Sunday, March 29, 2009

Su'aalo ku socdo Xildhibaanada Hiiraan

Hiiraan Post:
Mudaneyaal:
Waxaan runtii aad uga xumaaday labo arrimood oo aad ka dhawaajisay:

1. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Hiiraan u magacowdo maamul sidii dowladdii C/hi Yuusuf yeeli jirtay, oo adigoo xildhibaan Hiiraani ah aad arrintaas taageersan tahay intii aad ka dhiidhin laheyd.
2. "anigaa tacbaday, waa xildhibaannimada e.
Marka walaal waxaan jeclaan lahaa inaad inooga jawaabtid su'aalaha aan ku soo gudbiyay qoraalkeygii hore oo aan hoos ku soo koobay, adigoo mahadsan.

Adiga xildhibaan ahaan ma aaminsan tahay in aad reer Hiiraan. maadaama wax lagu qeybsaday 4.5 oo ah qabiil qayaxan oo aan inagu nahay your CONSTITUENCY? Mase waxey kula tahay inaad adiga tacbatay xilka aad heysid (waa sida aad adiga u dhigtaye) cid kugula xisaabtami kartaana aysan jirin?

Haddii ay jawaabtu tahay HAA, fadlan nooga jawaab su'aalahan soo socda adigoo mahadsan.

Haddii ay jawaabtu tahay MAYA, fadlan ina dheh MAYA adigoo raalli ah.

1. Mudane xildhibaan, miyey wali kula saxan tahay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay Hiiraan u magacowdo guddoomiye kale? ama ay amar siiso maamulka Gobolka Hiiraan? Sidii dowladdii C/hi Yuusuf ay inoogu magacaabi jirtay cidii ay doonto.

2. Mudaneyaasha reer Hiiraan wali ma isku dayeen in dhaqaalaha dowladda dhexe soo galay qeybtii Hiiraan loo gudbiyo gobolka? Maaddaama wixii Soomaaliya la siiyay loo baahan yahay in loo qeybiyo wadanka oo idil. Mase jirtaa talo mideysan oo dhamaan xildhibaannada reer Hiiraan ay usoo jeediyeen Guddoomiye Mocow oo uu diiday?
3. Markii sida aad sheegtay uu Guddoomiye Mocow noqday talo diid, ma la xiriirtay odayaasha iyo waxgaradka beesha? Go'aan cadna ma ka yeesheen arrinkaas?

4. Sidoo kale ma isku dayi doontaa in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay saxdo maamullada Puntland, Somaliland, J/Hoose, Bay iyo Bakool? iyo maamullada gobollada waddanka oo dhan. Mase arrinkan wuxuu u gaar yahay Hiiraan oo kaliya? Xildhibaannada gobollada aan soo magacaabay gaar ahaan reer Puntland ama Somaliland fikraddaas ma aqbali doonaan?

Mahadsanid

Warsame.Toronto

No comments:

Post a Comment