Tuesday, June 23, 2009

WAFDI BALLAARAN OO KA SOCDA DOWLADDA IYO SARAKIIL MAANTA SOO GAARAY BELEDWYENE

Hiiraan Post:


Wafdigan oo isugu jira Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanno ayaa maanta duhurki ka soo degay garoonka Diyaradaha ee Ugaas Khaliif International Airport Beledweyne.

Gudaha magalada Beledweyne ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay gaar ahaan socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa dhammaan noocyada gaadiidka.

Wafdigan ayaa imaanshahooda waxa uu ka dambeeyay dilkii ismiidaaminta ahaa ee loo geystay Wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cuamr Xaashi Aadan, Ambasador Cabdikariin Laqanyo iyo faraha badnaa ee ku dhintay xasuuqaas oo ay sheegteen AL-SHABAAB inay ayagu ka dambeeyeen.

Madaxdan maanta timid gobolka ayaa looga fadhiyaa inay wax ka bedelaan guud ahan xaaladda siyaasadeed ee Gobolka ay ka soo jeedaan asal ahaan iyo xaaladda amni, waliba xiligan xasaasiga ah.

Xubnaha maanta yimid ayaa waxay kalayihiin.

1. Xildhibaan Cumar Ugaas.
2. Xildhibaan Max'ed Dhaqane
3. General Mukhtaar Xuseen Afrax.

Weli ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen, mar aan la kulmay maantana waxa ka muuqday yididilo wanaagsan iyo niyad dhab oo ay doonayaan inay wax uga qabtaan xaaladda sii murgeysa ee siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan.

Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne

adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment