Magaalada B/weyn ayaa habeenimadii 26.6.09 lagu daadiyay qoraal digniin ah , warqadahaa oo qoraalkoodu ahaa in shacabka ka jeedo Bay iyo Bokool lagu soo dhaweeyey Hiiraan xili ay dhibaato haysay iyo xili ay ka soo baxsadeen colaadihii qabiileed ee gobalka in badan lagu shacayey.
Warqada ayaa sheegeyso in dadkaa ku aftirsado gobalka uu ka yimid ninka isku qarxiyey Hiiraan iney tahay in ay dib ugu labtaan gobaladoodii.
Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay waraaqadaha mid abuureysa naceeb iyo cabsi gelin sidoo kale sal kiciyo dadkaas,
Waxgaradaka iyo maamulka ayaa ku digay in amaanka dadkaa iyo gobalka la ilaaliyo sidoo kale lasoo qabto dadkii ka dambeeyey sintaa naceeb aubuurka ah.
Qaraxa ayey horay u qiratay Al-Shabaab, sidoo kale ay hayeenka Xisbul Islamna uu sheegay iney howshaa wax ka ogaa.
Qaraxaa ayaa la sheegay inuu ku jiray maadad la yiraahdo "boloniyam" oo ah maato qaraxa xoojiso oo ka mid Nukliyerka.
Taliyada B/Weyn Sh.Ibraahim Yusuf ayaa sheegay aysan ka war hayn dadka ka dambeeyey qarqadahaa, dadka bay iyo bakool ay yihiin dadkii horay u deganaa B/weyn hadana lagama hadli karo arimahaa, waxaa rajeyneynaa in si degdeg ah u soo qabano dadkii ka dambeeyey.
A Diiin
Mogadishu
Hiiraan Post
Mogadishu
Hiiraan Post
No comments:
Post a Comment