Hiiraan Post:Bannaan baxa maana ka dhacay magaalada beledweyne ayaa maanta waxa ka hadlay guddoomiyaha maamulka Gobolka Gobolka, Sh Cabdraxman Ibrahim Macow, waxana uu ahaa ujeedad bannan baxan taageero lagu taagerayo go'aankii shalayto ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliyeed oo shegayay in diinta Islaamka lagu xukumi doono waddanka.
Sh Cabdiraxmaan I. Macow oo khudbad aad u dheer halkaa ka soo jeediyay maanta ayaa waxa kaga hadlay arrimo farabadan gaar ahaan waxa uu ku dheeraaday arrimaha sugidda ammaanka. Khudbadda maanta uu jeediyay macow ayaa ahayd middii ugu dheerayd tan iyo intii xilkan qabtay.
Khudbadda maanta oo ahayd mid aad u miisaaman, kana muuqato mas'uuliyad ayaa waxa uu Macow usoo jeediyay baaq kooxaha diiddan dowladdan cusub ee loo dhan yahay, waxana uu ugu baaqay inay soo fariistaan miska wadahadalka si khilaafaadka jira looga gudbo, loona helo dowlad qaran kaddib 20 saano oo jahawareer ah.
Mar uu ka hadlayay arrimha ammaanka aya waxa uu soo qaatay afduubkii dhowaan loo geytay dad rayid ah oo uu sheegay in dadweynaha laf ahaantoda uu waajib ka saaran yahay ilaalinta ammaanka oo ay ugu yaraan in ay sheegaan wixii khal khal galinaya amaanka oo ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka.
Ugu dambeyntii Macow waxa uu ugu baaqay kooxaha diineed iyo kuwa siyaasadedba ee ku sugan waddanka gaar ahaa Hiiraan in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isla markaana ay soo horfariistaan iyaga waxay tabanayaan si looga daweeyo.
Aden H Bashir
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com
Sunday, April 19, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment