Hiiraan Post:
Warar cusub oo ka soo baxaya dagaaladii shalato ka dhacay beled weyne ayaas heegaya in ay ay dhimashadu gaarayso hadda 2 qofood kaddib markii uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray shalayto mid ka mid ah laba qofood oo rayid ahaa oo halkaai ku dhaawacmay dagaalkaas.
Sidoo kale ma jiraan ilaa iyo hadda wax dagaal ah oo dhacay kaddib shalayto xaaladduna ay deggan tahay.
Waxa jira warar soo baxaya oo ku dhow dhow Jabhatul Islaam oo sheegaya inay jiraan muran ku saabsan saraakiil hore uga tirsanaa Jabhatul islaam oo ku soo Biiray MMI iyo kuwii hore uga tirsanaa Jabhatul Islaam oo uu murankoodu isu beddaly haatan gacan ka hadal iyo shaki soo kala dhexgalay isu socodka ama dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidanka ee loo yaqaan Teknikada ay wataan saraakiisha labada dhincaba.
Waxa aad u yar rajada laga qabi karo inay socdaan wadahadallo hoose ama kuwo la iclaamiyay oo lagu baajinayo khasaare kale oo ay dhaliyaan dirir mar kale uga dhexqaraddo ciidankan
Waxan caddeyn oo aan la saaalaan karin in ay dhici karaan wax dagaal ah oo kale iyo inkale, arrimuhuse mar walba way isbedeli karaan oo dhan kasta ayay isu rogi karaan marka hoos loo eego xaaladda siyaasadeed ee Gobolka oo aanan sal adag ku taagnayn.
Aden Hassan Bashiir
Beledwyene
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment