Thursday, June 4, 2009

DAGAAL KA DHACAY MAHADDAAY IYO XAALADDA MAHADAY- HIIRAAN

Hiiraan Post:

Kaddib wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Ammaanka Qaranka Cool. Cumar Xaashi Aadan iyo xubnihii kale ee madaxda ahaa ee la socday ayaa wali waxay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne.

Waxa soconaya kulamo gooni goni ah oo ay la yeelanayaan cuqaasha iyo waxgaradka ka kala tirsan beelaha deggan Hiiraan oo ay ka dhegeysanayaan wixii talo ah ama fekerkooda ku aaddan sidii guud ahaan loogu so dabaali lahaa gobolka jawi nabadgelyo, iyadoo aysan muuqanin wadahadalo loo maro taas, si looga baaqsado colaadda.

Ma jiraan hadda wax dagaallo ah oo ka soconaya guud ahaan gobolka, balse waxa jira diyaargarow iyo ababul ka jira dhanka MMI iyo dowladda oo iskaashanaya, doonayana sida ay sheegeen inay dib uga saaraan AL-SHBAAB meelaha ay ka taliyaan ee Gobolka ka mid ah, taaso ah Bulo Burte, Jalalaqsi iyo degaanada ku xeeran.

Dagal goor dhowayd ka dhacay degmada Mahaddaay ayaa hadda waxa la xaqiinayaa inay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas ciidanka Dowladda, balse wali ma cadda khasaaraha ka dhacay halkaas inta uu la egyahay.

Aden H Bashir
Hiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

No comments:

Post a Comment