Tuesday, April 21, 2009

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DAGAALDA BELEDWEYNE

Hiiraan Post:Kaddib dadaallo lagu joojinayo dagaalkan oo maalintiisii labaad saakay ku waabariistay isla goobihii uu shalayto dagalkan ka qarxay ayaa ugu dambeyn duubabka dhaqanu waxay ku guuleysteen inay xabbad joojin dhex dhigaan labada dhinac ee ku hardamayay gacan ku haynta maamulka gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxa sababay kaddib markii ay MMI sheegeen inay sugayaan ammaanka gobolka, isla markaana ay bilaabeen qaadid lacago loogu yeeray TAAKULEYNTA MAXKAMADAHA. oo ay ka biyo diideen xooggaga Xisbul Islaam oo kaashanaya ama gacan ka helayao ALSHABAAB.

Habeen hore ayay ahayd markii Bumb lagu tuuray gurigiisa Axmed Shekh Cali oo ah wakilka shirkadda xawaaladda ee AMAL oo ay uga digeen markii hore kooxahan isbahaystay ee ka soo horjeeda MMI inuu joojiyo lacagahan taakuleynta MMI ay qaadan uu isagu u ahaa keydiye, kaddibna marki uu ka dhega adeygay hanjaaado uga yimid kooxahan ay weerar bubm ah la beegsadeen xilli fiidnimo ah oo uu dhaawacna ka soo gaaray weerarkaas gabar walaashiis ah iyo xaaskisba.

Isla subaxdii ayaa iyadoo ay ka sii warhayeen xoogagga MMI is urursi iyo weerarkale oo ay doonayeen inay soo xarunta gobolka ku soo qaadaan kooxan kale ee is bahaystay ayaa weerar waxay fooda isku dareen laba goobood oo ku yaala xaafadda H/wadaag, oo midi tahay buundada kala qeybisa magalada ee liiqliiqato.

Dhawaqa rasastan ayaa laga maqlayay meelo badan oo ah nawaxiga magaalada Beledewyne, taasoo oo sooctay ilaa iyo gabal dhici xalayto.
Hase yeeshee dadaalkan lagu baajinayo colaadan oo shalayto galainkii dambe billowday ayaa suurto galiyay in ay maanta rasasta xoogeedi istagto, walow la maqlayay mararka qaarkood dhawaqa rasaarta oo teel teel ah.

Haddaba, waxay duubabku ku guuleysteen inay dib u kala qaadaan ciidamadii is horfadhiyay, wadahalna ay ka galaan arrimahan laysku maan dhaaafsan yahay, oo ay ballanna ku qaadeen inaysan ilaalin doonan xabbad joojinta dhankooda qolo waliba.

Khasaaraha dagaalkan ayaa waxa uu soo garay intiisa bdan dadka rayidka ahaa, kaasoo keenay dhimahso iyo dhaawac aad u faraban oo la dhigay Isbitaalka weyn ee Beledweyne.

Haddaba rajada laga qabo in heshiis lagu gaaro wadahalkan ayaa dadku waxay ka muujinayaan rajo aanan sii weynany. Dhanka kale, waxana jira cabsi laga qabo inuu dagaalku sii weynaado oo ay dhici karto in gurmad labada dhiinacba uga kala yimaaddo meelo ka baxsan goboka taas oo xaaladda sii adkeyn karta.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in kooxda AHLU SUNNA ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay garab siiyaan MMI, halka ciidammo farabadan oo ALSHABAAB ahina oo hadda ku sugaan meelo badan oo gobolka ah, gaar ahaan agagaarka degmad Buulo burte ay suurto galtahay inay ayguna dhankooda soo galaan dagaalka.

Ugu dambeyntii xaaladdan dagaalka rajada laga qabo oo kaliya waa inay is fahmaan oo ay heshiiyaan kooxahan is haya, haddii kalena ay arrintu farha ka sii bixi karayso, oo magaalduna noqoto goob dagaal.
Wadahadaladan oo qeyb ahaan bilowday maanta gelinkii dambe ayaa socon doono illaa maalmaha soosocda, ayadoo ay si fool ka fool ah isu soo horfariisan doonaan labada dhinac eeay dirirtu ka dhexeyso.

Aden Hassan Bashir
adanuu68@yahoo.com
Beledweyne

No comments:

Post a Comment