ku sameeyeen dambiilaha oo ay hayaan liiska magacyda cidii faldambiyeedkan ka dambeysay o isgana kula talisay, waxayna ka gaabsaden inay wax faah faahin ah ka bixiyaan tirada iyo magacyada laga qoaray dambiilaha intii aanan la tooganin.
Sidoo kale waxa ay i sheegeen in toogashada ninkan ay u cuskaden shareecaa Islaamka oo ay Culumo xukuntay dilka ninkan fal dambiyeedkan geystay, waxayna uga digeen inay ku quus qaateen ciddii kale ee damacsan dibindaabyo noocan oo kale ah sida ay i sheegeen.
Aden Hasan Bashir
Hiraanpost
Beledweyne
Ciidanka Al-Shabaab oo dib ugu Bulo Burto.
Hiiraan Post:
Ciidankii Al- Shabaab ee u duulamay B/Weyn kana soo baxay Bulo Burto soona gaaray Halgan ayaa dib ugurtay ku laabtay Bulo Burto.
Xiriir telefon oo aan la yeelanay B/Weyn ayaa sheegay in diraay garow halkaa ka jiray uu ku qasbay in ay dib u gurtaan ciidankaa.
Xaalada Wabxa iyo Maxaas ayaa ilaa hada degan manaca cado sida dhibka uu u jiro iyo inta uu dhan yahay, wabxa ayaa ku howlan in la duugo dadkii ku geeriyoday dagaaladaa.
Friday, May 15, 2009
BAM LAGU QARXIYEY B/WEYN HIIRAAN
Waxaa bam lagu qarxiyey mid ka ah buundooyinka magaalada B weyn, waxaa la sheegay in alaa 2 askari ayaa ku dhaawacmeen iyo dad shicab ah.
Qaraxaa waxaa yidin dagaalo ka dhacayo Hiiraan iyo ciidan Al shabaab ah oo ku soo wejehnaa B weyn 15.5.2009 iyagoo soo maray wadada laamiga ee dhex marto Hiiraan.
Degaanada ay soo mareen ayaa ahaa ku aan u abaabulneen ka hortaga ciidankaa.
Al shabaab oo Gaartey Halgan iyo Garasyaani
DAGAALLO BA'AN OO KA SOCDA MAXAAS
Waxa markale dib uga dhex qarxay dagaal u dhexeeya AL-SHABAAB iyo dadka ku nool degaada Maxaas oio gacan ka helaya kood diimeeka kale ee AHLU-SUNNA WALJAMAACA. Dagaalkan ayaa saakay abaarihi 8:00 subaxnimo dib uga qarxay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo aad u qorsheysnaa ayaa ciidama AL-SHABAAB waxay ka soo qaadeen duulaankooda deganak WABXO oo u dhow degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalku markii uu xoogaa daqiiqado ah socday ayay ciidankii ka soo duulay Wabxo dib u laabteen, kadibna waxa dusha kaga yimid degmada Maxaas oo qabsaday ciidan isal AL-SHABAAB ah oo ka yimid meelo ka trsan degaanka oo isla Gobolka ah.
Warar soo baxaya oo isa soo taraya ayaa sheegaya in degmada Maxaas ay gacanta ku hayaan hadda AL-SHABAAB oo dadkii degaanakana ay halkaa ka barakaceen
Dagaalka maanta aya sababay khasaare iyo dhaawacba leh, balse illaa iyo hadda oo u weli dagaaalku socdo ayaanan caddeyn tirada saxda ah ee dhimasho iyo dhawaacba leh.
Dhanka kale, waxa jira Ciidamoo wata gawaarida dagaalka ee teknikada loo yaqaano kuwaasoo ka soo tagay saakay degmda Bulo Burte, waxayna fariisin ku meel gaar ah ka sameysteen meesha loo yaqanno Garaszyani, mana cadda halka ay ku sii fool leeyihiin.
Magaalada Beledweyne ayaa waxa laga dareemayay maanta feejiognaan Milleteri iyo hadalhaynta dagaalada ka soconayay degmada Maxaas oo dadku si aad ah ay ugu xoonsanayeen meelaha isgarsiinta sida "HF" Radio ama Taararka yaallaan ee gudaha magaaalada Beledwyene.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Thursday, May 14, 2009
Dogaal dhex maray Al-shabaab iyo MMI ee Hiiraan.
Dagaaladii xasaab ka dib ayuu dagaal kale dhex maray reer Hiiraan iyo Al-shabaab. Ciidanka Al-Shabaab ayaa ahaa ku duulaan ahaa, ka dib markii ji goonyo lagu suu biyey agagaarka Soomane oo ku dhow dhinaca bari ee Buulo burto.
dagaalka ayaa ahaa mid mudo cocaday, maamulka MMI ayaa sheegay iney ku guuleysteen dib u caabanta kolonyadaa.
Hiiraan waxey ku jirtaa xaalad cakiran, lakiin wareysi aan telefonka ukla yeeshay B/Weyn ayey sheegen in aad ay u degan tahay xaalada guud dadkuna ay degan yihiin.
Al shabaab ayaa ila hada dhex meereysaneyso Bulo burto, iyadoo doqeyda iyo wax garadka ay ku tiliyanaa ineysan habooney in degmada lu dagaalo.
Wednesday, May 13, 2009
MADAXWEYNA SOMALIA OO ANSIXIYEY SHAREECADA.
Shar warbixin uu qantay Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku saxiixay in Shareecada Islamka ay tahay sharciga Soomaaliya lagu dhaqayo.
Shirkaa waxaa la fadhiyey Gudoonka Golaha barlamanka iyo Ra'iisul wasaarha Soomaaliya, iygana qeyb tooda ayey ka ansixiyeen sharcigaa ka soo baxay barlamaanka Soomaaliya.
Maxey tahay sababta Al Shabaab u timid Hiiraan.
Maxey tahay sababta Al Shabaab u timid Hiiraan.
Si'aasha ayaan weydiiyey dhor ka mid ah wax garadka degmada BuloBurto. 13.5.2009
- Figrad qaldan oo diin ah iyo dhulbalaarsi.
- Islamn.
- Mugdiga qabiilada reer Hiiraan ku jiro.
- Dhalinyda u dhalatay Hiiraan qaasatay qabiilada ugu waa weyn.
- Cabsi ay ka qabaan mustaqbalka in Hiiraan ay noqoto meel awood balaaran oo igaya gilgisho.
- Hiiraan oo noqotay wadadii ay u mari lahaayen gudaha Soomaaliya.
Degmooyinka Bulo Burto,Maxaas iyo maxaabiis.
Xaalada degmada Maxaas ayaa degan ka dib markii loga gaca roonaday ciidankii Al shabaab ee duulaan ku soo qaaday degmada maxaas.
waxey wararka nasoo gaarayo sheegayaan in ciidanka degaanka ay qabteen dhor ciidanka Al-Shabaab oo hada lagu hayo masjid ku yaalo Degmada Maxaas.
Ciidanka ka difaacayo maxaas ayaa ah ciiden deqaanka oo keliya aysan jirin wax la yiraahdo Al-suna wal jamaaca sida ay sheegey,ila hada aysan maxaakimta Islamiga ee Hiiraan soo gaarin.
Bulo Burto Arbo 13.5.2009 12:00 waxaa ka jiray cabsi aad u weyn iyo ciidan badan oo Alshabaab ah magaalada dhex joogan.
Cabsidaa ayaa ka mid aheyd xabkii ka soo gaaray maxaas iyo cabsi laga qabo inuu magaalada gadaal ka dhaco.
Tuesday, May 12, 2009
DAGAALKII KA SOCDAY MAXAAS OO MARKALE SAAKAY DIB U QARXAY
Kaddib mrkii shalayto oo dhan uu dagaal ka soday degmada Maxaas oo gobolka hiraan una dhexeeyay AL-SHABAAB IYO AHLU SUNNA loogana xoog roonaaday AL-SHABAAB oo iyagu marki horeba dagaalkan soo qaaday, lagana saaray dhammaan degmada Maxaas iyo waliba Masaajid la sheegay inay gabbaad ka dhiganayeen laguna burburiyay ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidan gurmad ah oo ka yimid degmada Ceel Buur uu halkaas saakay waaberigi mar kale dagaalkii dib uga qarxay.
Sidoo kale, waxa jira gurmad la filayo inuu AL-SHABAAB ka diro degmada Bulo Burte oo ay ku xooggan yihiin, balse waxa jira inay ka walaacsan yihin halkii uu cidankaas mari lahaa oo dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Bulo Burte iyo Maxas sida Yasooman Aboorrey iyo Sagaal geed ayaa lagu soo warramayaa in ay ku diyaar yihin AHLU SUNNA.
Ma jiraan illaa iyo hadda caddeynta khasaaraha kala gaaray labada dhinacba oo ilaa iyo haddana dagalku halkas weli ka socdo maalintisi labaad. Ma jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo lagu dhex dhexaadinayo ama lagu joojinayo colaadani iyo cid u istaagtay toona.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
WARAR DEG DEG AH
Dagaall culusu oo maaanta ka dhacay degmda Maxaas ee G/Hiiran oo ay isaga horyimaadden ciidamada AL-SHABAAB iyo kuwa AHLU SUNNA WALJAMAACA ayaa sababay khasaaraha dhimahada dad gaaraya ilaa 4 qofood oo ka kala tirsan labada dhinc ee dagaalamayay, dhaawaca iyo barkacuna inaa ka sii b adan yahay
Dad goob jooge yaal ah oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inay dagaalakan soo qaadeen ciidamada AL-SHABAAB ee uu fadhigoodu ayahay degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maalmahanba isku urursanayeen xoogagga AL-SHABAAB kaddib markii looga soo awood roonaday degmooyinka dhuusamareeb iyo Guriceel horraantii sannadkan.
Dagaalkan oo galabta iskiis u joogsaday ayaan jirin wax faah faahin ah oo intaa kabdan oo ka soo baxaya, waxana suurto gal ah in labada dhinacba uu gurmad uga kala yimaado aagga u dhow dhow ee ay ku kala sugan yihiin labadan dhinac
Aden Hassan Bashir
Hiiranpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
DHAQ DHAQAAQYO MILETERI OO KA SOCDA GOBOLKA HIIRAAN.
Waxa isa soo taraya dhaq dhaqaaqyo mileteri oo ka ira guud ahaan gobolka, gaar ahaan degmooyinka waaweyn ee Beledweyne iyo BuloBurte. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa qeyb ka ah loolan siyaasadeed oo ba'an o ka jira guud ahaan dalka Somaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan, oo ay ku hardamayaan kooxaha MMI oo dhican ah iyo XISBUL ISLAAM IYO AL-SHABAB oo ayaguna isku dhinca ah.
Magaalada Beledweyne ayaa si weyn looga daremayaa dhaqdhaqaaqyadan ciidan, ayadoo aysan jirin hadda cid xabbad isku ridaysa ama dagaalamaysa, balse dadwenuhu shaki weyn iyo walaacba ka muujinayo xaalada nabadgelyo ee hadda jirtaa inay marwalba ama daqiiqad kasta ay wax isku beddeli karaan, oo ay colaaddu oogmi karto.
Dhanka kale, waxa jira in ay cidamo Ethiopian ahi ka so gudbeen xadka oo ay soo gareen tuuloyinka Kabxanley, Aabaaley iyo Defow, oo ay kaddibna dhanka galbeed uga soo talaaben halkaas o ayna isku sii balaarinayaan degaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan si ay ula socdan sida la sheegay dhaqdhaaqyada ciidan ee kooxaha ay u arkaan inay khatar ku yihiin ama cadow u yihiin ee ku sugan Galbeedka Beledweyne ee AL-SHABAAB IYO XISBUL ISLAM.
MMI ayaananan wax hadal ah ka soo saarin soo galitaanka ciidamda Ethiopia ay soo galeen qeyybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, mana jirto cid xaqiijin karta suurto galnimada in ay wadahsaqeyni ka dhexyn karto iyaga iyo ciidamada Ethiopianka ah.
Degmada Bulo Burte aya habeenkii xalayto ahayd Bandow, si ay kooxda AL-SHABAAB ee halkaas ka talisaa ay u ilaaliyan dhaq dhaqaaqa ciidan, amaba ay dhici karto weerar kaga yimaada dhanka Beledweyne, kaddib markii ay xayiraad ku sameeyeen ciidamo ka tegey Beledweyne oo u socday Muqdisho si tababbar dibeda ah loogu qaado maalinti Jimcaha ahyd ee aan soo dhaafnay.
Hadaba waxa aad isu sii taraya walaaca iyo cabsida baahsan ee ay dadku ka qabaan waxa dhici kara mar haddii dagaalkan laysu middiyo afaysanayo uu dhaco markale.
Aden Hasan Bashir
Hiiraan Post.
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Ciidanka Itoobiya oo markii sedexaad soo galay Hiiraan
Ciidanka Itoobiya ayaa markii sedexaad soo galay tuuloyin ku dhow Deefow Hiiraan, waxaa lafilaa in ciidanka soo gelistiisu la xiriirto dhaqdhaqaaqa Al shabaab iyo Xisbul islamku ka wadaan Hiiraan.
Maamulka Hiiraan oo dhinac dhowris ku hayo kooxaha ka soo horjeedo iyo imaatanka itoobiya ee gudaha Hiiraan.
Maamulka Maxakimta Hiiraan oo ah maamul qunyar sacod ah si aad ahna ugu xiray shabacka iyo odayaasha reer Hiiraan oo mar walba ka baaqsado dagaal ka dhaco Hiiraan ama isku dhac dhex maro maamulka Islamiga iyo kooxa ka soo horjeedo.
Hadii kooxaha ka soo horjeedo Maamulka Islamiga ee Hiiraan aad sii wadaan dagaalada iyo cabsi gelinta dadka iyo xuduuda itoobiya waxaa hubaal ah in ciidan itoobiya ay mar walba soo geli doonaan xuduuda Hiiraan.
Ali Yare
kenya.
Dr. Maxamed Xasan oo u arkay indho cade inuu qabiilkiisa hubeynayo
Dr. Maxamed Xasan Camey afhayeen Xisbul Islam ayaa markii ugu horeysay muujiyey in IndhO Cade uu arimo qabiil hoosasinayo ka dib markii uu hubkii u dhiibay in ay isku reer yihiin.
Sheekh Daa’uud Maxamed Abtidoon oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan wax kala socon hubka uu Sheekh Yuusuf Indhacadde ee lagu wareejiyey Hassan dahir Awees.
Sheekh Daa’ud Max’ed Abtidoon ayaa sheegay in arintaa aysan wax u dhimi doonin nabada ay raadinayaan garabkooda, waxuuna raacioyey inuu ahaa indhocade mid isbedela mar walba.
10 gaari iyo ciidankooda oo ku rareegay garabka Dr. Cumar Iiman, ku waas oo ahaa ciidankii Yusuf Indho Cade oo degaan u ahaa warshada baastada, heshiis ay galeen Sh Hassan dahir iyo indho cade ka dib.
Monday, May 11, 2009
Xaalada Mugadishu
Qabiilada reer Hiiraan oo is tusay maslaxadooda qaaska ah.
Qolooyinkii dagaalka ka waday B/Weyn Hiiraan ayaa ku guuldareysay in dagaalka ay soo geliyaab qabiilada degaanka ku ah Hiiraan, kadib markii ay arkeen taageerada loo hayo oo sii yaraaneyso.
Waxey mudo dhowr mar ah ku dadaaleen sidii arinta gobalka loogu dhigi lahaa mid qabiil ah, si ay u helaan taageerada qabiilka.
Maamulka gobalka ayaa ahaa mid mar walba ka fogeyn jirey inuu noqdo mid qabiil, taasina uu ku geeleysatay qalbiga shabka reer Hiiraan.
Shacabka ayaa si degen isku tusay in mar walba arimaha Hiiraan ay ku egtahay reer Hiiraan oo keliya, loona baahney dagaal aan la garaney waxa ka soo bixi doono iyo dadka wataba.
Madaxweynaha Soomaaliaya oo ka hadlay dagaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qabatay shir warbixin ah kaasoo markuu ugu horeysay u tacsiyeey dadkii la la'day dagaalkii Mugadishu.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada ay ku dadaali doonta in Soomaaliya uu san dagaal dambe ka dhicin.
- In booska ugu fiican ee dowladiisu tahay sidii dagaalka oo joojin lahgaa, dowlada waxey ku dadaaleysaa sii sheeg in dhibka looga dul qaadi lahaa.
- In ay jiraan qolooyin shaqo ka dhigtay dagaal joogto ah, nasiib daro dad xirfadooda ka dhigtay dagaal maalin iyo habeen oo dowladnimo ama figrad maslaxadeed u soo jeedin.
- Booska waxey ku dadaali jiritaan dowlad Soomaaliyeed.
- In dagaalada ka Socdo Soomaaliya ay yihiin ku dowlado kale loogu adeegayo.
- In heshiisyo horudhac ahaa ee lala galay qolooyinkaa ay ka laabateen.
Shirkaa warbixineed uu qabtay Madaxweyn Shariif ayaa ku soo aaday dagaalo ka socodo Mugadishu iyo dowlada oo lagala wareegay goobo ay gacanta ku haysay.
Itoobiya oo dib ugu baxday tuulooyin hoos tago Hiiraan
Ciidamada Itoobiya waxay isaga baxeen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo maalmo ka hor ay soo galeen.
Bixitaanka ayaa ka dambeeyey ka dib markii maamulka Hiiraan ku dhawaaqay jihaad ka soo horjeedo ciidanka soo galay Soomaaliya ee Hiiraan.
Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ah taliyaha amaanka ciidamada Maxkamadaha Islamiga Hiiraan ayaa ka dhawaajiyey in ay daawan doonin ciidankaa Soomaaliaya Soo galay
Ciidanka inta uu joogay gudaha hiiraan ayaa la filaa iney geysteen dhibaato iyo xarag dadka tuuloyinkaa degenaa.
Madaxweynaha Soomaaliaya oo raadiyano
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa raadin hayo sharciga islamka waxa uu ka qabo dagaalka ka socodo caasimada Soomaaliya.
Madaxweyna ayaa ku jiro wada halo iyo latashi culumada iyo shacabka Mugadishu.
Sheekh Shariif ayaa xusay Quraan iyo axadiis dagaalka la xiriiro, iney noqon karaan qolooyinka dagaalamayo Khawaajin.
Madaxweynaha ayaa ku booriyey in Soomaalida midow meel ugu soo jeesato dhibaatada taagan.
waxuu sheegay in farta lagu fiiqo dadka gardarada wado, hadeysan dhicin Inuu yahay hogaamiyada shacabka Soomaaliyda uuna difaaci doono.
kulankaa ayaa ahaa mid aad xasiisi uhaa.
Saturday, May 9, 2009
Maxuu ka qabankaraa maamulka Hiiraan arinta Bulo burto
Hada waxa jirto in maamulka u san gacanta ku hayn dagmada buulo burto oo ah dagmada labad ee ugu weyn Hiiraan.
Bulo burto Waxa ka jirto in dhalinyarada sheganayo AL-Shabab oo ay tiradooda iyo tayadooda ay ku hayaan bulo burto tahay mid aad u kooban.
(maxuu ka taagan yahay maamulka arinta maxeyn tahay awooda u leeyahay wax ka qabashada dhibatada) taasi wa su'aasha dad badan iswey dinayaan.
Hiiraan waxaa wada dego qabilo dhowr ah, halkee bey ka taagan yihiin arimagn, madama qabilada ku qaatay kuraasta barlamanka in ay ka mid yihiin maxaakimta Islamiga ama asmaro.
Arimaha iyo dhowr ah waxan u bandhigi doonaa maamulka Hiiraan iyo xubnaha dowlada.
Hassan A A.
Hiiraan.
Buulo Burto oo lagu xayiray ciidan u socday Mugadishu
Taageerayaasha Al shabaab ee kugun Buulo Burto ayaa Shalay subax ayaa ciidamda ALSHABAAB waxay ku qabteen barta Koontaroolka ah ee laga galo degmada Bulo Burte ilaa 4 gaari oo kuwa xamuulka ah, sideyna ciidan kor u dhaafaya ilaa iyo lababoqol, kuna socday magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan ciidamo kale oo lagu waday inay dowladdu ugu qaaddo tababar waddamo dibedda ah. Ciidamadan ka tegey Beledweyne ayaan wax hub ah sidanin, balse muddo saacado ah markii la hayay ayaa waxa laga reebay dhowr iyo labaaan nin oo dhallinyaro wada ahaa, taasoo lagu macneeyay in ay ALSHABAAB horey uga tirsanan jireen, ama ay suurtogal tahay in hadda la wacyi geliyo si ay ciidamadooda ugu biiraan. Gawaaridii siddey ciidankan MMI ayaa waxa la ganaacay min Saddex Milyan oo Shilinka Somaliga ah, isla markaana lagu amray inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimaaddeen.
Arintaa ayaa aad ugu careysay ciidan hub la'aan ahaa iyo sida ay u dhaqmayaan dhaliyaradaa Al shabaab sheeganayo.
XAALADDA GUUD IYO WARARKII UGU DAMBEEYA EE DEGMADA BULO BURTE
Degmada Bulo Burte wax ay dhacdaa bartama dalka Soomaliya, waana meel Istiraji u ah isu socodka Gobolada Soomaliyeed ee Isku xira Waqooyiga iyo Koofurta dalka. Degmada BuloBurte ayaa waxay sidoo kale muhim u tahay dhaqdhaqaaqyada Miletari si loogu kontaroolo dhaq dhaqaaq kasta ee Milerati oo ku wajaahn Gobolada Dhexe iyo kuwa Koofureed ee dalka, waana middaas arrinta keentay in ay ku loolamaan gacan ku haynteeda kooxaha dimeed ee isaga horjeeda siyaasadda dalka.
Degamada Bulo Burte ayaa waxa gacanta ku haya hadda koox-diimedka AL-SHABAAB oo iyagu si tartiib tartiib ah isugu urursanayay halkaas tan iyo marki uu dalgaal lagu hoobtay oo keenay dhimasho iyo barakac uu ku dhexmaray iyaga iyo koox diimeedka kale ee AHLU-SUNNA WALJAMAACA bilihii la soo dhaafay, oo halkaasna gabi ahaan lagaga awood roonaaday AL-SHABAAB, lagana soo saaray gobolka galgaduud, halkaasoo xuddun u ahayd lagana aasaasay
Majiraan wax maamul ah oo kale oo halkaa ka arrimiya AL-SHABAAB mooyee oo iyaguna keeb la yuurar ah, si feejiganna isaga ilaalinaya MMI oo ayagu tageero iyo kalsooniba ka haysta guud ahaan shacabka reer Hiiraan, si weyn uga taliya magaalada Beled weyne iyo nawaaxiga u dhow dhow, halka AL-SHABAAB aysan dadwynuhu kalsooni sidaa u sii buuran uusan ku qabin, ishana ay ku hayaan uun hadba ida ay wax isubeddeyaan.
Waxyaabaha aan sida weyn ula yaabay ayaa waxay ahayd in ay ALSHABAAB xiliyada fiidkii ah ay meel fagare ah oo bartanka magaalada Bulo Burte ay halkaas ku soo bandhigaan darbi weyn oo sidii kuwii Shineemooyinka ah, ficiladdii iyo xeeladihii ay adeegsanayen makii ay dagaalka kula jireen ciidamadii Ethiopianka ahaa, kuwaasoo u badnaa isqarxin iyo ciidamo dagaalka lagu soo qabqabtay oo ay AL-SHABAABKU si gowracayiin oo aan naxariis lahayn meel fagaaraha ah ugu gowracayeen, iyagoo aad ugu faraxsanaa markii ay ficilladaas sameynayeen iyo kuwa xiligaa daawanayayba.
Sidoo kale, marka dhowr muuqaal la dawado ayay u sharaxayeen dadweyihii halkaas isugu yimid oo ay ku boorinayeen inay dagaalka ama Jihaadka noocan ah ka qeyb galaan naftooda ugu huraan diintooda Islaamka ah "Sida ay hadalka u dhigayeen".
Waxa kale oo iga fajaciyay dhalliyaro aad iyo aad u da'yar oo iyagu u ooyayay inay iyaguna ku shahiidaan sida walaalahooda gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay isugu qarxiyeen, ugu shahiideen, ilaahayna waxay ka baryayeen dhallinyaradan aadka u yar yar in kuwaa geeriyoodayna Ilaahay shuhaddo ka dhigo ayguna ilaahay ka baryayeen iyagoo waliba Ilmeynaya inay nasiibkaasoo kale helaan.
Blad Weyn ayaa muuqata in ismari waa weyni uu ka dhextaagan yahay kooxahan ku loolamaya gacan ku haynta shacabkii ay shalayto u dhimanayeen inay ka xoreeyaan cadowga ku soo duulay, markii ay ciidamadii shisheeye halkaa ka baxeenna ay iyagii ka dhextafan tahay. Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale ismaandhaafkaasi uu gaaray halkii ugu sarreysay, taasoo keentay in uu gaan ka hadal isu beddelo oo dagaal laysiga horyimid, walina aan wax xal ah ama is afgarad laga gaarin iska hor imaadkaas.
Dadweynaha ku nool gobolka ayaa waxay walaac ka muujinayaan is afgaranwaagan oo ay ugu yeereen inay tahay nasiib darro aad u weyn in culumadii maanta shacabkii shalayto ay xoreynayeen ay ku dul gorgortamaan, isla markaana nabadgelyadan hadda la haystaa ay ku sheegeen inay tahay mid aanan laysku haleyn karin, ayna suurto galtahay inuu dabadheeraado murankan siyaasadeed salkana ku haya mabaadiida diineed.
Aden HAsan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo. com
Maamulka dhismaha jaamacada Hiiraan.
Dhismaha Jaamcada Hiiraan oo ay soo dhaweeyeen Soomaalida oo dhan si niyad sami ku dheehan tahay, sida la xusuusto waxaa Yurub iyo america soo gaaray gudi uu hogaamineyey Pro.Axmed M Warfa, kaa soo runtii si weyn loo wada sugayey. Dhismaha jaamacada Hiiraan oo marayo qeybihii ugu dambeeyey ayaa dhawaan la filaa in maamulka dhismaha jaamacada ay bilaabo doonaay dhaqaalo u raadinta dhameystirka jaamacada. Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Board-ka Ururka Jaamacaadda Hiiraan.
Guddoomiye Xigeenka Guddiga Fulinta ee Board-ka "Ururka Jaamacadda Hiiraan.
Dhamestirka warbixinta waxaa soo diri doono Pro: Axmad M. Warfa (USA) |
Friday, May 8, 2009
Ciidana Maxkamada Islaamiga ee Hiiraan
Ciidana Maxkamada Islaamiga ee Hiiraan ayaa maalmahan howlgalo ay ka fuliyeen Caasida Hiiraan B/Weyn ku soo xireen in ka badan 30 dhalinyaro, oo lagu tuhmay iney ka dembeey amni daro ka maamalmahan ka jirtay B/weyn.
Ciidanka ayaa ahaa ku magaalga daafaheeda log iyo gadiid ku marayey malmila soo dhaafay.
Arintii ay wadeen guurtada Hiiraan ayaa ila hada wax heshiis cad uusan ka dhicin, lakiin waxaa jirto in xiisadii yaraatay kadib markii ay shabadka Hiiraan u arkeen inuu maamul degen u yahay saxlaxad.
Ali Yare
Kenya.
Thursday, May 7, 2009
Ciidanka Ethiopia oo gudaha u soo galay Hiiraan.
Waxaa laga warhelay 5.5.09 galabnimo ciidan itoobiyan oo aad u hubeysaan oo soo galay xuduuda Soomaaliya ee Hiiraan, Sida la sheegay waxey galeen tuulooyin Deefow, Cali ganey, oo hoos yimaado Hiiraan.
Waxey halkaa ka xirxireen dad aan la ogeyn tiradooda, dadka qarkood ayaa la sheegay in la jirdilay, sida itoobiya u caadada ah in dadkii ay xirto adagatahy in dib loo helo.
Degaanadaa dadka degen muujiyeen cabsida ay ka qabaan ciidankaa iyo in markale dhacdo.
Maamulka ayaa ilaa haatan ka hadlin artintaa.
Dagaal balaaran oo ka socdo Mugadishu 07 May 2009
Dagaal ka bilowday magaalada ayaa ku sii fiday gudaha magaalada, wada sodonka, warshada sigaarka iyo taraqa.
Sida lasheegayo waxuu ka bilowday weerar badley ay ku qaadeen hogaamiye ka tirsan Al-shabaab.
Qaar ka mid ah Xisbul islam ayaa sheegay in la joojiyo dagaalka sida Dr Cumar Iiman.
Ilaa hada war cad kama uusan ka soobaxay dhibaatada iyo xaalda gadaalka.
Dagaalkan hadii uu sii socdo waxaa suuro gal ah in ay lunto fisgaraha siyeesada ee hada leysku hayo oo arintu isku besho qabiilo.
Waxaa jirto qoladii gadootaba iney ururkii ugu dhow ay sheegtaan si ay garab gadaalka ugu helaan, sida Hiiraan ka taagan oo dhalinyada marba qolo sheegtaan iyagoo qabiilkiina garabsanaya.
Tuesday, May 5, 2009
Halkee bey Hiiraan ka bilowdaa howsha.
Hiiraan oo ah meel ay Soomaalida jeceshahay qadariso, Hiiraan intaa waxa u dheer in reer Hiiraan ay bilabeen sidii loo dhisi lahaa Hiiraan.
Halkee Hiiraan ka bilawdaa howsha, waxaa jiro arimo dhowr ah oo u baahan in la wada taabto.
- Heyada shirciga (maxkamad sare).
- Maamul buuxo dhinacwalba.( Golo guurto, Golo Wakiilo)
- Ciidan nabad sugo oo dhameystiran.
- Dhaqaalo hagaagsan.
Dhismaha iyo howlaha hada ka socdo Hiiraan.
- Waxaa ugu weyn Dhismaha waxbarashada iyo Jaamacad cusub oo uu hogaan ka yahay Pro Warfaa.
- Dhismaha wadooyinka oo ay gacan ka geystaan reer Hiiraan iyo jaaliyadaha dibada.
Dhibaatada hortaagan howlahaa oo dhan.
- Qabiil.
- Cadaalo daro.
- Jahli.
Dhibatada Soomaaliya iyo ganasida shisheeye.

Soomaaliya waxaa haysato dhibaato tan dunida ugu adag, waxaase jirto in caalamaka ama shagsiyaada qaar ay ka suubiyaan lacag xaalada Soomaaliya ka taagan maanta.
Waxaa xayeesiin na weydiistay shirkad iibineyso garan ay ku qoran tahay (Free Somalia Pirte) oo ah 18,00$,Waxaa la yaab maxey Soomaaliaya iyo qolooyinka waran laboodka ay sugayaan.
- Xalka Soomaaliaya waxuu ka imaan karaa oo keliya dhulka hooyo.
Monday, May 4, 2009
Wasiirka Ammaanka Qaranka Somalia oo sheegay hub.
Wasiirka ayaa u sheegay warbaahinta in laba diyaarado oo wada hub kana keenay Eritrea ay ka dageen garoonka Balli-Doogle ee Shabeellada Hoose, lana filayo in markale hub soo galo Soomaaliya.
Wuxuuna dib u xusay in muqaawamada uu ka mid aha ay saldhigga ku lahaayeen dalka Eritrea, Dowlada Asmara ay u sheegi jirta ineysan hub ka dejin karin Soomaaliya si Cadowga Ethiopia loo saaro wadanka.
"Horay ayey u caddeysatay dowladda Eritra, ineysan dowlad Soomaaliyeed dhalan ",Wuxuu intaa raacsiiyey.
"Somalia inay noqoto meel fowdo ah. Somalia inay noqoto meel ay muqaawamooyin Somali ah iyo dowladda Ethiopia ku hardamaan."
Waxuu xusay in "Soomaaliya maalkooda iyo naftooda ay u hureen xureytii Eritra, ayna shacabka iyo jabhada Eritra isticmaali jireen aqoonsida Soomaaliya.
"maanta oo caalamka oo dhan rabo in Soomaaliya istaagto iney ka soo horjeesato Eritra waa arin aan fiineyn" Wuxuuna dowladda Eritrea uga digay inay hagardaameyso Somalia.
- Waxaa is weydiin mudan kooxdee ayey Eritra hubka u soo dejisaa oo haysto Balli-Doogle.
- Maxuu caalamka ka dhahayaa arintaa, mise weli Soomaaliya dagaal ayaa la rabaa.
- Rabshadaha Hiiraan ka taagan ma hubkaa baa mise (maa daama iyo sheeganyanyaan Al shabaab iyo Xisbul Islam ama qabiil.
Saturday, May 2, 2009
Maamulka Hiiraan oo guulo ka gaaray Xaalda B/Weyn.
Maamulka gobolka Hiiaran oo inta badan kaashanayo shacabka gobolka oo ay ugu horeeyaan Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ah mid si layaab leh ugu yaabiyey shacabka gobolka kedib markii in nabad lagu wada noolaado oo colaada la joojiyo uu kaga dheereeyey kooxahii ka soo horjeeday, dhinaca kalena ay maanta kooxahii Belet- weyne qaska ka waday ay awodoodii iskugu tagtay ilaa 3 Guri oo Villa ah iyo 1 Hotel oo ay hubkoodii iskugu geeyeen halka uu maamulka gobolka isagoo nabad doonayo dhinaca ciidanka iyo siyaasada xooga saaray.
Mar aan xiriir la sameeyey qaar shacabka ka mid ah ayey sheegeen in maamulkan ka gedisan yahay kuwii hore waayo maamuladii hore sidey u joogaan ayaa qaarkood la maqli jiray Jowhar ayuu gudoomiyahii jiraa iyo Galgaduud ayuu ku qayilayaa iwm ah.
Maamulkan shacabka u dhega nugul oo midkan dhaamo ma jiro ayey dhaheen inkasta oo sidii loo majo xaabin lahaa lagu mashquul san yahay oo dad aan degaanka u dhalan oo Mogdisho laga biilo ay gobolkaan rabshado aan dhamaan u doonayaan hadane dadku sidii hore maahan.
Elmi (Beyxaaw)
Buulo burto iyo xaalada Hiiraan
Waxaa magaadala lagu arkayey dabley aan laheeb aqoon oo buundada iyo meelo kamid ah buulaay isbaaro dhigto, maadaama ay magaalada aheyd mid ciidanbka gobalka ay ku yaraanyeen, ayey shacabka buulaay bilaabeen ka ka dhiidhinta iyoudiyaar garowga ka hortaga dablkeydaas, bilaabeen sidii loo difaacilahaa degmadaiyo nabadeeda. dableyda magaalada nabadeeda qaseyso diidana balantii ay qaaday UNDP oo aheyd dhisida buundada Buulaay.
ayaa waxaa bilawday in dhalinyada ay ku yaraato dhax jooga magaalda, kuwaas oo u diyaar garoobaya sidii ay difaaca magaalada u gali lahaayeen.
Ilaa hada xaalada madegano dableydaas oo la filaayo iney yihiin Al shabaab ayaa ka dheerado magaalada waqtigahabeenkii.
Hamiga ugu weyn oo dadka reer Hiiraan yaho ayaa ahaa maamulka Islaamida ee maxaakimta inuu muujiyey xil iska saarida iyo daryeed dadka Soomaaliyeed ee Hiiraan.