Wednesday, June 10, 2009

HANDADAAD JOOGTO AH OO LAGU HAYO QAAR KA MID AH SUXUFIYIINTA HIIRAAN




Hiiraan Post:

Waxa isa soo taraya hanjabaadyo iyo handadaayo ay khadka Telfoonka usoo marinayan qaar ka mid ah kooxo diineedyada isku haya siyaasadda dalka. Arrintan aya waxay isasoo tartay oo ay sii xoogaysatay kaddib markii lagu dilay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed magaalda Muqdisho ayagoo ku gudajira gudashd waajibaadkooda iyo waliba howlo maalmeedkooda caadig ah iyo adeegyada ay u hayaan umadda.

Waxa shaqada isaga tagay ku dhowaad 20 wariyeaal iyo barnaamijsoo saareyaal ka kala tirsan idaacadaha iyo Telefishanadda kala duwan ee ka jira magaalada Muqdisho, kaddib markii ay waayeen cdi howshooda ku ilaalisa ama difaacda xuquuqdooda.

Haddaba waxa jira wariyeyaal badan oo ku sugan magaalda beledweyne oo la shaqeynayay icaacadahaas iyo Telefishanadaas Muqdisho oo halkan wararka uga tebiya halkan ayaa waxay ka cabanayaan telefoono qarsoono oo Private Call ah oo aysan garanayn cidda u soo dirtay looguna hanjabo ama ugu yaraan loogu yeerinayo ama loo sheegayo qaabka ay wararka u sheegayaan lana tilaamayo.

Waxan Telfonkan qarsoon igula hadlay qof sheegayaa inuu ka tirsany yahay saraakiisha sare ee urur diimeeka magacaas leh, waxana uu ii sheegayaa in adan magacooda ku sheegin mucaarad qoloda kalena dowlada amaba aadan dhihin dowlad wax la yiraahdo aysan afkaaga ka soo bixin, oo aad magacoodana ku sheegtid kooxda mujaahidiinta ee magacaas leh, markaad weydiisna dowladda maadaama aad diiday maxaan ku sheegaa waxa uu ku leeyahay ujrimiinta Galada ah dheh.

Haddaba iyadoo ay jiraan hanjabaadyadaas iyo cagajugleyntaas ayaanan jrin wali wax dhibaato ah oo soo gaaray wariyeyaasha ama bahda saxaafadda gobolka balse ay wadnaha farta ku hayaan oo ay si taxaddar badan howlahooda u gutaan

Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledeyne
adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment