Thursday, July 9, 2009

DAGAAL KA SOCDO DHARKINLEY IYO CIIDANKII HIIRAAN

Hiiraan Post:
Maanta oo ah 9.6.2009 ayuu dagaal xoogan ka qarxay dharkinley oo ah Degmada Madiina.
Sida horay loo ogaa in ciidanka dowlada ee ka dagaalamayo Madiina in ay u badan yihiin ciidan ka soo jeedo gobalka Hiiraan.
Alaha u naxriisto Col. Xaaji ayaa ku howlanaa inuu ciidan faro badan u diyaariyo dowlada ku waas oo qarkood laga keenay Hiiraan.
Dagaalka ayaa ku soo aaday mudadii uu Hogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qabtay Ciidamada Dowladda in ay isku soo dhiibaan oo maanta ku eg.
Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo u hadlay alshabaab ayaa u qabtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay isku soo dhiibaan, waxuu sii raaciyey Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr inuu mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya maxkamad Islaami ah soo taagi doonaan.
Qasaaraha dagaalka ayaan cadeyn ilaa haatan inta uu dhan yahay.

Wixii intaa ku soo siyaado dib ayaan idiinla socodsiin doonaa. Hadii Eebo yiraah.

No comments:

Post a Comment