Hiiraan Blog
Galabta saacadu marka ay ahayd abaarihii 3:15 galabnimo ayaa si laba filaan ah xabadi uga bilaabatay meelo ka mid xaafadda H/wadaag ee Degmadan Beledweyne.
Dagaalka ayaa waxa sababay sida ay ii sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka ay xabbadu ka bilaabatay, in jirtay dhul ama Boos bannaan oo ay dhismihiisu muran ka taagnaa, kaddibna halkaasi ay u aadeen inay joojiyaan sii waddida dhismaha dhimaha biiskaas qaar ka id ah saraakiisha amniga ee Midowga Maxaakiimta ee G/Hiiraan, kaddibna tacshiirad la soo huwiyay, kaddibna ay isdifaaceen ciidanka MMI.
Ciidan gurmad ahna markiiba uu gaaray. Khasaaraha ka dhsashay dagaalkan lamafilaanka ah ayaa waxa uu yahay dhimasho hal qof ah iyo dhaawaca laba qofood oo kale, balse ma kala cadda in dadkan dhintay iyo kuwa dhaawaca ahiba ay ku jireen dagaalka iyo inkale. Dhanka kale waxa soo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeyay beryahanba ama sidii ay cidamada Ethiopianka ah uga baxeen waddankaba shaki ku kala jira Ciidamda Jabhatul Islaam iyo Alshaab oo dhinac ah, iyo MMI oo dhinaca kale ah oo ay waliba ku muransanaayeen qaabka maamulka ee Gobolka oo ilaa iyo hadda wax canshuur ah oo laga qaado ganacsatada aysan jirin kala shakiaas awgiis.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax xaqiijin kara amaanka Suuqa Hiuiwaa ee Xaafada H/wadaag ee Degmada Beledweyne, waxana is taagay isu socodskii magaalda ee Barga iyo dhinac Qorrax u dhaca, waxana ku sii qulqulaya ciidamo MMI xafaddaas H/wadaag bal si ay u qaboojiyaan arrinka mala xoog iyo xeelba. Rasaasta waa ay istaagtay hadda, balse dadku waxay shaki ka miijinaay ammaankooda si ku meel gaar ah ayayna goobahooda ganacsi min hal albaab ugu laabeen, lamana oga waxa ka soo kordhi doona.
Aden H Bashir
Hiran Psot
Beledweyne
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment