
Jaaliyada reer Hiiraan ee norway ayaa ka mid aheyd jaaliyada u taagnaa dhismaha jaamacad Hiiraan.
Kulankii dhameestirka Jaamacada Hiiraan oo dhacay 20.6.2009 ayey jaaliyadaa ka qaadatay qeyb weyn, walow shirka uu ku soo aaday xili reer Hiiraan ay u baroordiiqayeen dhibaatadii ay geysatay Al-shabaab oo ay ku naf waayeen ama ay ku waxyeelobeen dad ka badan ilaa 70 qof.
Jaaliyada ayaa weli u taagan sidii ay gacan ugu qaadan lahaayeen dhameestirka jaamacada Hiiraan iyo wax tarka dadkii wax ku noday.
Jaamacada oo uu hogaaminayo Prof: Warfaa ayaa ka mid ah dadaalka lagu doonayo in waxbarsaha Soomaaliya iyo Hiiraan wax loogu badalo, sidoo kale dhalin yarada dhameysay dugsiyada sare ee tahriibka soo gasho in loo helo fursad wax barasho oo ku celiso wadankooda hooyo.
Hiiraan Post
No comments:
Post a Comment