Hiiraan Post:Waxa jira warar soo baxayay ilaa shalayto oo ku saabsan dagaaladii ka dhacay Jimcihii wabxo in lagu si xun loogu riiqday isla markaana nonol ay ku qabqabteen AHLUSUNNA saraakiil sare oo ka tirsan AL-SHABAAB oo ka mid yahay ninka la yiraahdo Sandheere. Dhnaka kale waxa jira sidoo kale in Xasan Daahir Aways uu ku dhaawacmay dagaalkaas kaddibna dhaawacasiisa loo qaaday Muqdisho.
Dad safar ah oo waddada inta u dhexeysa Bulo Butre iyo Jowhar marayay ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen gawaari Tekniko ah oo waddada marayay lagana joojinayay gawaarida kale ee safarka ah iyadoo waddada laga dejinayo gawaarida teknikada ahna ay si gaabis ah ku soconayeen lana dareemi karay inay ugu yaraan dhaawaca qof aad muhim ugu ah ay wadeen, isla makraana loo diidayay inay jaleecaan ama ay eegaan waxa ay gawaaridu wadaan.
Dhanka kale, waxa jira muran weyn oo u dhexeeya MMI iyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan Hiiraan kuna saabsan joogitaanka Aadan Garaaso, guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay dambiile dagaal dhac, dil iyo boob hantida dadweynaha uu u geystay xilligii uu hayay xilka kusimaha maamulka gobolka ee uu ciidamada Ethiopianka ah ka helayay garabka "Waa sida ay hadalka u dhigeene".
Murankan ayaa waxa uu hakad galiyay howlihii looga fadhiyay inay si wada jir ah u qabtaan MMI iyo saraakiisha kale ee dowladda gaar ahaa Wasiirka Amaanka Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, iyadoo markii horeba ay jireen doodo kale ee ku aaddan qaabka loo wajahayo dib u xoreynta degmooyinka ay AL-SHABAAB ka haystaan gobolka intiisa kale, taasoo ay ku doodeen MMI in marka hore la helo ciidan qaran oo si wadajir ah u howlgalo, oo aysan ahayn in ciidan qabiil kaligiis la howlgaliyo, dowladduna ay la timaado qorshe guud oo lagu sugayo ammaanka gobolka, uu gobolkuna markaas taas qeyb ka noqon doono.
Haddaba iyadoo ay jiraan murankan iyo is afgaran waagan ayaa waxa jiran haddana in aanan wax mushaar ah weli la siinin ciidanka MMI oo maalintiina ka shaqeeya sugida ammaanka guud habeenkiina gala ilaalo xooggan iyo bandow saaran magaalad Beledweyne.
Dad badni waxya is weydiin karaan maxaa haddaba dhici kara haddii ay arrihuhu sidan u sii cakirnaadaan, ama laga filan karaa ciidankan oo Jimhihii dhowaa Bumbooyinkii lagu tuuray Saldhigga Boliska iyo Suuqa Xoolaha la hadal hayahay inay ciidamadu laf ahaantooda ka dambeeyeen, balse ma jiraan wax xaqiiqo ah oo loo hayo taasi.
Aden H Bashir
Beledweyne
Hiiraanpost
Beledweyne
Sunday, June 7, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment