Saturday, March 21, 2009

UGAAS KHALIIF ORPHANAGE CENTER

...





XAFLAD BALLAARAN OO MAANTA LAGU QABTAY XARUNTA UGAAS KHALIIF ORPHANGE CENTER EE MAGAALADA BELEDWEYNE.



Xafladddan oo si aad ah loo soo agaasimay aadna u heersarreysay oo lagu qabtay galabta xarunta agoonta ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, waxana lagu dhoweynay oo isla galabtaba la xereeyay 50 canug oo ay si gooni ah u kafaalo qaadday Guddiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban dad Muxsiniin Somali ah ayaa waxa uu sameysmay xajkii dhowaa ee sannadkii hore, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda xajka ee waqtigaas. Xajkaas oo ahaa mid uga duwan dadka Somaliyeed muddadii 20ka sano kudhoweyd ee dalkuu burburka ka jiray noociisan oo kale ayaa waxa sameysmay guddi Somalikyeed oo isku kalsoon hal meel kaiyana ay ka wadafulaan arrimahooda sida waddan dowlad leh oo kale ah dadkuna uu isku duubnaa.

Haddaba sababta ugu weyn ee keentay inay sameysanto guddigan oo kale, isla markaana ay ka shaqeeyaan wanaaaga ayaa waxa sabab looga dhigayaa muwaafaqada Xujaydii sannadkii dhowaa soo xajiayay oo isku duubnaa.

Ugu horreyntii waxa khdubad dheer oo warbixn iyo soo dhoweyn ahba halkaas ka soo jeediyay Shariif Aadam Amiin oo ah Maamulaha Kulejka oo si aad ah uga warbixiyay qaabka ay ku yimaaddeen caruurtan cusub iyadoo kuwii hore lala daala dhacayo, waxana uu ku sheegay in carruuntan cusub kafaaladdooda ay qaadeen Guddiga taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed ee Muqdisho, Gobolka Hiiraanna uu helay nasiib u helay tiradan, balse agoontii hore ugu jirtay xarunta ay sidoodii hore uga sugayaan qorshahooda Jaaliyadihii iyo Shakhsiyaadkii awalba gacanta ku hayay, oo kaliya meel la'isugu keenay waxbarashada iyo cunnadooda, Jiifkana loo kireeyay guri ku dhegan kollejka.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay oo khudbad aad iyo aad u qiimo badnayd, kuna saabnayd taakuleynta agoonta faa'idada farahabadan leh ee ay leedahay halkaas ka soo jeediyay Sheekh Isxaaq, oo runtii si aad ah ugu dheeraaday una faah faahiyay sida loogu baahan yahay in la taakuleeyo carruurta agoonta ah.

Axmed Duurdage oo ku hadlayay magaca MMI ayaa isagana halkaas hadal soo dhoweyn iyo baraarujinba leh ka soo jeediyay.

Al-Ustaad Adam Axmed Max'ed oo ku hadlayay magaca maamuleyaasha iyo macallimiintii ka soo qeybgashay kulanka manta ayaa waxa uu hadal dardaar ah oo aad u nuxur badnaa u jeediyay macallimiinta kollejka oo uu uga digay inaysan dayacin carruuntaas agoonta ah oo ay waxbaristooda xil iska saaraan, ardaydadana waxa uu uga digay inaysan noqon abal dhaan oo ay ogaadaan inta qofood ee u taagan waxtarkooda, macallinkuna uu ugu horreeyo.
Gabagabadii ayaa waxa markale hadal dardaaran ah uu u jeediyay maamulaha Kollejka Ustaad Sharif Adam, oo kula dardaarmay ehelda carruurta inay si dhaqsaha ugu soo celiyaan kollejka kaddib maalmaha fasaxa ee wiigga gaar ahaa Jimcaha sabtidu soo gelayo in ardayga loo soo hoyo xarunta kollejka, si uu duruusta aroorta sabtida ah wax uga qaato, oo aysan dhicin in ay caruurtu habeenkaas habsaamaan kaddibna duruustu dhaafto subaxnimada Sabtida.

Ugu dambentii waxa soo gebagebeeyay xafladdii maanta, Ugaas Cali Xasan oo halkaas haddallo duco iyo mahdcelin isugu jro ka soo jeediyay.
Aden H Bashir
adanuu68@yahoo.com

Beledweyne

No comments:

Post a Comment