Hiiraan Post:
Waxa maanta howl safar indho indhayn ah, oo loogu kuurgalayo xaaladda qaar ka mid ah buundooyin burbursan oo bartamaha buundada ka goo’goay kana samaysmay godad waaweyn oo ay shilal badani ku galeen gawaari farabadan oo iyagoo aanan filaynin afka u galay godadkaasi.
Si haddaba loo baajiyo khasaaraha shilalkan loona dayactiro guud ahaan waddada iyo gaar ahaan buundooyinkan sida ba’an u burbursan, ayaa waxa howshan iska kaashanaya dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan ee ku kala nool dibedda iyo gudahaba,
Waxana hoggaanka howsha u haya
Ugaas Cabdiraxmaaan Ugaas Khaliif.Safarka manta ayaa ujeedadiisu waxay ahayd in ay indhahooda ku soo arkaan khasaaraha ba’an iyo heerka burbur uu gaaray.
Safarkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay
A/asiis Cilmi Xiireey iyo Siciid Cabdi Max’uud "Sanka" oo uu weheliyay Eng Cali Xaaji Shirwac oo ah madaxa mashruucan dib u dhiska waddooyinka,
Eng Cali Xaaji Shirwacayaa waxa uu ka warbixiyay ugu horreyntii dhismaha buundada Xujuub oo ahayd buundadii geerida, kaddib markii ay gawaari badani ku rogmadeen goor habeen ah,
Kaddib waxan uga sii gudubnay dhowr buundo oo ayaguna halis weyn ugu jira inay go’aan.
Sidoo kale waxan sii marnay tuulo yar oo la yiraahdo Max’ed Xasan oo dadka dagaanka daggani uu qatay ceel biyo macaan, dad iyo xoolaba ay ka cabayeen halkaasi oo ay wadeen howl ay dhismo ugu wadeen barkadaha ay xooluhu ka cabbaan.
Ceelkan ayaa runtii ahaa mid si aad ah loogu baahan yahay waliba gaar ahaan xilligan lagu jiro jiilaalka kulul.
Mid ka mid ahaa odayaasha howshan ceelka si gooni ah ugu ololeeya ayaa ii sheegay in ay wax biyo ah ugu dhow yihiin wabiga oo halka ceelka laga qodayo u jiro ugu yaraan 8KM, loogana bixi doono mustaqbalka dhow fogaanta biyaha dad iyo duunyaba ay ku nasan doonaan ceelkan.
Ugu dambeyntii C/Casiis Elmi Xirey iyo Siciid ayaa waxay ballan ku qaadeen inay farrintan si toos ah ugu gudbin doonaan dhammaan dadka Somaliyeed eek u kala nool dunida dacaladeeda, gaar ahaan reer Hiiraan, isla markaasna ay albaab walba u garaaci doonaan si looga miro dhaliyay howshan muhimka u ah bulshada.
Aden H Bashir
Beledweyne
Somalia