Hiiraan Post:
Guddoomiyahii Maxkamadda sare ee MMI Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Sheekh Ibraahim Yuusuf iyo tiro ciidan ah ayaa habeenkii xalayto ahaa ka baqoolay saldhigga Boliska ee degmadan Beledweyne, una gudbay xaafadda H/wadaag ee magaalda Beledweyne halkaasoo saldhig ciidan ay ku leeyihiin XISBUL ISLAAM, si weyna uga soo horjeeda dowladda.
Sheekh Ibraahim oo aan kula sheekeystay khadka Telephoneka ayaa waxa ku macneeyay arintan ay tahay qorshe ay ugala baxayaan maamulkooda, waxayna arrintani ka dambeysay kaddib markii uu guddoomiyihii MMI ee Gobolka uu ka duulay Beledweyne laba maalmood ka hor.
Ururka XIZBUL ISLAAM ayaa dhankooda waxay ku macneeyeen ku biirista uu ku soo biiray Shekh Ibraahim inay tahay mid aad muhim ugu ah, isla markaana ay si fiican u soo dhoweynayaan.
Habada marka la eego dhaq dhaqaaqyadan isbeleda ah iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan oo aanan la hayn xilligan wax maamul sheegata ayaa waxay dadku u macneysteen in ay arrintaasi soo dedejin karto dagaal ay foodda is daraan kooxahan isku haya siyaaasadda guud ee dalka, gaar ahaan xaaladda siyaasadda ee Gobblka Hiiraan oo ayadu sabeynysa.
Dhanka kale, Ururka XIZBUL ISLAAM oo manta shir jaraa’id ay ku qabteen madaxdooda sare xaafadda H/wadag e Magaaldan Beledweyne ayaa waxay si cad u Iclaamiyeen JIHAAD, kuna sheegeen war saxaafadeedkooda in ay ku Jihaadayaan ciidamda Ethiopia iyo cidii la socotaba haddii ay soo galaan ciida Somalia aama Gobolka Hiiraan “Waa sidia ay hadalka u dhegeene”
Gudaha magaalada Beledweyne ayaa waxa laga dareemayaa saansaan colaadeed iyo qax hadda billowday o la arkayo dad badan oo ka baxaya magaalada oo u guuraya meelaha miyiga ah ee fog gudaha Gobolka Hiiraan.
Ma jiran wax hadallo ah oo ka soo baxay dhanka dowlasda ama siyaasiyiinta ka socda dowladda ee hadda gobolka sugan, waxana aad loo dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogbadan, lama saalaalin karo in ay ciidamada Ethiopi ay ku soo wajahan yihiin Gobolka iyo goorta lagayaabo inay soo galaan wallow aysan haddab meel saa usii fog aysan ka jirin o ay dhowr iyo toban KM kaliya ay haddaba u jiraan Beledweyne.
Aden Hassan Bashiir
Hiiraanpost.
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment