

Hiiraan Post:
Warbixinno iyo sawiro lagu soo daabacay qaar ka mid ah Website-yada Somlaida gaar ahaan Waagacusub ayaa waxay shegayaan ninkii geysteay xasuuqii "Black Thursday" ayaa waxa la gartay isla markiiba cidda uu yahay oo ah Gaaljecel/Dirisame, waxana is la amrkiiba la hadaly saxaafadda Aabihiis oo ku sugan Beledweyen daanta galbeed waxana u ka cudurdaartay inuusan la socon waxa uu wiilkis asameeyay waxana uu intaa raciyay in ay khadldeen koox diineed uusan mowqifkiisu caddeyn.
Dad weynaha caadiga ah ayaa saakay waxay si aad ah u hadal hayeen kuna soo xoomen Internet-yada Beledweyen, si ay bal u arkaan ninkan sheegtay inu geystay xasuuqii Khamiistii ka dhacay Beledweyen.
Wiilkan oo la yiraahdo Mohamed Deerow Sheekh Aadan oo ah 17 jir, ayaa abihiis mar u ka hadlaya waxa uu sameeyay ayaa waxa uu yiri
"Wiilkeeygu wuxuu ahaa 17 jir,waxaan ugu waqlalay Mohamed dabcan wuxuu ahaa curadka qoyskeyga,anigu cabsi darteed ayaan hada meel ugu dhuumaaleeysanayaa,waadna maqleeysaan hooga iyo ba'a uu wiilkeeyga dhigay,maskaxdiisa sax ma ahayn,waxay cunto ugu dareen daroogo"ayuu yiri Deeroow Sheekh Aadan.
Khawaarijta waxay inta badan qaraxyada iyo dagaalada u adeegsadaan Caruurta ay daroogada siiyaan"
Haddaba waxa jira shaki iyowalaac laga qabo saameynta ay keeni karto sheegasahda iyo caddeymaha soo baxaya ee ku aaddan xasuqii uu geystay ninkan dhallinyarada ah. Qaar ka mid ah ehelada iyoqaraabda dadkii ku dhintay weerarkaas ayaa ii sheegay inay ka aargoosan doonan ciddii geystay falalkan gurracan.
Arrintaas ayaa haddaba wxa ay keeni karta dagaal deg deg ah oo ka dhaca Gudaha magaldan Beledweyne.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledwyeen
Beledwyeen
No comments:
Post a Comment