Hiiraan Post:.
Ciidamada DFKM ee ku sugan gobolka ayaanan wali wax mushaar ah la siinin, lamana garanayo sababta dhabta ah ee ay ilaa iyo hadda keentay dib u dhaca mushaaraadka ciidnka, waliba ayadoo hadda lagu jiro waqti adag oo aad iyo aad xasaasi u ah,guud ahan nabadgelyada Gobolka gaar ahaan magaalda Beledweyne.
Shakigan ayaa waxa uu soo kordhay kaddib markii ay ciidamadu xiliyada habeenki ah oo magaalda Bandow ka jiro ay ciidanku xabad kula hadlaan dadweynaha oo ay ku seexiyaan, iyadoo ay dad badani si aad ah arrinkaasi ay walaac uga muujiyeen.
Haddaba dhibaatada ay keeni karto ciidamo lagu shaqeeyo oo aanan wax xuquuq ah iyo mushaar toona aan la siinin ayaa waxan kala sheekeystay arrimaha noocan ahi qaar ka mid ah saraakiishii ciidamda Xoogga dalka Soomaliyeed oo hadda howlgab ah kuna sugan Beledweyne, waxayna ku macneeyeen arrimaha noocan oo kale ah inay dhici karaan iyo waliba xataa inay ciidanku baartaan dadweynaha ama guryaha ugu dhacaan inay suurto galtahay.
Waxa jira haddaba guux weyn oo ka jira ciidamada dhexdooda iyo waliba saraakiishooda taasoo keeni karta inay iska kala dareersadaan haddii aysan dowladdu wax ka bedelin qorshaheeda Amaan ee ku aaddan gobolka, gaar ahaan dhinaca ciidamada oo aanan awalba tayo badan lahayn iyo tababaro wanaagsan.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
Monday, June 8, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment