Tuesday, June 2, 2009

WASIIRKA AMINA COL.CUMAR XAASHI OOKU SOOWAJAHAN GOBOLKA.

Hiiraan Post: Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku soo wajahan gobolka Hiiraan, waxayna hadda ku sugan yihiin meel u dhexeysa xadka Ethiopia ay laleedahay Somalia,gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale,Wasiirka waxa ku weheliya socdaalkiisa qaar katirsan maamulkii hore ee gobolka uga adkaadeen kooxaha wax iska caabinta ee jiray xilligii Cabdulahi Yusuf, kuwaasoo ay kamid yihiinguddoomiyihii hore ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar iyo duqii magaalda Beledweyene Aadan Cabdi Ciise, walow uu jiro hadallo shaki gelinaya imaanshaha ragan , hadalkaas oo ay ka sii dayeen MMI Idaacad FM ah oo la hadasha gudaha beledweyne oo ay ku sheegeen inaysan nimankaas cag soo dhigi Karin gudaha gobolka oo ay uga digeen imaanshahoodu inuu cawaaqib xumo ku keeni karo.

Ma cadda ujeedada safarka sarakiishan ka tirsan dowladda oo uu weheliyo Safiirkii Somalia ee dalka Ethiopia Mr. Cabdikarin Laqanyo, balse sida muuqata marka la’eego warar iyo waraysiyo uu bixiyay Wasiirka amniga oo ku aadan xaaladda dalka uu marayo ayaa dadka badankiisu u fasirteen in wixii la fishaaba ay colaad uun yihiin.

Waxa muuqda diyaargarow iyo foojignaan ay muujinayaan labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta maamulka gobolka, gaar ahan xilliyada habeenkii ah oo lagu arkayo ciidamo halkaas isku horfadhiya.

Waxa aad u yar amaba aanan jirin rajada laga qabo in bal wax uun wadahadal ah la galo oo aad moodid taasi in mar hore laga yimid oo hadda laysu middiyo afeysanayo oo kaliya, dadweynahana uu diyaargaroobo barakac hor leh.

Aden Hasan BAshir
Hiiranpost
Beledweyne
Adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment