Hiiraan Post:
Dagaalka Mogadishu oo sii xoogeystay iyo ciidamada dowlada oo laga saaray fariisimo cusub.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey Al-shabaab si xoogan u soo riiday ciidanka dowlada, al-shabaab ayaa ku soo dhawaatay meel ka mid ah Hotelka Global, Isgoyska Maanabooliyo, Bar Fiat iyo Jubba Hotel.
Ciidamada dowlada ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday meelahaa oo dhan, waxaa la filaa in kaalmo muuqato ay markan ka helayaan ciidanka AMISOM, kadib markii rasaasta qoryahay fudud ay gaartay fariisama AMISOM.
Macada ilaa haatan in ciidan AMISOM ay dagaalka u galeen si toos ah.
Dhimasha iyo dhaawaca shabka ayaa lagu qiyaasay ilaa 6 ruux.
Hiiraan Post
Sunday, July 12, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment