Tuesday, March 17, 2009

Dhismaha Wadada Hiiraan

.


Kulan ballaaran oo ay saakay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Duubabka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyanno iyo xubno ka socda Jaaliyadaha reer Hiiraan ee Qubo joogga ah ayaa waxa halkaas ka dhacday xaflad lagu guddoonsiinayay Dubanka dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas C/Raxmaan Ugaash Khaliif, hanti dhan :

1. 110,000,000 (Boqol iyo Toban Milyan oo Shilin Somali ah oo caddaan ah.
2. 167 Loor o Massago ah.
3. 112 Neef oo ari ah.

Dhaqaalahan ayaa waxa soo ururiyay odayaal iyo waxgarad ka socda ama metelaya duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminao Ugaas C/raxmaan wakiilna ka ahaa soo ururrinta dhaqaalahan oo laga soo ururiyay beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada ku xeeran dhulka miyaga ah ee agagaarka Beledewyne.

Kulanka saakay ayaa waxa ugu horreyntii halkaas warbixin dheer ka soo jeediyay Max'ed Gacamey oo ahaa guddoomiyaha guddigana waxana uu halkaas ku bandhigay shax xisaabeed oo uga warramayo guud ahaan dhaqaalihii soo galay ama ay ka soo heleen dadkii ay u dooneen dhaqaalahaasi oo isugu jiray Nool iyo Mood sida kor ku xusan waxana halkaas lagu soo badndhigay lacagtii caddaanka ahayd ayadoo aysan suurto gal ahayn in xoolaha nool iyo raashinka kale la keeno madasha shirku ka dhacayay o ayad Xarunta Maktabada "Hiran Public Library".

Guddoomiye Max;ed Gacamey oo hadalkiisa sii wata, rajo wanaagsan ka muujinaya waxqabadkooda ayaa sheegay inay howshani tahay middii ay dowladi qaban lahayd annaguna aannu nahay dowlad dowlad sugaysa, oo ma ahin shacan dowlada sugaya ayuu yiri,
Waxa sdioo kale halkaas hadal aad u qiimo badan ka soo jeediyay Cabdi

Cabdulle Juquc oo ah xubin ka mid ah Bulshada rayidka ah, waxa uuna hadalkiisa ku muujiyay sida niyad wanaagga ah ee ay bulshada reer Hiiraan ay hiil iyo hooba ula taagan yihiin waxqabaadka guud, gaar ahaan dhismaha iyo dayactirkda waddooyinka.
Siciid Cabdi Max'uud oo ka mid ah xubnaha jaaliyadaha ree Hiiraan ee ku nool wadamada Yurub oo ay ka muuqato qiiro aad iyo aad u sarreysa ayaa sheegay inuusan marnaba filaynin waxqabda heerkan gaaraya oo ay dadku qabsan karayaan oo aysan wali fara ka qodnayn. Siciid Sanka ayaa waxa uu wacad ku maray isagoo ku hadlaya maga jaaliyadaha reer Hiraan ee qurbo jooga ah iyo maciisa aba in uu Ololle weyn u gali doono howshan dhiirigelinta mudan dhowaan marka uu laabto carriga Ingiriiska oo uu ka soo baqoolay markii hore.

Waxa halkaas sidoo kale warbixin dheer dh bixiyay madaxa mashruucan TAAGEER JIDKA Eng Cali Xaaji Shirwac isaguna ka ah hormuud howshshan ayaa warbixintiisa waxa uu ku sheegay inay u sahansanyihiin ilaa 29 Buundo oo dhammantood u baaahan dayactir qaarna ay dumeen gabi ahaanba dibna loo dhisay gaar ahaan Buundada Xujuub oo ay hadda gawaridaamuulku sida ay doonaan u dul maraan, balse walaaa ugu wweyni yahay Buundad Buulo Burte. Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa sheegay inay hadda qorshaha ugu jiraan dayactirka 90KM waddad ka baxda Beledweyne Illaa Garazyani, runtii niyad wanaagsanna ka helay guddiga isxilqaamay ee dhaqaale ururuitna.

Waxa la filayaa inay guddigan markale howl dhaqaale ururrin ah aadaan sla maanta, oo sida ay sheegeen degmooyin waaweyn oo badani ay gacan hatinayaan oo aad moodaba in tartan ku jiraan meelaha lacagaha laga soo ururinayo.

Ugu dambeyntii Ugaas C/Raxmaan Ugaas Khaliif ayaa ka guddoomay guddigan lacagyowgii ay soo ururiyeen iyo hantidii kaleba, waxana uu Ugaasku halkaas mahadnaq iyo ducaba ugu soo jeediyay dhammaan intii ka qebgashay howshan amaba hadda ku jirata oo soo ururiyeen amaba bixiyeenba, ducana ugu daray in ilaahayxoolahaoda u barakeeyo Abaarta iyo Kulalkana uga gargaaro dad iyo duunyaba.

Aden H Bashir
Beledweyne.

No comments:

Post a Comment