Hiiraan Post:Waxa laga dareemayaa gud ahaan magaalda Beledweyne xasilooni iyo deggenaasho waqtigan, taasina macnaheedu ma aha in ay ka heshiiyeen farqiyadii u dhexeeyay kooxo diineedyad isku haya guud ahaan siyaasadda dalka, gaar ahaan hoggaanka mamulka gobolka o ay hadda gacanta ku hayaan MMI oo ay dowladdu taageerto.
Inkastoo ay jiran rasaas goos goos ah o la maqlayo xilliyada dambe ee habeenki, haddana ma jiraan cid wax ku noqotay rasastaas oo inta habeenkii xilliyda dambe dhawaqeeda si aad ah lo maqlo
Waxa jira diyaargarow iyo dhaqdhaqaaaq ciidan oo ka socda kalabayrka, diyaargarowganna waxa si aad ah ugu mas'uulsan madaxda sare ee MMI iyo sarakiil ka socota DFKMS oo maalmahan ku sugnaa xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Mushaaraadka ciidanka ayaa sidoo kal e ka mid ah oo hadda si habsami ah usocda maalintiisii labaad, qaar ka mid ah ciidanka oo so qaty musharka aya waxay ii sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin helidda musharkoodan.
Ma jirto cid garanaysa ama saadaalin karta tallaabta tan xigta e ay qaadayaan mas'uuliyiintan, waayoarrimuhu wa arrimo ciidan mana ahawax si shalan loogu sheekeysan karo ama loo ogaan karo waliba gaar ahan xilligan hadda lagu jiro oo ah mid aad iyhoaad xasasi u ah.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Tuesday, June 16, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment