Hiiraan Post:
Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Amniga qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo ay safarkiisa ku wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, Safiirka Somalia ee South Africa Ambasador Cabdikarin Farah Laqanyo, ayaa soo gaaray maantaduhurnimadii magaalada Beledweyne.
Dad weyne aad u farabadan oo safnaa waddada hareeraheeda oo sitay caleemo qoyan ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalda Beledweyne.
Wafdigan ayaa waxa galbinayay ciidan aad iyo aad hubeysan oo aad u farabadan, kuna hubeysnaa gawaarida teknikada dagaalka oo nooc walba leh, waxana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalda ama ka baxa.
Ciidanka MMI oo u hoggaaminayo Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa soo dhoweynta ka sokor si aad ah u sugayay amniga, gaar ahaan waxa aad loo baarayay gawaarida loo yaqaan SURF-ka oo ay si aad ah uga feeejignaayeen inay ka hortagaan ismiidaaminkasta ee suurto gal ah.
Wafdigan ayaanan wali wax hadal ah oo saaxafadda loogu talagay jeedinin ama ujeedada dhabta ah ee socdaalkoodu waxa uu yahay, bal;se waxa la filayaa inay maalinta berrito ah la hadlaan dadweynaha ama ugu yaraan la hadlaan saxaafadda si kooban ama si baahsan.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment