Tuesday, June 30, 2009
GUD: MAXKAMADA RACFAANKA HIIRAAN.
Shiikh Max'ed Muxumed Warsme ayaa isku casilay Gud: maxkamada Racfaanka waxaa ku macneeyayiscasilaadaa marxalada maanta uu dalka marayo iyo sababo shaqsiyeed, maantana inuu ka mid yahay Shacabka reer Hiiraan, uuna noloshiisa gaarka qabsan doono.
Iscasilandaan ayaa loo badinaa is afgarawaaga u dhaxeeyo MMI iyo saraakiisha ciidanka dowlada iyo sidii loo wajahi lahaa ciidamhada shisheeye oo suuro galka tahay iney soo galaan dalka.
A Diin
Mogadishu
Hiiraan Post
ISBEDEL XOOGAN OO KU YIMID MAAMULKA GOBALKA
Sida badan lama fahmo sida Hiiraan ay u shaqeyso, ama ismaamulkeegu u shaqeeyo.
Waxaa jiray dhowr qeyn iney ayaayeen xoogaga ka jiray Hiiraan.
- Dhar cagaar oo ahaa ciidankii dowladii Col Cabdulahi Yusuf uu hogaamineyey.
- Ciidanka ka soo jeedo Qabiilka dega Hiiraan.
- Ciidan ay diraasay dowlada hada jirto.
Ciidamadaa oo dhan waxey ku sugun yihiin gudaha Hiiraan, waxdhibaato ah oo dhex yaalo majiraan hase ahaatee wax wada shaqeyn buuxdo malaha.
Sh Macow oo gudoomiyaha MMI ee Hiiraan ayaa mar walba ka foojignaa inuu wax la wadaago ciidaamada kale, dhibkii ka dhawaan ka dhacay Hiiraan ayaa keenay is bele weyn oo ku yimid ciidamdaa.
Waxaa soo baxay in Sh Macow uusan diyaar u aheyn inuu hogaanka ciidankaa qabto, oo su buuxdo ula shaqeeyo dowlada taasoo dalbatay kaalmo ciidan dibadaha oo ay ka mid yihiin Ethiopia.
Waxaa haatan loo badiyaa inuu maamulka ciidanka gobalka oo dhan uu la wareego General Mukhtaar Xuseen Afrax saldhigiisu ahaa Ceel gaal.
Monday, June 29, 2009
QARAXA B/WEYN OO ILAA HADA AN CADEYN
Qaraxii ka dhacay B/weyn oo ilaa hada aan la cadeyn, qaraxyada ka dhaca Soomaaliya ayaa ka mid ah qarax si qalad ah ku dhaco.
Waxaan jiriir la yeelanay Gobalka Hiiraan waxeyn noo sheegeen in ilaa haatan la garan wax yeelada uu geysatay qaraxaa.
waxaa dib idiinku soo sheegin wixii ka soo baxay.
MAAMULKA MMI IYO WAXGARADKA HIIRAAN OO KU
Maamulka MMI iyo waxgaradka reer Hiiraan ayaa ku guuleysay sidii ay u hor istaagi lahaayeen warqado dhawaan lagu daadiyey B/Weyn. warqadahaa ayey MMI iyo waxgaradka horay u sheegen ineysay raali ka aheyn in dhibaatadii gaartay shacabka Hiiraan iyo dadka ka soo jeedo bay iyo Bakool aysan isku xirneyn, waloow wiilka dadka laayey uu ka soo jeedo Bay iyo Bakool.
Wax garadka Hiiraan ayaa sheegay in shacabkaa u yihid Hiiraan si nabadgelyo kaguna soo dhaweeyey Hiiraan xili dagaankoodu Bay iyo Bakool ay ka jireen dhibaatooyin waa weyn.
MMI ayaa ka dhawaajiyey" ninkii lagu arkisgoo howsha ku jiro waxaa la marin sharciga islaamka oo reebay xadgudubka loo geysnayo qof muslin ah".
Ilaa haatan wax dhitaao lamaga soo sheegin harjabaadii iyo daganaashada shabackaa Soomaaliyeed, Waxaa jirtay in shabakada qaar ay qoreen in dadku qaxayeen, sida ka muuqato B/Weyn wax qax ah majiraan ilaa haatan, waana ku dadaali doonaa sidii arintaa loo joorinlaa iney dhacdo,waxaa sidaa jiri saraakiisha MMI Hiiraan.
DAGAALLO KA SOCDA DEGAANO KA TIRSAN SH DHEXE IYO BUM XALAYTO LAGU RIDAY BELED WEYNE
Waxa maalintii 5ad ka soconaya dagaallo soo noqnoqday una dhexeeya AL-SHABAAB iyo dadka deggan tuulooyinka ay ka midka yihiin Biyo Caddo iyo Ceelbaraf ee hoos taga gobolka Shabeelada Hoose.
Ujeedada dagaalkan ma cadda balse waxay dad badani ku macneyeen inuu yahay qorsheyaal ay ku doonayaan inay AL-SHABAAB ku fidiyaan maamulkooda, waliba si khasab ah.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayno degmada Jalalaqsi ayaa waxay sheegayaan in dhowr jeer ay halkaasi yimaadeen koxda AL-SHABAAB si ay ugu daweystaan dhaawacyadooda ugu dayactirtaan gaadiidka dagaalka oo ay ku howlgalayeen.
Khasaaraha uu sababay dagaalkan ayaa waxa la sheegayaa in laba gaari oo kuwa dagaalka ah loona yaqaaanno Teknikada midna laga gubay midna laga qabsaday koxda AL-SHAAB taliyihii cidankana watay duulaankuna halkaa lagu dilay.
dadka deggan 4ta tuulo ayaa waxay sameeyeen iska caabin aad u xoogbadan oo ay kaga hortageen duulaankaas AL-SHABAAB uu doonayo inu ku balaariyo xukunkiisa, waxana jira dad badan oo la qabqabtay tuulooyinkaas dhexdooda qaarna la dilay kaddib markii la helay ayagoo si hoose ula shaqeynayo AL-SHABAAB sir badanna u gudbinayo.
Dhanka kale, waxa habeenkii xalaytio ahaa Bumb lagu tuuray guriga ay deggan yihiin XISBUL islaam xaafada H/Wadaag ee magaalda Beledweyne, ma cadda khasaaraha uu geystay bumbkaas mara laga rebo laba qofood oo alkaas ku hdaawacntahy.
Xaafada H/wadaag ee degmada Beledweyne ayaa waxa saldhigyo mileteri ku wadaleh AL-SHABAAB iyo XISBUL ISLAAM oo uusan beryahan dambe ficnayn xiriirkoodu, una dhexeeyay khilaafadyo badan oo ku aaddan gaan ku haynta xaafadda H/wadaag ee dhacda Galbeedka Beledweyne.
XISBUL ISLAAM ayaa ku eedeeyay qaraxaas AL-SHAAB weydiistayna inay jawaab cad ka soo bixiyaan qaraxaas ujeedadiisu waxa uu aha iyo waxa looga danlahaaba.
Haddaba da badani waxa ay isweydiinayaan waxa ay keeni karto muranka u dhexeeaya laban kooxood ayadoo waliba guud ahan gobolku ku jiro marxalad siyaasadeed oo xun iyo waliba xaaladda ammaanka oo aanan laysku haleyn karin.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
Saturday, June 27, 2009
DEGAAL KA DHACAY CEELBARAF IYO SH DHEXE
Isbuucayadii la soo dhaafay ayey Al-shabaab weerar ku qaaday degaanada ku dhow CeelBaraf.
dagaalo gosgos ah ayaa ka dhacay waqtigaa.
Waxaa jirtay in MMI uu diyaar u ahaa duulaankaa sidoo kale Al-shabaabna ay u hub aruursaneysay.
Maanta ayuu dagaal aad u xoogan ka bilowday CeelBaraf, shacabkii degenaa halkaa ayaa dhamaan ka waxada baxay, dagaalka ayaa sii socdo lamana filayo inuu sidaa ku istagi doono.
ciidanka ku jiro ayaa aysan ka maqneen dadka degaanka ah.
Al-shabaab oo Jowhar horay u qabsatay yaa haatan ku tala jirto CeelBaraf, sidoo kale horay waxey ku duushay wadada isku xirto Mogadishu oo teebta marto iyo shabeelada dhaxe.
Dhibaatada dadka soo gaartay ayey san cadey.
Dagaalkii diineed ee u dhaxeeyey dowlada iyo Al-shabaab ayaa u muuqdo inuu isku bedelayo mid u dhaxeeyo qabaa'ilada iyo dadka degaanka ku ah meelaha ay Al-shabaab weerartay.
A Diin
Hiiraan Post
Mogadishu
Friday, June 26, 2009
WARQADO HANJABAAD AH OO LAGU DAADIYEY B/WEYN
Magaalada B/weyn ayaa habeenimadii 26.6.09 lagu daadiyay qoraal digniin ah , warqadahaa oo qoraalkoodu ahaa in shacabka ka jeedo Bay iyo Bokool lagu soo dhaweeyey Hiiraan xili ay dhibaato haysay iyo xili ay ka soo baxsadeen colaadihii qabiileed ee gobalka in badan lagu shacayey.
Warqada ayaa sheegeyso in dadkaa ku aftirsado gobalka uu ka yimid ninka isku qarxiyey Hiiraan iney tahay in ay dib ugu labtaan gobaladoodii.
Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay waraaqadaha mid abuureysa naceeb iyo cabsi gelin sidoo kale sal kiciyo dadkaas,
Waxgaradaka iyo maamulka ayaa ku digay in amaanka dadkaa iyo gobalka la ilaaliyo sidoo kale lasoo qabto dadkii ka dambeeyey sintaa naceeb aubuurka ah.
Qaraxa ayey horay u qiratay Al-Shabaab, sidoo kale ay hayeenka Xisbul Islamna uu sheegay iney howshaa wax ka ogaa.
Qaraxaa ayaa la sheegay inuu ku jiray maadad la yiraahdo "boloniyam" oo ah maato qaraxa xoojiso oo ka mid Nukliyerka.
Mogadishu
Hiiraan Post
Thursday, June 25, 2009
GUDIGA DHAMEESTIRKA JAAMACADA HIIRAAN EE FINLAND

7.Sacdiyo Dhuubow Mohamed. 8.Ahmed Moahmed Weheliye (Ahmed Xiji). 9.
Tuesday, June 23, 2009
WAFDI BALLAARAN OO KA SOCDA DOWLADDA IYO SARAKIIL MAANTA SOO GAARAY BELEDWYENE
Wafdigan oo isugu jira Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanno ayaa maanta duhurki ka soo degay garoonka Diyaradaha ee Ugaas Khaliif International Airport Beledweyne.
Gudaha magalada Beledweyne ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay gaar ahaan socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa dhammaan noocyada gaadiidka.
Wafdigan ayaa imaanshahooda waxa uu ka dambeeyay dilkii ismiidaaminta ahaa ee loo geystay Wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cuamr Xaashi Aadan, Ambasador Cabdikariin Laqanyo iyo faraha badnaa ee ku dhintay xasuuqaas oo ay sheegteen AL-SHABAAB inay ayagu ka dambeeyeen.
Madaxdan maanta timid gobolka ayaa looga fadhiyaa inay wax ka bedelaan guud ahan xaaladda siyaasadeed ee Gobolka ay ka soo jeedaan asal ahaan iyo xaaladda amni, waliba xiligan xasaasiga ah.
Xubnaha maanta yimid ayaa waxay kalayihiin.
1. Xildhibaan Cumar Ugaas.
2. Xildhibaan Max'ed Dhaqane
3. General Mukhtaar Xuseen Afrax.
Weli ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen, mar aan la kulmay maantana waxa ka muuqday yididilo wanaagsan iyo niyad dhab oo ay doonayaan inay wax uga qabtaan xaaladda sii murgeysa ee siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
HIIRAAN OO AY GAAREEN XUBNO MIHIIM AH
Alaha u naxariisto xasuuqii soo gaaray qaar ka mid hogaamiyaasha Hiiraan ayaa keentay in dowlada iyo waxgaradka Hiiraan ay bilaabeen sidii howlidhii uu waday Cumar Xaashi iyo dhibkii dhacay baaristiisa, ayaa caasimada Hiiraan soo gaaray wafdi balaaray.
Si ay u dhicin dhibkii dhacay oo kale ayey MMI ee Hiiraan qaateen xatadir weyn, kaasoo kalifay in halka ay degan yihiin agagaarkeeda ilaalo xoogan la dhigo, sidoo kale waxaa la hakiyey dhaqdhaqaaqa isku socodka badan.
Horay Ayaa Xil: Max’ed Dhaqane Cilmi Aar oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowlada ay u xilsaartay howshii uu hayey Alaha u naxariisto Col: Cumar Xaashi
Lama yaqaan wax ay noqon doonto howsha ay baqandoonaan shirka ka dib. waxaa la filanaa iney tahay taageero guud oo ku aadan sidii Hiiraan nadab buuxdo u hekli laheyd.
A Diini
Hiiraan Post
Somalia
Monday, June 22, 2009
XAALADA DEGDEG SOOMAALIYA.
Dagaalada iyo xasuuqa Soomaaliya ka jiro ayaa ahaa ku u baahnaa sharci adag oo dadka badbaadiyo.
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Xarunta Madaxtooyada xukun deg deg ah.
Arintaa waxey ka timid xukuumada Ra'sul wasaaraha Sharmaake,
Dalka waa la gu soo duulay oo argagax ayaa shacabka Soomaaliya la geliyey.
BARLAMANKA ayaa sidoo kale dalkaday dargaar ciidan iyo badbaado lala soo gaaro dowlada 24 saac gudahooda.
KENYA dowlada keynya ayaa taagertay dalabkii Soomaaliya ay ku dalbatay gargar ciidan waxeyn ku boorisay iney tahay in Soomaaliyada la caawiyo sidii dagaalka dheeraaday ay ugu bixi laheyd.
Ali Yare
Hiiraan Post
Kenya
Sunday, June 21, 2009
WAA KUMA NINKA GEYSTAY XASUUQI BELEDWEYNE???


Beledwyeen
Saturday, June 20, 2009
DOWLADA OO KAALMO DALBATAY IYO XUKUN DEGDEG AH
Dowlada ayaa walal ka muujisay awooda ay u leedahay iska difaacida weerarka Al-shabaab.
Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa dariska la ah Soomaaliya ka codsaday in ay ciidan kaalmo ah.
Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa dalbaday in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo aan kala soocneyn.
Mudo 24 saac gudhooda ay u baahan yahiin maalmo ciidan hakii kale dowlada ay burburi karto.
==> Dowlada ayaa ku dhawaaqday xukun degdeg ah ka dib markii dagaalada iyo dhibaatada soo gaartay shacka ay si yaaday.
QAAR KAMID AH DADKII KU DHAAWACMAY XASUUQII KHAMIISTII OO DIBEDDA LOOQAADY.
Kaddib dadaal aad u ballaaran oo uu u galay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Cabriraxmaan Ibraahim Macow sidii daryeel caafimaad oo deg deg ah logu heli lahaa qaar ka mid ah Odayaashii ku dhaawacmay weerakii Khamiistii ka dhacay Beledweyne ayaa manta loo qaaday waddama dibedda ee deriska nala ah sida Keyna iyo Djpouti.
Macow ayaa waxa uu si aad iyo aad ah xil iskaga saaray sidii loo ururin lahaa hilbaha iyo lafaha meydka dadkii ku dhintay masiibadan, ilsa markaana uu isla iagu agaasimayay Aaska dadkan, waxan u ii sheegay Macow in loo sameyn doono aas qaran iyo baroodiiq, kaddibna markaas uu la hadli doono Reer Hiiraan, Soomalida iyo dhammaan caalamka, balse hadda uusan wax fursad ah u haynin hadal uu soo jeediyo iyadoo sida uu sheegay ay bannaanka daadsn yahay hilbaha meydka walaalihiis garabtaagnaa.
Dadkan maamta loo qaaday daryeelka caafimaad ayaa waxa ugu darnaa xaaladooda caafimaad Nabadoon Axmed Carabey oo ahaa ninka kaliya ee ka soo haray cuqaashii iyo nabaddoonadii halkaas ku geeriyooday, dhaawaciisuna waxa uu ahaa mid uu ku gubtay dhmmaan jirkiisa oo dhan, qaraxana uu dhulkac cagaha uga qaaday oo hawada sare meel labaatan miter gaaraysa ugu yaraanna ku soo laabtay dhulka isagoo ololaya dhiigna sanka iyo afka kawada.
Dhammaan waxgaradka iyo shacabka reer hiiraan ayaa soo dhoweeyay tallaabadn daryeelka caafimaad loogu raadinayo dadka halkan wax looga qaban waayay ama u baahan daryeelka dheriga ah.
Dhan ka kale waxa jira wafdi ballaaran oo ka socda xubnaha rer Hiiraan uga jira Baarlamaanka oo ku soo fool leh gobolka dhowaan lamana shaacin xilliga ay iman doonaan iyo inta ay ka kooban yihiinba xubnahaas, balse waxa aad loo dareemayaa u diyaargarowga soo dhoweyntooda iyo sugidda ammaankoodaba.
Aden H Bashior
Beledweyne
CIIDAMO ETHIOPIAN AH OO SOO GAARAY CEEL GAAL.
Kaddib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalintii Khamiistii aynu soo dhaafnay lagu dilay sarakiil sare oo ka tirsanayd DFKS oo ka dhacay Hotelka Madian ee magaaladan Beledweyne, ayaa waxa jira ciidamo aad u hubaysan oo Ethiopian ah oo soo dhaafay hadda tuulada Ceel Gaal oo wax ka yar 10Km u jirta magaalda Beledweyne.
Saraakiisha dowlada Ethiopia ayaa waxay horey u sheegeen in ay ciidamadooda Somalia galayaan haddii ay dareemaan khatar uga iman karta Somalia oo ay kla hortagayaan.
Dhanka kale, ciidamo ka tirsan AL-SHABAAB oo ku sugnaa degmada Bulo burte ayaa lagu so warramayaa inay saakay waaberigii soo ruqaansadeen ayagoo ku soo fool leh magaalda Beledweyen, soo maraya dhinaca qorraxsinaka.
Waxa jira cabsi aad u weyn oo uu dadweynuhu qabo, kana walaacsan yahay sida ay wax isubeddlikaraan haddii labadan kooxod ay isugu ymaadaan magaalda Beledweyne, kaddibna halkaasi ay ka bilaabmo dagaal fool ka fool ah, ama mid dhuumaalaysi ah.
Dadweynaha ayaa si aad ah uga sheekeysanaya xilligii ay ciidamahda Ethiopianka ah joogeen halkan iyo qabka ay u dhaqmi jireenba.
Aden H Bashir.
Hiiraanpost.net
Beledweyne
Friday, June 19, 2009
DAGAALKA KAARAAN
Kaaraan inteeda badan waxaa ku jiro taageerayaasha Al-shabaab.
Wareysi aan la yeelanay dadka degaanka ku ah halkaa ayaa inoo sheegay sida ay suuro galka ku noqotay in Al-shabaab iyo taageerayaasheedu ku siqaan gudaha kaaraan.
"Ka bilaabato xaafada Towfiiq-Hotel Kaah-Hotel lafweyn-arjantiin-iyo duleeda Kaaraan waxa ku dagaalamayo waxey u badan yihiin beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Shariif.
Baasha uu ka soo jeedo Madaxweyn Sh Shariif ayaa dhexdeedo ka jiraa loolan aan muuqan hadafkiisa, sidoo kale waxaan meesha ka maqneyn ciidan Al-shabaab ah oo ka yimaado gobalo ka baxsan caasimada.
Hiiraan Post
Mogadishu.
XILDHIBAAN MOHAMED MUUSE CADOW
Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow oo loo yaqaanay Eng. Caddow ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay degmada Kaaraan.
Maxamed Caddow ayaa la shaagay inuu ku jiray xildhibaanada dagaalka Mogadishu waday, Cadow ayeysan cadeyn inuu dagaalka ku jiray markii ay al-shabaab dileen iyo in kale.
Dowlada Soomaalyeed ayaa markale dhib weyn ka soo gaaray dhimashada Cadow ka dib dhibaatadaa ka dhacday Hiiraan oo ay ku geeliyoodeen in ka badan 30-35 ruux uu na ka mid ahaa Col.Cumar Xaashi oo ahaa magacta midig ee Madaxweynha Soomaaliya caan ku ahaa doonista Qaran Soomaaliyeed.
A Diin
Hiiraan Post
Mogadishu
JAALIYADA REER HIIRAAN EE DALKA FINLAND
- Jaaliyada ayaa Soomaali weyn ugu yeertay iney walaalahooda kaalmo iyo garab istaag la gaaraan.
- Jaaliyada ayaa ku baaqday in kaalmo degdeg ah la gaarsiiyo Hiiraan.
- Daryeelks istii ka badbaaday iyo reerahooda.
- Difaac Hiiraan inuu ku yahay muqadas qof walbo oo reer Hiiraan ah.
- In gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey dhibkaa.
MADAXWEYNE SHARIIF OO GUDI U SAARAY ARINTA HIIRAAN
Mdaxweyn oo si caro ku weyn ku jirto u dhaleeceyey Xasuuqii ay Al-shabaab geysatay. (Qolooyinka qof ka aman helayo maro waa in aan la jihadnaa,intii aan sariirta ku dul dhiman laheyn waa in aan raacnaa sidii walaal keen Col. Cumar Xaashi iyo Safiir Laqanyo sidoo kale Soomaalidii halkaa ku geeriyootay, dilkaa waxaa ka madbeeyey Al-Qacida waa argagixiso, meeshey qabsadaan calan madow ayay ka surayaan calankii soomaaliyana waa tuurayaan , Wax hadaf ah oo ay leeyihiin ma jiro, dowlada waa dowlad Islam ah waxa ay u dagaalamyaan ma aha Islam.)
- Shariif Xasan Sheekh Aadan,
- Prof. C/raxmaan Ibbi
- C/waaxid Cilmi Goonjeex.
DHAAWACII B/WEYN OO AAD U LIITO
Al-shabaab gaarigii ay ku qarxisay gudaha maagalada B/weyn oo sababay dhimasho faro badan.
Dadka ku dhaawacmay oo sii kordhayo iyo walwal badan oo laxiriiro iney u dhintaan dhaawac yada ka soo gaaray qaraxii Al-shabaab.
== Dhaawaca ayaa u baahan gargaar degdeg ahin la soo gaaro, iyadoo Al-shabaab ay horay u wax yeeleysay Isbitaalka iyo taqaatirkii ka howl galeysay==.
Soomaali weynta oo si aad ah ugu naxday dhibaatada soo gaartay shacabka reer Hiiraan, ayaa bilaabay gargaar iyo tacsiyeen ay ku kaalmeyeen dadka dhibka uu soo gaaray oo lagu qiyaasayo in ka badan 110 qof.
Thursday, June 18, 2009
AL-SHABAAB OO KU FANTAY DILKII IN KA BADN 50 UU KU JIRO CUMAR XAASHI
Waxaa la cadeeyey qarahii ka dhacay Hiiraan iney ku shahiiday Marxuun Col: Cumar Xaashi iyo Abdikarim Hussein Farah (Laqanyo) iyo in ka badan 50 shacabka reer Hiiraan oo dhan.
=>AL-SHABAAB OO KU FANTAY DILKII IN KA BADN 50 UU KU JIRO CUMAR XAASHI.
Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Cali Max’uud Raage oo Taleefanka sheegay iney Al shabaab qaadan dilkaa. ""Cumar Hiiraan ayuu dagaal ka waday anuu mu magacaabay xasuuqaa. Mujaahidinta ayaa u aaray walaalahooda si isqarxin ah meel ay shir ku haysateen halkaa ayaa alaha ku halaagay"" ayaa afhayeenka sheegay.
SARAAKIISHA KU LA ATAY QARAXAA. *Liiska dadka ku waxyeelobay Somaliya Hiiraan*
- Col. Comar Xaashi.
- Abdikariin Faarax Laqanyo.
- M Abdi Yare.
- Mohamed Cibaar.
- Abdi Dhuux Guure.
- Muxumed Carabey.
- Elmi Shire.
- Xassan Dirir.
- Abdi Faarax.
- Maxamed Cabdi Cibaar
Iyo in kale oo faro badan dhimashada ayaa aheyn intii horay lagu qiyaasay, warbixinta oo dhan dib ayaa ka soo diri doonaa.
*DEG DEG* QARAX COL.XAASHI IYO 50 RUUX

Waxaa B/Weyn ka dhacay qarax lala beegsaday Hotelka uu degenaa Col. Cumar Xaashi iyo Safiirkii hore ee Somaliya u fadhiyey Adis Abab Laqanyo.
Qaraya ayaa ahaa mid weyn oo laayey dad faro badan oo kor u dhaafayo ilaa 50.

dhimashada labadaa mas'uul iyo dadka ayaa weli si toos ah loo cadeyn.
riir aan la suubinay maamulka Maxaakimta Hiiraan ayaa sheegay in dhibka dhacay uu yahay kii ugu weyn ee la xasuusto oo Hiiraan ka dhaco.
Muuqalka guud iyo faahfaahinta dhibkaa dib ayaa adiinka soo gudbin.
Hiiraan Post

B/weyn
Wednesday, June 17, 2009
DHIBAATADA DAGAAL UU GAARSIIYEY SHACABKA SOOMAALIYEED
.jpg)
Hiiraan Post:
Inta la ogyahay oo ku geeriyootan waa 15-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaaladka socdo.
dhaawaca ayaan qiyaas laheyn lakii waxaa lafilaa inuu dhaafay 100 ruux.
Geerida ayaa u badneyd dad masjid kujiray sida la sheegay.
Duud ahaa dadka ku geeriyooday dagaal maamalmahan ayaa lagu qiyaasay in 40 ruux, dhaawacana uu ka badan yahay, isbitaada banaadir iyo keysaney ayuu sidoo kale dagaalku gaaray oo xadu halkaa dadka ku wax yeeleysay.
N Diin
Hiiraan Post
Mogadishu
RASAASTA DAGAALKA OO GAARTAY KAARAAN
Al-shabaab ayaa duleedka kaaraan weeray ay ku qaaday ayaa rasaasta duqeytaa gaartay gudaha kaaraan siiba suuqa weyn ee kaaraan.
Al-shabaab ayaa dusha ka saaran xaafada Lafweyn iyagoo saartay HOTEL LAFWEYN dushiisa hub waaweyn kaasoo ay ku duqeynayeen isgooska Sanca iyo suuqa Karaan, dadka ayey nolosha ku adkaatay dhinac walbo ayey rasaastu ka socotaa.
Waxaa jirtay iney dowlada la wareegtay Degaanada Hodan iyo tarbuunka sidaa darteed waxaa la filaa iney duqeyntaa ay la xiriirto dagaalka xoogan ee ka socdo Hodan halkaa oo ay dowlada si xoogan ugu gacan sareyso.
N Diin
Hiiraan Post
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2009
MOGADISHU OO DIB UGU BILOWDAY DAGAAL.
Dagaalka ayaa bilowday saacadihii dambe ee xaley 16.6.2009, dagaal ayaa ciidanka dowlada ayaa soo hajuumay xaafada Hodan, iyo isbaaro u tiilay Al shabaab tarbuunka.
Gagaal ayaa ku sii siqay warshada caanaha iyo kuliyada Jaalle Siyaad.
Dhawaqa rasaasta ayaa ka sii dhaceysay gudaha xaafada Hodan.
Dhaawaca soo gaaray isbitaalada ayaa lagu qiyaasaa 7-8 ruux.
DAGAALKA GALGALTO IYO CEEL CADDE
Ciidanka dowlada ayaa dib ula wareegay Degaada galgalato iyo ceel cade, dagaalka ayaa dib u bilowday markii ciidanka dowlada ay heleen gurmad ugu yimid Mogadishu, dagaal ayaan ilaa haatan istaagin oo rasaasta ay weli socotaa.
Galgalto iyo ceel cadde ayaa ah meelo muhiim u ahaa dowlada iyo isku xirka gobalada dhexe iyo caasimada.
XAALADDA GUUD EE GOBOLKA OO DEGGAN HADDA.
Inkastoo ay jiran rasaas goos goos ah o la maqlayo xilliyada dambe ee habeenki, haddana ma jiraan cid wax ku noqotay rasastaas oo inta habeenkii xilliyda dambe dhawaqeeda si aad ah lo maqlo
Waxa jira diyaargarow iyo dhaqdhaqaaaq ciidan oo ka socda kalabayrka, diyaargarowganna waxa si aad ah ugu mas'uulsan madaxda sare ee MMI iyo sarakiil ka socota DFKMS oo maalmahan ku sugnaa xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Mushaaraadka ciidanka ayaa sidoo kal e ka mid ah oo hadda si habsami ah usocda maalintiisii labaad, qaar ka mid ah ciidanka oo so qaty musharka aya waxay ii sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin helidda musharkoodan.
Ma jirto cid garanaysa ama saadaalin karta tallaabta tan xigta e ay qaadayaan mas'uuliyiintan, waayoarrimuhu wa arrimo ciidan mana ahawax si shalan loogu sheekeysan karo ama loo ogaan karo waliba gaar ahan xilligan hadda lagu jiro oo ah mid aad iyhoaad xasasi u ah.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Monday, June 15, 2009
AL-SHABAAB OO WEERAR KU MAADAY GALGALTO IYO CEEL CADDE
Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday duleedka Mogadisho Galgalato iyo Ceel cadde, dagaalka ayaa ku aadanaa wadada xeebta marto oo isku xirto gobalada dhexe iyo Mogadishu.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) sheegay iney duulo ka gaareen.
Dagaalka ayaa salaadii subax bilowday ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday degaanadaa.
Ilaa hada la hayo war madax banaan oo arintaa la xiriiro, sidoo kale dhibka in uu dhan yahay la yaqaano ilaa hada.
Hiiraan Post
Mogadishu.
CIIDANKA MILITERIGA SOOMAALIYA
Waxaa hogaanka ciidanka dowlada naga soo gaarayo in loo yeeray ciidan dhan ilaa 500 oo ah xooga dalka Soomaaliyeed, ciidanka oo si qaas loo gu yeeray una badnaa saraakiil sare ayaan la garan waxa ka dambeeyo yeeristaa.
Dhawaan ayey UN bilowday iney raadiso saraakiishii ciidan qaranka, iyadaa ka bilowday shirar aya ugu qabatay Washinton DC.
BAAQ NABADEED
Cuqaasha iyo Guurtada reer Hiiraan ayaa si walal ka muuqato ugu hadlay dagaal qabiileed ee duleedka Hiiraan ee Sh/ dhexe ka socdo, waxey si aad u muujiyeen in aan loo baahneyn dagaal qabiil inuu waqtigan dhicin, iyadoo lagu jiro xiri dagaal joojin ah ama ka hortag inuusan dagaal ku dhici dad muslim ee Soomaali oo ay dagaalada aafeeyen.
Waxuu goddonka guurtada sheegay ineysan marnaba taageeri doonin inuu dagaalka sii socdo.
Sunday, June 14, 2009
HUB LA FILAYO INUU U SOO DEGAY
Sida wararka naga soo gaaray Mogadishu dowlada iney hub la soo deg tay, hubkaa ayaa la garan in uu dhan yahay iyo nooca hubka uu yahay.
Waxaa jirtay in degada ay dowlada u xirneed mudo gaaban.
Sidaa uu sheegay Ra'isul wasaaraha iney dowlda codsatay in hub cusub la soo gaaro maadaamo cunaqabateytii hubka aya tahay mid soo dhamaaneyso.
Sidoo kale itoobiya ayaa bilowday iney hubeyso gobalada xadka la leh sida Hiiraan,Gedo,Luug,cadaado,dhuuso mareeb, balanbal, degaanadaa ayeysan itoo ka marney iney hub siiso maadama dadka degaanka ay u arkaan in Al-shabaab ku tahay halis ku soo foodleh.
Doyaasha degaanadaa ayaa ku teliyey in Al-Shabaab joojiso dagaalada si loo helo fursad loogu maarmo itoobiya.
Saturday, June 13, 2009
ARDAYDA KA SOO BAXDA DUGSIYADA SARE EE HIIRAAN IYO MUSTAQBALKOODA WAXBARSHO
Labadii week ee la soo dhaafay ayaa waxa soconaya xaflad qalin jabin ah oo qar ka mid ah ardayda dugsi ka mid ah 6 dugsi sare ee ku yaalla beledwene oo kala ah:
1. Mujamac Dhiiba
2. Shekh Max'ed Macallin XAsan
3. Beledweyne
4. Cumar Binu Khidaab
5. Al-Aqsaa
6. Soomane
Ardayda ka soo qalinjabisay dugsiyada sare sannad dugsiyeedkan 2008/2009 oo uu ugu badnaa dugsiga sare ee Beledweyne oo kaligis ay ka soo baxeen 107 arday, aya celcelis ahaan waxay gaarayaan ama kor u dhaafayaan 250 arday.
Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda oo aan kula kulmay xafladdii xiritaanka ayaa waxay ii sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin dhamaystirka ama helitaanka waxbarsho sare oo ay carruurtooda ugu helaan ugu yaraan meel kamid ah waddanka gudihiisa.
Xaaji Mux'ed Faarax oo ah mid ka mid ah waalidiinta ardaydan sannadka ka baxaysa dugsiga sare oo aan wax ka weydiiyay Jaamacadda Hiiraan rajada uu ka qabo ayaa waxa uu ii shegay inay aad u sarreyso rajada uu ka qabo, walow jaamacaddu hadda dhismaheedu uu gabao gabo yahay ayaa waxay ii sheegeen in dhankooda ay diyaar la yihiin xataa iskaa wax u qabso iany ku shaqeeyaan oo ay xoog iyo xoolaba diyaar la yihiin haddiiba loo oo bandhigo.
Sidoo kale, hooyo ka mid ahayd waalidiinta ardayda ayaa ayadu waxay ii sheegtay walaaceeda ugu weyni inuu yahay tahriib ay uga baqayso carruuteedan dhammeeyay dugsiyada sare,gaar ahaan wiilasha oo ay uga baqeyso inay badda u bareeraan waayo waxay tiri ma hayo sabab kale oo aan ku celiyo.
Arritan xiisha leh aya waxay tahay mar uu la hadlayay waalidiin ardayda mid ka mid ah maamulaha dugsigii sare ee ugu horreeyay ee Gobolka laga aasaso kaddib burburkii dowladdii Siyaad Barre Mujamac Dhiiba Al-Ustaad Aadam Axmed Max'ed ayaa waxa warbixintiisi ka mid ah in ardaydii ugu darajada sarreysay oo ay tiradoodu dhammeyd 12 arday oo ay deeq waxbarsho siiyay Bankiga Horumaritna Afrika oo 9 ka mid ah ardaydaasi soo barteen Mediciine ama dhakhrnimo ay gobolka ku saalaban doonaan dhammaadka saanadkan, halka ay saddexda kalena sheegeen inay soo dhameysan doonaan ilaa Master Degree.
Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyay warbixntaa maamulha Ustaad Adam, sheegayna iany runtii ay si weyn ugu dadaalee maamulka iskuulkan sidii uu ugu tafaxeytay inuu deq waxbarsho u helo ardaydiisa o markaas aananw ax rajo ah ka qabin habayaraate waxbarasho sare
Haddaba, ganaxstada iyo waxgaradaka Soomaaliyeed gaar ahaan reer hiraan ayaa waxay jiialalka soo socdaa uga fadhiyaan inay loo helo waxbarsho sare ay ku helaan waliba gobolkooda sida meelo badan oo dalka ka mid ah sida Jaamacada Camuud ee Boorama ama Bariga Afrriaka ee Boosaaso ama kuwa Muqdisho oo hadda ku dhow tiradooda inay dugsiyadii sare la ekaadaan.
Aden H Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
Friday, June 12, 2009
CIIDANKII HIIRAAN IYO XAALADA DOWLADA
Ciidanka Hiiraan ayaa u kalo baxo afar qeyood.
1-Ciidanka MMI oo ah ku ka soo jeedo Midowga maxaakimta Islamiga.
2-Ciidan ka soo jeedo ciidan Soomaaliya iyo ciidan ay dhistay dowladii hare.
3-Ciidan ka soo jeedo Qabiilada.
4-shacab hubeysan oo difaac ugu jiro noloshooda iyo gobalka ay ku nool yihiin.
Waxaa jiray dood dheer oo dhex martay ciidanka hogaankiisa sare iyo maamulka gobalka.
waxaa leys weydiiyey ciidanka faraha badan maxey ku magacaaban yihiin hadii ay duulaan ku qaadaan mucaaradka dowlada.
ma ciidanka dowladeed mise ciidan gobal ka soo jeedo, arintaa ayaa mudo dhex tiilay maamulka sare.
Hogaamiyaasha Ciidanka iyo maamulka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in dowladu ay la wareegto gacan ku hayanta ciidankaa, sabtoo ah natiijada ka soo baxdo howsha ciidan uu wado waxey u laaban magaca dowlada.
Hadii howlada ay arinta la wareegin si buudo, waxuu xaalku noqon in Gobalka Hiiraan lagu difaaco sidii horayba loogu difaaci jiray.
Col: Cumar Xaashi oo ka socdo dowlada ayaa wado in ciidanka ay dhamaan hoos yimaadaan dowlada.
= = Ciidaan ayaa degaan loogu dhigay ceel gaal oo ku dhow kala berka==
Ali yare
Hiiraan Post
Thursday, June 11, 2009
SHABAKADA SHABELLE.NET
Shabadaka shabelle.net ayaa dantay ka dib dilkii wariyaashii shabakadaa, shabakadan ayuu saldhig u ahaa Madaxweyn Cabdi Khaasim.
Shabelle ayaa aheyd mid ka qeyb qaadatay taageeridii Cabdi Khaasim, sidoo kale markii uu xukunka la wareegay Cabdulahi Yusuf Shabelle waxey aheyd mid xigsatay muqaawamada iyo Qabiilada Hawiyaha.
Bixidii Itoobiya iyo Cabdulahi Yusuf waxaa ka dhashay tartan xukundoon oo diin hugsan, kaa soo noqday mid an marnaba la heyn dhinac ay saxaafadu ku fasiri karaan arimha socdo.
Jahwareerkaa ayaa keentay dhaawax iyo dhimasho oo gaartay saxaafada Soomaaliya, Shabelle.net waa han ugu dambeeyo oo aan xasuusano.
N Diin Ismacil
Hiiraan Post
Mogadishu.
RA'ISUL WASAARA IYO DOWLADA ITALIYA

Sidoo kale Soo nooleynta safaarada Italiya ee Soomaaliya, aqbilaada Basborka Soomaaliya.
Dowlada ayaa dadaal ugu jirto si ay u heli laheyd kaalmo buuxdo oo ku aadan socodsiinta howlaha iyo dib u dhiska ciidanka qaranka.
Shirka G8 ee dhawaan dhici doono ayaa ka arki doonaa halka ay ka tagan yihiin dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed.
Wednesday, June 10, 2009
HANDADAAD JOOGTO AH OO LAGU HAYO QAAR KA MID AH SUXUFIYIINTA HIIRAAN
Waxa shaqada isaga tagay ku dhowaad 20 wariyeaal iyo barnaamijsoo saareyaal ka kala tirsan idaacadaha iyo Telefishanadda kala duwan ee ka jira magaalada Muqdisho, kaddib markii ay waayeen cdi howshooda ku ilaalisa ama difaacda xuquuqdooda.
Haddaba waxa jira wariyeyaal badan oo ku sugan magaalda beledweyne oo la shaqeynayay icaacadahaas iyo Telefishanadaas Muqdisho oo halkan wararka uga tebiya halkan ayaa waxay ka cabanayaan telefoono qarsoono oo Private Call ah oo aysan garanayn cidda u soo dirtay looguna hanjabo ama ugu yaraan loogu yeerinayo ama loo sheegayo qaabka ay wararka u sheegayaan lana tilaamayo.
Waxan Telfonkan qarsoon igula hadlay qof sheegayaa inuu ka tirsany yahay saraakiisha sare ee urur diimeeka magacaas leh, waxana uu ii sheegayaa in adan magacooda ku sheegin mucaarad qoloda kalena dowlada amaba aadan dhihin dowlad wax la yiraahdo aysan afkaaga ka soo bixin, oo aad magacoodana ku sheegtid kooxda mujaahidiinta ee magacaas leh, markaad weydiisna dowladda maadaama aad diiday maxaan ku sheegaa waxa uu ku leeyahay ujrimiinta Galada ah dheh.
Haddaba iyadoo ay jiraan hanjabaadyadaas iyo cagajugleyntaas ayaanan jrin wali wax dhibaato ah oo soo gaaray wariyeyaasha ama bahda saxaafadda gobolka balse ay wadnaha farta ku hayaan oo ay si taxaddar badan howlahooda u gutaan
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledeyne
adanuu68@yahoo.com
Monday, June 8, 2009
CIIDAMADA DOWLADDA EE GOBOLKA.
Ciidamada DFKM ee ku sugan gobolka ayaanan wali wax mushaar ah la siinin, lamana garanayo sababta dhabta ah ee ay ilaa iyo hadda keentay dib u dhaca mushaaraadka ciidnka, waliba ayadoo hadda lagu jiro waqti adag oo aad iyo aad xasaasi u ah,guud ahan nabadgelyada Gobolka gaar ahaan magaalda Beledweyne.
Shakigan ayaa waxa uu soo kordhay kaddib markii ay ciidamadu xiliyada habeenki ah oo magaalda Bandow ka jiro ay ciidanku xabad kula hadlaan dadweynaha oo ay ku seexiyaan, iyadoo ay dad badani si aad ah arrinkaasi ay walaac uga muujiyeen.
Haddaba dhibaatada ay keeni karto ciidamo lagu shaqeeyo oo aanan wax xuquuq ah iyo mushaar toona aan la siinin ayaa waxan kala sheekeystay arrimaha noocan ahi qaar ka mid ah saraakiishii ciidamda Xoogga dalka Soomaliyeed oo hadda howlgab ah kuna sugan Beledweyne, waxayna ku macneeyeen arrimaha noocan oo kale ah inay dhici karaan iyo waliba xataa inay ciidanku baartaan dadweynaha ama guryaha ugu dhacaan inay suurto galtahay.
Waxa jira haddaba guux weyn oo ka jira ciidamada dhexdooda iyo waliba saraakiishooda taasoo keeni karta inay iska kala dareersadaan haddii aysan dowladdu wax ka bedelin qorshaheeda Amaan ee ku aaddan gobolka, gaar ahaan dhinaca ciidamada oo aanan awalba tayo badan lahayn iyo tababaro wanaagsan.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
Sunday, June 7, 2009
WARARKII UGU DAMBEEYAY EE HIIRAAN
Dad safar ah oo waddada inta u dhexeysa Bulo Butre iyo Jowhar marayay ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen gawaari Tekniko ah oo waddada marayay lagana joojinayay gawaarida kale ee safarka ah iyadoo waddada laga dejinayo gawaarida teknikada ahna ay si gaabis ah ku soconayeen lana dareemi karay inay ugu yaraan dhaawaca qof aad muhim ugu ah ay wadeen, isla makraana loo diidayay inay jaleecaan ama ay eegaan waxa ay gawaaridu wadaan.
Dhanka kale, waxa jira muran weyn oo u dhexeeya MMI iyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan Hiiraan kuna saabsan joogitaanka Aadan Garaaso, guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay dambiile dagaal dhac, dil iyo boob hantida dadweynaha uu u geystay xilligii uu hayay xilka kusimaha maamulka gobolka ee uu ciidamada Ethiopianka ah ka helayay garabka "Waa sida ay hadalka u dhigeene".
Murankan ayaa waxa uu hakad galiyay howlihii looga fadhiyay inay si wada jir ah u qabtaan MMI iyo saraakiisha kale ee dowladda gaar ahaa Wasiirka Amaanka Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, iyadoo markii horeba ay jireen doodo kale ee ku aaddan qaabka loo wajahayo dib u xoreynta degmooyinka ay AL-SHABAAB ka haystaan gobolka intiisa kale, taasoo ay ku doodeen MMI in marka hore la helo ciidan qaran oo si wadajir ah u howlgalo, oo aysan ahayn in ciidan qabiil kaligiis la howlgaliyo, dowladduna ay la timaado qorshe guud oo lagu sugayo ammaanka gobolka, uu gobolkuna markaas taas qeyb ka noqon doono.
Haddaba iyadoo ay jiraan murankan iyo is afgaran waagan ayaa waxa jiran haddana in aanan wax mushaar ah weli la siinin ciidanka MMI oo maalintiina ka shaqeeya sugida ammaanka guud habeenkiina gala ilaalo xooggan iyo bandow saaran magaalad Beledweyne.
Dad badni waxya is weydiin karaan maxaa haddaba dhici kara haddii ay arrihuhu sidan u sii cakirnaadaan, ama laga filan karaa ciidankan oo Jimhihii dhowaa Bumbooyinkii lagu tuuray Saldhigga Boliska iyo Suuqa Xoolaha la hadal hayahay inay ciidamadu laf ahaantooda ka dambeeyeen, balse ma jiraan wax xaqiiqo ah oo loo hayo taasi.
Aden H Bashir
Beledweyne
Hiiraanpost
Beledweyne
Saturday, June 6, 2009
HASSAN DAHIR IYO HASSAN TURKI
Hassan Dahri iyo Hassan Turki ayaa lagu sheegay Gobalka Gal guruud !!!
Maalmihii la soo dhaafay ayey weerar ku qaadeen Wabxo dhimaso iyo dhaawac badan ka dib gacantooda ayey u gashay.
Maxaa ku sooxigi karo!!!
Gobalka Gal guduud waxaa joogo Ahlu suna waljamaaca oo ah qabiilka degaanka ku ah halkaa, horayna ugu soo saanay Al-shabaab gedaanka.
Marka waxaa muuqato rabitaan lada dhinac ee Al-shabaab iyo Xisbul ilsma ee ku aadan Galguduud inuu jiro.
Sidoo kale Hiiraan inteeda badan in ay deris la tahay Gobalkaa, oo ay Hassan Turki iyo Hassan Daahir u arkaan meesha keliya ee Itoobiya iyo Hiiraan ka weeririkaraan iney tahay Gal Guduud maadaama Hassan Turki uu ku aftirsado qabiilka leh jabhada OLF.
Reer Hiiraan ayaa u arkay Hassan Daahir iyo Hassan Turki iney yihiin handadaad iyo cabsi ku soo jeedo Hiiraan.
Ali yare
Hiiraan Post
UNIBOS - CIIDANKA DIFAACA SOOMAALIYA
Shir lagu qabtay Xafiiska UN oo ahaa mid lagu ururinayey Saraakiishii hore ee ciidanka Soomaaliya ayaa soo xirmay.
Shirkaa ayaa looga hadlay sidii loo dejinlahaa Soomaaliya, ciidanna loogu dhisilahaa. waxuuna ahaa gogolxaarka shirarka soo socdo oo loogu doodi doono dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo wadanka kala dambeyn ku soo celiyo.
Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo ka mid ah saraakiishii ka qayb galay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in ay diyaariyeen ajendihii looga hadli lahaa kulanka soo socdo.
Waxuu Badmaceeye sheegay in mooriyaan ama dagaal wadayaal aysan waxba ka keeni arinta Soomaaliya.
- Dagaalka hada socdo oo ay dowlada ku liidato waxaa u sabab ah ciidan nidaamsan oo jirin.
Hiiraan Post
Keynya
Friday, June 5, 2009
WAFDIGII UU HOGGAAMINAYAY W.AMMAANKA QARANKA OO MAANTA BELEDWEYNE KA AMBABAXAY
Wafdigan oo joogay Beledweyne muddo sadex casho, kulamo gooni gooni ahna la kala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan, ayaa manta duhuradii ka ambabaxay magaalada Beledweyne, waxayna dib ugu laabteen fariisimahoodii ay ka soo baqooleen markii hor oo ahayd degaanada u dhexeeya xadka labada dale e Ethiopia iyo Somalia, gaar ahaan halka ay xadka kala wadaagaan gobolka hiiraan.
Ma jiraan wax hadallo ah oo ay siiyeen saxaafadda, lamana oga tallaabada tan xigta e uu yahay qorshahooda ku aaddan sugidda amniga gobolka Hiiraan.
Intii ay jogeen waxay sidoo kale kulammo goonni goonni ah la kala yeesheen cuqaasha iyo madax dhaqameedyada beeladha deggan gobolka Hiiraan, lamina shaacin waxa ay ku wadahadleen.
Guud ahaan waxa jira walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah dadweynaha oo ay ka cabsi qabaan in ay dagaallo hor leh ay ka billowdaan meelaha ay hadda gacanta ku hayan kooxaha ay siyaasaddda isaga soo horjeedaan dowladda oo aanan rajo laga qabin wax hadallo ah in laga galo arrinkaas.
Aden H. Bashir
Hiiranpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
WABXO
Waxaa naga soo gaaray Hiiraan iyo Galgaduud.
Dagaal la isku adeegsaday hubka culus oo ka dhacay Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, haatan ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaalkii baqoobay.
Dagaalo ayey ciidamada Xisbul Islaam uu hogaamineyo Hassan Daahir Asow iyo Al-Shabaabul ayaa duulaan ku qaaday degaankaa.
Dadka ka soo jeedo degaanka oo aan xiriir la yeeshay Hassan Daahir iyo Al-shabaab ayey qolo walbo sheegatay guulo iney gaareen.
Afhayeenka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay iney la wareegeen tiro gawaari dagaal ah.
Wabxa ma laha istitaal ama rug caafimad oo wax ka qaban karto dhibka ka imaado dagaalka. dadka ku dhaqan wabxo iyo maxaas ayaa ah xoolo dhaqato, la maran karo wax muuqdo oo ka soo bixi karo dagaalka ay Al-shabaab iyo Hassan Daahir Awes qaadeen.
Hiiraan post
Ali Yare
Thursday, June 4, 2009
KULANKII MADAXWEYN SHARIF IYO AHLU-SUNA WALJAMAACA

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kooxaha dagaalka wado.
Waxa uu sheegay in ay udagaalamyaan wax aanan aheyn Diinta Islaamka.
Kulanka oo ka dhacay maanta Aqalka Madaxtooyada kula qaatay Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah. Waxaa sheegay inuu aad u yaqaan saraakkiga hor socoto qolaayinka dagaalka wado, waxuu raaciyey ineysan diinta iyo kutubkaba wax ka aqoon.
waxuu diiday in dadka muslinka qaar loogu yeero gaalo. diinta islamka ma waxey qabtaa in dhiiga dadka islamka la baneysto.
Waxuu sheedgay in kooxaha ka soo horjeedo ay tababar ku soo qaateen eratira. aysana ku sheegi karin in eratare ay tahay dowlad muslim ah. diinta waxey u baahan tahay markii aad wax xakumeyso in aad taqaan wax aad xakumeyso. waxey bilaabeen meeshi ay qabsadaan iney ugu yeeraan waa QANIIMO taasi oo ay ku xalaaleyasanayaa hantida dadka liito.
Madaxweyne Shariif waqti dheer hadlayey ayaa u cadeeyey Culumaa'udiinka inay la dagaalamayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa ilaa kan ugu dambeeyay uu ka dhimanayo sida uu hadalka u dhigay.
Hiiraan Post
DAGALKA MOGADISHU OO GOOBO CUSUB KA BILOWDAY

Dagaalka mogadishu ayaa ku fiday meelo cusub oo horay u deganaa, Degmada Hodan sidoo kale Taleex iyo Tarbuunka.
Dagaalka oo ku aadan wadooyionka tago Bakaarada ayaa istaajiyey isku socodka iyo howlaha suuqa Bakaaraha.
Waxaa muuqato in dowlada ay meelo badan dhigay ciidan faro badan, guud ahaa dagaalka ayaa ka socdo -Yaaqshiid, Fagax, Hodan, Taleex, iyo dharkinleyn Madiino.
Meelaha qaarkood ayaa ah xaafado haawanayo oo dadkii oo dhan ay ka tabsadeen dagaalka aan wejiga laheyn ee naxariisdarada leh.
Ali Yare
HiiraanPost
DAGAAL KA DHACAY MAHADDAAY IYO XAALADDA MAHADAY- HIIRAAN
Kaddib wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Ammaanka Qaranka Cool. Cumar Xaashi Aadan iyo xubnihii kale ee madaxda ahaa ee la socday ayaa wali waxay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne.
Waxa soconaya kulamo gooni goni ah oo ay la yeelanayaan cuqaasha iyo waxgaradka ka kala tirsan beelaha deggan Hiiraan oo ay ka dhegeysanayaan wixii talo ah ama fekerkooda ku aaddan sidii guud ahaan loogu so dabaali lahaa gobolka jawi nabadgelyo, iyadoo aysan muuqanin wadahadalo loo maro taas, si looga baaqsado colaadda.
Ma jiraan hadda wax dagaallo ah oo ka soconaya guud ahaan gobolka, balse waxa jira diyaargarow iyo ababul ka jira dhanka MMI iyo dowladda oo iskaashanaya, doonayana sida ay sheegeen inay dib uga saaraan AL-SHBAAB meelaha ay ka taliyaan ee Gobolka ka mid ah, taaso ah Bulo Burte, Jalalaqsi iyo degaanada ku xeeran.
Dagal goor dhowayd ka dhacay degmada Mahaddaay ayaa hadda waxa la xaqiinayaa inay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas ciidanka Dowladda, balse wali ma cadda khasaaraha ka dhacay halkaas inta uu la egyahay.
Aden H Bashir
Hiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Wednesday, June 3, 2009
GARGAAR DEGDEG AH OO LALA GAARAY MAXAAS
Qaar ka mid ah ganacsata reer beledweyne ayaa xoogaa kaalmo ah gaarsiiyay dadka ku barakacay dagaalada ka dhacay degmada Maxaas. Kaalmadaas oo ahayd mid degdeg lola gaaray dadka intooda ugu daran ayaanan ahayn mid kaafin karta xataa intii ugu darnayd ee loogu talagalayu.
C/Qaadir Cumar Cabdi oo ka soo laabtay Maxaas ayaa waxa iiga waramay xaalku halka uu marayo oo uu runtii walaac weyn uu ka muujiyay rajo laga qabo in nimanka meeshaas haysta wadahadal wax looga keeno. C/qaadir Cumar, oo ah madaxa gargaarka degdegga ah ee dadkan barakacay ayaa waxa uu ii sheegay inuu hadda qalqaalinayo safar iyo sahay kale oo lala gaaro dadkan ee deggan Bilcille, Goobo iyo meelaha u dhow.
Aden H Bashir
Beledweyne
XAALADA MAXAAS
Maxaas waxey gacan ugu jirtaa Al-Shabaab tan iyo markii ay duulaanka ku soo qaadeen.
waxaa jirtay in dagaalo kulul ay ka dhaceen gedaankaa oo Al shabaab laaga gacan roonaaday hadana dib ayey u qabsadeen.
Dhimashada Maxaas iyo Wabxo ayaa ahaa dhimashadii ugu badney ee degaalkii Al shabaab ay ku qaaday konfurto Soomaaliya oo dhan Soomalida dhexdeeda.
Waxaa halkaa ka muuqatay in shacabka Maxaas iyo wabxo ay ahaa yeen kuwo si xoogan u diidanaa Al shabaab.
Dhawaan ayaa odoyaasha reer Hiiraan ay xiriir la yeesheen xoogag Al shabaab ee ku sugnaa Maxaas si aysan u dhicin dagaal dambe.
Al-shabaab ayaa codsigeedu ku ekaa in marka hore dadkii qaxay ay ku soo noqdaan Maxaas markaa kadib ay ogol yihiin heshiis.
Shacabka reer maxaas ayaa ahaa kuwo si buuxdo ugu qaxay magaalada, oo magalada weyn banaan tahay dhamaanteeda.
Ciidanka Al shabaab ee ku sugan halkaa bilaabay iney dhufeys ka qotaan magaalada gudaheeda.
Waxaa jirto cabsi weyn oo ah inuu dagaal ka dhici doono magaalada ama degmooyinka ku xeeran, maadaam malmahan ay jireen hanjabaad ka soo baxeyso dowlada iyo MMI ee Hiiraan.
WAJIGA CUSUB EE DAGAL MOGADISHU IYO HALKA UU MARAYO
Magaalada Mogadishu waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Dowlada iyo mucaaradka Islaamiga.
Dagaalda ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ay ugu weyneed Yaaqshiid.
Dagaala ayaa sidoo kale ka dhacay dharkinley halkaa oo ay dowlada si xoogan ugu duuleysatay.
Saldhiga bari iyo xaafada Booliqaran oo ah duleedka madiino waxaa gacanta ku dhigay ciidanka dowlada raacsan.
Dagaalka ayaa ahaa mid markii hore dowlada ku gacan sareysay, markii jihaadiyiinta u badnaa ajaanibta aya soo galeen dagaalka ayey xooga saareen magaalada dhexdeeda markaa ayey duqeyn weyn bilaabatay magaalada oo idil.
- Dowlada ayaa bilowday inaad cusub oo dagaal gelin ah kaa soo ku dhisan qoloqolo,
- Waxaa Yaaqshid ka gadaalamayey ciidan u badnaa ciidan degaanka ku ahaa xaafada yaaqshid.
- Dharkinley iyo madiina waxaa u badnaa ciidan ka soo jeedo Hiiraan kuwasoo degaanka ku ahaa madiino iyo jiiromaskiin.
- Ciidanka boliska ayaa laga dhigay ku mar walba la wareego meelaha laga saaro mucaaradka,
- Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku dhaawacmay Saraakiil caan ah oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo Maleeshiyaad taabacsan Yuusuf Indha Cadde.
Tuesday, June 2, 2009
WAFDI BALLAARAN OO SOO GAARAY MAGAALDA BELEDWEYNE MAANTA
Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Amniga qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo ay safarkiisa ku wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, Safiirka Somalia ee South Africa Ambasador Cabdikarin Farah Laqanyo, ayaa soo gaaray maantaduhurnimadii magaalada Beledweyne.
Dad weyne aad u farabadan oo safnaa waddada hareeraheeda oo sitay caleemo qoyan ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalda Beledweyne.
Wafdigan ayaa waxa galbinayay ciidan aad iyo aad hubeysan oo aad u farabadan, kuna hubeysnaa gawaarida teknikada dagaalka oo nooc walba leh, waxana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalda ama ka baxa.
Ciidanka MMI oo u hoggaaminayo Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa soo dhoweynta ka sokor si aad ah u sugayay amniga, gaar ahaan waxa aad loo baarayay gawaarida loo yaqaan SURF-ka oo ay si aad ah uga feeejignaayeen inay ka hortagaan ismiidaaminkasta ee suurto gal ah.
Wafdigan ayaanan wali wax hadal ah oo saaxafadda loogu talagay jeedinin ama ujeedada dhabta ah ee socdaalkoodu waxa uu yahay, bal;se waxa la filayaa inay maalinta berrito ah la hadlaan dadweynaha ama ugu yaraan la hadlaan saxaafadda si kooban ama si baahsan.
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
WASIIRKA AMINA COL.CUMAR XAASHI OOKU SOOWAJAHAN GOBOLKA.
Sidoo kale,Wasiirka waxa ku weheliya socdaalkiisa qaar katirsan maamulkii hore ee gobolka uga adkaadeen kooxaha wax iska caabinta ee jiray xilligii Cabdulahi Yusuf, kuwaasoo ay kamid yihiinguddoomiyihii hore ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar iyo duqii magaalda Beledweyene Aadan Cabdi Ciise, walow uu jiro hadallo shaki gelinaya imaanshaha ragan , hadalkaas oo ay ka sii dayeen MMI Idaacad FM ah oo la hadasha gudaha beledweyne oo ay ku sheegeen inaysan nimankaas cag soo dhigi Karin gudaha gobolka oo ay uga digeen imaanshahoodu inuu cawaaqib xumo ku keeni karo.
Ma cadda ujeedada safarka sarakiishan ka tirsan dowladda oo uu weheliyo Safiirkii Somalia ee dalka Ethiopia Mr. Cabdikarin Laqanyo, balse sida muuqata marka la’eego warar iyo waraysiyo uu bixiyay Wasiirka amniga oo ku aadan xaaladda dalka uu marayo ayaa dadka badankiisu u fasirteen in wixii la fishaaba ay colaad uun yihiin.
Waxa muuqda diyaargarow iyo foojignaan ay muujinayaan labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta maamulka gobolka, gaar ahan xilliyada habeenkii ah oo lagu arkayo ciidamo halkaas isku horfadhiya.
Waxa aad u yar amaba aanan jirin rajada laga qabo in bal wax uun wadahadal ah la galo oo aad moodid taasi in mar hore laga yimid oo hadda laysu middiyo afeysanayo oo kaliya, dadweynahana uu diyaargaroobo barakac hor leh.
Aden Hasan BAshir
Hiiranpost
Beledweyne
Adanuu68@yahoo.com
Monday, June 1, 2009
CABSI QAX OO KA JIRTO JOWHAR,MAHADAY,JALALAQSI
Waxaa naga soo gaaray degmaha jalalaqsi iyo jowhar iney jiraan cabsi ku saabsan xurgufta u dhaxewyso Xisbul islam iyo MMI.
Waxaa la sheegay in ciidanka Al-shabaab ay ku yaraadeen degmooyinka sidaa darteed waxaa horay iyo gadaal u carayo ciidan ka talo qaato Hassan Daahir Awees ciidankiisa oo u badan sadax qabiil oo hor boodayaan qabiilka uu ka soo jeedo.
MMI ee jewhar la soosaray ayaa maalmahan ku dul wareegsanayo agagaarka degmooyinka.
Hiiraan Post Network
jowhar.
MOGADISHO IYO DAGAALADA KA SOCDO
Dawlada ayaa sheegayatay in maanta ay qabsadeen xrunta booliska yaaqshid, arintaa waxey lka dambeysay dagaal maanta dhacan 1.6.2009.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa sheegay in ciidanaka dowlada inata badan ee yaqshiid gacanta ku dhigeen, waxuu u madceliyey ciidan dowlada iyo shacabka gacanta siiyey.
Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Shaaweeye ayaa arintaa ku tilmaamay guul dowlda u soo hoyatay, waxaa meesha tagay Salaad Cali Jeelle iyo Xuseen Caraale una sheegay BBC in maqribka ay gadaalka bilowday habeenkiina uu socday waxeyna ahaa yeen qolada halkaa haysatay Xisbul Islam.
Dhimasha waxaa lagu qiyaasay in dhan 5 , dhaawacana uu gaarayo 20.
Dhanka kale 4 ciidanka booliska ayaa ku geeriyooday gaadid ay wateen oo lagu qarxiyey agagarka 4KM.
Suuq bacaad ayaa xirnaa iyo qeybo ka mid ah suuqa bakaaro daghaalka halkaa ka socdo darteed.
Waxaa muuqato in xoogaga Al-shabaab iyo Xisbul-Islam awoodooda ciidan ay u qeynsami weysay Hiiraan iyo Mugadisho.