Saturday, June 20, 2009

QAAR KAMID AH DADKII KU DHAAWACMAY XASUUQII KHAMIISTII OO DIBEDDA LOOQAADY.

Hiiraan Post:

Kaddib dadaal aad u ballaaran oo uu u galay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Cabriraxmaan Ibraahim Macow sidii daryeel caafimaad oo deg deg ah logu heli lahaa qaar ka mid ah Odayaashii ku dhaawacmay weerakii Khamiistii ka dhacay Beledweyne ayaa manta loo qaaday waddama dibedda ee deriska nala ah sida Keyna iyo Djpouti.

Macow ayaa waxa uu si aad iyo aad ah xil iskaga saaray sidii loo ururin lahaa hilbaha iyo lafaha meydka dadkii ku dhintay masiibadan, ilsa markaana uu isla iagu agaasimayay Aaska dadkan, waxan u ii sheegay Macow in loo sameyn doono aas qaran iyo baroodiiq, kaddibna markaas uu la hadli doono Reer Hiiraan, Soomalida iyo dhammaan caalamka, balse hadda uusan wax fursad ah u haynin hadal uu soo jeediyo iyadoo sida uu sheegay ay bannaanka daadsn yahay hilbaha meydka walaalihiis garabtaagnaa.

Dadkan maamta loo qaaday daryeelka caafimaad ayaa waxa ugu darnaa xaaladooda caafimaad Nabadoon Axmed Carabey oo ahaa ninka kaliya ee ka soo haray cuqaashii iyo nabaddoonadii halkaas ku geeriyooday, dhaawaciisuna waxa uu ahaa mid uu ku gubtay dhmmaan jirkiisa oo dhan, qaraxana uu dhulkac cagaha uga qaaday oo hawada sare meel labaatan miter gaaraysa ugu yaraanna ku soo laabtay dhulka isagoo ololaya dhiigna sanka iyo afka kawada.

Dhammaan waxgaradka iyo shacabka reer hiiraan ayaa soo dhoweeyay tallaabadn daryeelka caafimaad loogu raadinayo dadka halkan wax looga qaban waayay ama u baahan daryeelka dheriga ah.

Dhan ka kale waxa jira wafdi ballaaran oo ka socda xubnaha rer Hiiraan uga jira Baarlamaanka oo ku soo fool leh gobolka dhowaan lamana shaacin xilliga ay iman doonaan iyo inta ay ka kooban yihiinba xubnahaas, balse waxa aad loo dareemayaa u diyaargarowga soo dhoweyntooda iyo sugidda ammaankoodaba.

Aden H Bashior
Beledweyne

No comments:

Post a Comment