Xisbu diineetka uu hogaamiyoHassan Daahir ayaa wax yar ka hor usku dayey in ay qabsadaan xabsiga kuyaalo magaalada Baladweyne si kedib ah.
Ciidankii xabsiga iyo dhalinyo ka soo jeeday degaanka ayaa ka saaray halkii ay isku dayayeen in qabsadaan.
Dagaalka ayaa haatan u gudbay fasiisamidii ay horay ugu soo duuleen oo dib ayaa loo caabiyey, rasaasta ayaa haatan ka dhaceyso qoraxsinka magaalada balad Weyn buundad sariiraale.
Ilaa haatan lama yaqaan dadka ku wax yeeloobay dagaal xiriirka waxaa lala yeeshay ciidanka dagaalka ku jiro.
Wixii soo kordho waan idinla soo socod siin doonaa insha allaah
Mohamed Keinaan
XAAALDDA DAGAALADA KA SOCDA MAXAAS IYO WARXOOLO IYO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
ReplyDeleteWalow aan manta deggand xaaladda nabadgelyo degmada Maxaas, haddana waxa jira cabsi weyn oo ku aaddan in uu dagaal rogaal celis ahi markale halkaas ka qarxo, kaddib dagaallo ay dad badani ku dhinteen oo halkaas ka dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, gaar ahaan degaanka Bilcille iyo goobo oo ay sida ay ii xaqiijiyeen dad dhexdhexaad ahi halkaa ku dhinteen dad kabadan 10 qofoof.
Dagaaladan ayaa waxay u dhexeeyaan AL-SHABAAB iyo dadka deggan dagaanka Goobo, dhimashadan oo sida la sheegay ay ku badanyihiin Saraakiil sare oo ka tirsan AL-SHABAAB ayaa waxy dhacday kaddib markii ay isugu yeereen dadka deggan degaankaas oo ay khudbad gaaban ugu sheegeen amarna ku siiyeen inay doonayaan in ay Jihaadka soo galaan dadkan degaanka deggan oo awalba khadyaan ka joogay joogitaanka AL-SHAABAAB ay joogaan Maxaas.
Intaa kaddib, dadkii degaanka ayaa ka soo dareeray goobtii islamarkaana la soobaxay qoryo u aasnaa, waxayna eegteen ciidankii ay wateen niman 7 ah oo saraakiil AL-SHABAAB ahaa, oo ka yara fogaaday saraakiishana kushirayeen geed hoostii kaddibna xabbad oodda kaga qaadeen, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhamaan saraakiishii.
Sidaa ayuu ku billowday dagaalk ka dhacay Goobo, waxana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in AL-SHABAAB ciidankooda ay baxeen Maxaas, waxana ay isku hor fahiyaan dagaalyahannada degaanka iyo kuwa AL-SHABAAB duleedka iyo agagaarka degmada Maxaas, gaar ahaan dhulka howdka ah.
Dhanka warxoolo oo isna uu dagaal ba’an ka socdo ayaa waxa lagu soo warramayaa in uu halkaas ka dhacay dagaal ba’an, dhaliyayna khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba leh. Dhaawacan oo loo qaaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo aan qaar kamid ah kula xiriiray Telfonka ayaa waxay ii cadeeyeen in dhimasho iyo dhaawacba looga badan yahay dhankooda, isla markaana ay furteen qoryo waaeyn oo kuwa dagaalkaa ah.
Guud ahaan dagaaldan soxdan saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa noqday hadal haynta ugu weyn ee ka jirta gudaha magaalda Beledwyen.
Dhanka kale, waxa habeenkii xalayto ahaa rasaas oodda looga qaaday lagu joojiyay gaari noociisu yahay SURF oo ay wateen niman dhallinyaro ah oo ilaa 4 gaaraya. Gaarigan ayaa waxa uu ka yimid dhanka Bulobrte, waxana uu soo jiiray dhammaan Stop-yadii yaallay waddada, gaar ahaan ciidanka ku sugnaa KM115 ee degmada Beledweyne/
Kaddib waxay la wargeliyeen ciidanka ku sugan Ceelgaaal, halkaas oo ay si kumeel gaar ah u degganyihiin saraakiil iyo xubno dowladda ka socda oo dhowaan soo gaaray gobolka amaankeedana si aad ah loo sugay. Gaarigii ayaa haddaba markii uu soo ku soo dhowaaday degaanka Ceelgaal ayaa ciidanku oodda kaga qaadeen rasaas kuna joohiyeen gaarigii halkaaas.
Ma jiraan wax dhimasho ah, balse waxa dhaawacmay dhammaan raggi dhallinyaraa ahaaa ee gaariga watay.
Dhaawaca waxa lagu daweynayaa Isbitaalka weyn ee Beledweyne, waxana bar bar socota baaritaan adag oo ay ciidanka Boliska ahi ka wadaan halkaas. Lama garanayo halka uu gaarigu ku socday iyo ujeedadiisu waxay ahayd, balse waxa cad inuu soo dardaray dhowr koontarool xoogna ku soo dhaafay.
Aden Hassan Bashir
Beledweyne