Hiiraan Post:
Subaxniadii shalayto aroortii hore ayaa waxa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif International Airport Beledweyne Gudd. MMI ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxana uu beegsaday Muqdisho.
Safarkan Macow oo aan horey lo sii shaacin ayaanan laga warqabin ujeedadiisa dhabta ah waxa uu yahay, balse warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in gudoomiyaha looga yeeray xarunta Villa Somalia si uu wadatshi ula yeesho Madaxweyen Shariif.
Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya qaar ka mid ah saraakiisha maamulka G/Hiiraan oo si aad u dhow ula shqeynayay Macow aya waxay ii xaqiijiyeen inuu isaga tagay xilka guud ahaan mana cadda waxa sababayarrinkaas uu xilka uga tagay Macow, balse sida laga warqabo waxa jiray muran iyo is afgarnwaa weyn oo u dhexeeyay mamulka Macow iyo qar ka mid ahaa saraakiisha dowladda oo ay ka mid ahayeen Alaha u naxariistee Cumar Xaashi wasiirkii Amaanka iyo Danjire Laqanyo, murankaasoo ku saabsanaa dhowr arrimood oo ay ugu horreysay soo galitaanka ciidamda Ethiopia gobolka oo uu Macow si aad ah uga biyo diidsanaa iyo waliba qaar ka mid ah maaulkii hore ee gobolka Yuusuf dabageed iyo Aadan Garaaso imaanshahooda ay yimaaddeen Gobolka, kuna shegay inay yihiin dambiileyaal dagaal oo gabood fallo ka geystay gobolka xilligii ay mamulka hayeen.
Howlaha ammaanka ee gobolka ayaa wxxa hadda si kumeel gaar ah ula wareegay Coll. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Xildhibaan Max'ed Dhaqane oo iyagu dhowaan howlo u yimid gobolka, mana jiraan wax iska hor imaadyo ah ama is diidan o ku aaddan isbedelkan
Ma cadda lamana saadaalin karo waxa ay la imaan doonaan isbedeladan yimid mustaqbalka dhow iyo sida ay wax uga qabn doonan xaaladdan siyaasadeed ee murugsan guud ahaan Soomaaliya, iyo gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo noqday sannadihii ugu dambeyay meel lagu hardamo.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Wednesday, July 1, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment