XAALADDA UU KU SUGAN YAHAY GOBOLKA HIIRAAN
Waxa weli soconaya wadahadaladii lagu dhexdhexadinayay garabyadii ama labadii dhinac ee MMI iyo kooxaha Jabhatul Islam, Shabab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah, waxana weli soconaya wadahadal ay la leeyihiin guddi dhexdhexadin ah oo isugu jira Duubab dhaqameedyo iyo Culimaa'uddiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. Wadahadalladan oo loogu kala dabqaadayay labadan dhinac ayaa muddo toddobaad ah weli wax war rasmi ah uusan weli ka soo bixcin.guddiga dhexdhexaadinta. Waxa jira warar lagu kalsoonahay oo ka soobaxay xubno ka mid ah guddigan dhexdhexaadinta oo shegaya in kooxaha isbahaystay ay shuruuddo adag ku xireen wadahadalka, oo ah inuusan wax maamul la yirahdo ka jirin gobolka, kuna eedeeyeen qolyahay siyasadda isaga soo horjeedan inay u shaqeeyan shisheeye "Waa sida ay hadalka u dhigeene". Dhanka kale, waxa jira cadaadis uga imanaya guddigan dhexdhexaadinta labada dhinacba oo ay qolowaliba ku adkeynayso in tooda la raaco, waxana arrintaas si kulul uga biyo diidsan MMI oo iyagu markii horeba ku dooday in qorsha sugidda amanka gobolku oo ay wadaan Mamulka MMI uu yaahy lama taabtaan oo ay sheegeen sababta ugu weyn oo ay usoo dagaalameenna ay tahay in la hirgeliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, taana ay qeyb ka thay qorshaha ay wadan hadda. Haddaba marka la eego kala fogaanshaha u dhexeeya labada dhinac ayaa dad badani waxay walaac ka muujinayaan in nar kale lagu dul dagalamo, ayadoo weliba ay muuqato hadda in ay si aad ah dagaal ugu diyargaroobeen labada dhinacba, waliba ay dagaalamayaan nimankii muddadii labada sano ahayd ee la soo dhafay meel qura xabbadda ka wada rdayay, duurkana ku jiray, dhiiggooduna uusann isu bannaanayn. Ma jirto awood saddexad oo xoog ku kla joojin karta labadan dhinacba, shacabkuna uu hadda ka soo haray dhabanno hays, iyadoo ay jiraan weli cabsi lga qabo inuu ammanka gobolku faraha ka baxo, waayo habeenkii xalayto ahayd ayaa Bump lagu tuuray nin ka mid ah saraakiisha hay'adda Save The Children UK, CAli CAbdi Weheliye Cali Bile oo ay ku dhaawacmeen Haweenaydiisa iyo gabar kale oo la joogtay aqalka. Waxa jirta in habeenkii aad mar mar maqleysid rasaas circa looganayo, gaar ahan xeryaha ama saldhigyada Ciidamada eek u sugan beledweyne meelo ka mid ah, iyadoo ay dadkuna guud ahaan si aad ah ay socodka u yareeyeen xilliyada fiidkii ah, iayagoo ka baqaya in uu dagaal qabsado. Aden Hassan Bashir Beledweyne |
Thursday, April 30, 2009
XAALADDA GUUD EE GOBOLKA HIIRAAN
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment