NIN XALAYTO LAGU DILAY FARLIBAX
Nin dhallinyaro ah oo la oran jiray Ilyas ayaa xalayto goor dambe lagu dilay bar Kontarol oo ku taala tuulada /Farlibax ee G/Hiiraan. Dilkan ayaa waxa lagu macneeyay inuu ahaa mid aano Qabiil ah oo dabajoogay nin dorraad ku geeriyooday tacshiirad ay isweydaarsadeen qaar ka mid ahaa Jabahtul Islaam iyo saraaakiil ka tirsan MMI oo uu hoggaaminayay nin layiraahdo Cabdi Qooreey oo ay beel hoosaad isu xigeen marxummka xalayto la dilay, oo sida la sheegay loogu aaneeyay dilka ninkii ku dhintay is rasaaseyntas.
Ninkan la dilay ee ah Ilyas ayaa waxa uu ahaa wade gaari xamuul ah oo ka shaqeeya Ethiopia iyo gobolka Hiiraan, oo ay muddo 20 sano ka badanna ay is yaqaaneen ninka xalayto dilay oo isagoo markii ay isa salaameen kadibna uu siiyay xoogaa lacag ah oo qaataan Kontarolka, ka dabayimid dabadeedna dhabarka rasaaska uga furay, isada ay ii xaqiijiyeen dad goobjooge yaal ahaa oo gaariga saarnaa oo ay ka mid ahayd Hooyada ninan la dilay, wacayna tiri ninkan kama filaynin inuu aano qabiiil u dilaayo willkayga.
Allaha u naxariistee Ilyas ayaanan waxba kala socon waxa ka dhacay Beledweyne iyo cidda mowqif diineed iyo mid siyaasadeed ku heshiineysa ama ku kala tageysan, waxana la dilay isagoo ay la socdaan, Hooyadiis, Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, waxana uu u dhintay nooc aano ah oo aanan wali waddanka Hiiraan horay u soo marin, waayo ninka loo dilay iyo isaga marka la'isu eego khaanadaha ama meelaha ay bulshada kaga kalajireen.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay beesha degta Farlibaax ee G/Hiiraan oo ku aadan dilka marxumkan oo runtii saameyn weyn ku yeeshay manta Beledweyne. Sidoo kale ma cadda waxa ay yeeli doonaan beesha uu ka dhashay marxuumkan geeriyooday.
Aden H Bashiir
Beledweyne
No comments:
Post a Comment