Thursday, April 30, 2009

XAALADDA GUUD EE GOBOLKA HIIRAAN

XAALADDA UU KU SUGAN YAHAY GOBOLKA HIIRAAN

Waxa weli soconaya wadahadaladii lagu dhexdhexadinayay garabyadii ama labadii dhinac ee MMI iyo kooxaha Jabhatul Islam, Shabab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah, waxana weli soconaya wadahadal ay la leeyihiin guddi dhexdhexadin ah oo isugu jira Duubab dhaqameedyo iyo Culimaa'uddiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Wadahadalladan oo loogu kala dabqaadayay labadan dhinac ayaa muddo toddobaad ah weli wax war rasmi ah uusan weli ka soo bixcin.guddiga dhexdhexaadinta. Waxa jira warar lagu kalsoonahay oo ka soobaxay xubno ka mid ah guddigan dhexdhexaadinta oo shegaya in kooxaha isbahaystay ay shuruuddo adag ku xireen wadahadalka, oo ah inuusan wax maamul la yirahdo ka jirin gobolka, kuna eedeeyeen qolyahay siyasadda isaga soo horjeedan inay u shaqeeyan shisheeye "Waa sida ay hadalka u dhigeene".

Dhanka kale, waxa jira cadaadis uga imanaya guddigan dhexdhexaadinta labada dhinacba oo ay qolowaliba ku adkeynayso in tooda la raaco, waxana arrintaas si kulul uga biyo diidsan MMI oo iyagu markii horeba ku dooday in qorsha sugidda amanka gobolku oo ay wadaan Mamulka MMI uu yaahy lama taabtaan oo ay sheegeen sababta ugu weyn oo ay usoo dagaalameenna ay tahay in la hirgeliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, taana ay qeyb ka thay qorshaha ay wadan hadda.

Haddaba marka la eego kala fogaanshaha u dhexeeya labada dhinac ayaa dad badani waxay walaac ka muujinayaan in nar kale lagu dul dagalamo, ayadoo weliba ay muuqato hadda in ay si aad ah dagaal ugu diyargaroobeen labada dhinacba, waliba ay dagaalamayaan nimankii muddadii labada sano ahayd ee la soo dhafay meel qura xabbadda ka wada rdayay, duurkana ku jiray, dhiiggooduna uusann isu bannaanayn.

Ma jirto awood saddexad oo xoog ku kla joojin karta labadan dhinacba, shacabkuna uu hadda ka soo haray dhabanno hays, iyadoo ay jiraan weli cabsi lga qabo inuu ammanka gobolku faraha ka baxo, waayo habeenkii xalayto ahayd ayaa Bump lagu tuuray nin ka mid ah saraakiisha hay'adda Save The Children UK, CAli CAbdi Weheliye Cali Bile oo ay ku dhaawacmeen Haweenaydiisa iyo gabar kale oo la joogtay aqalka.

Waxa jirta in habeenkii aad mar mar maqleysid rasaas circa looganayo, gaar ahan xeryaha ama saldhigyada Ciidamada eek u sugan beledweyne meelo ka mid ah, iyadoo ay dadkuna guud ahaan si aad ah ay socodka u yareeyeen xilliyada fiidkii ah, iayagoo ka baqaya in uu dagaal qabsado.

Aden Hassan Bashir

Beledweyne

adanuu68@yaho.com

Wednesday, April 29, 2009

Madaxa xiriirka Beesha Gaaljecel-Mudane Cabdi Faarah (Cabdi Jabuuti)

Salaan kagadaal  xaalada Hiiraan waxeey la midtahay xaalada gobolada dalka Soomaaliya waana nasiibdaro xaalada hadda kataagan, guud ahaan dalka gaar ahaan Gobalka Hiiraan waayo gobolka inta badan nabad ayuu ahaan jiray waana rajeynayaa inuu nabadii ku noqdo. Reer Hiiraan waxeey leeyihiin dhaqan qoto dheer iyo xeerar ay wax ku wada qabsanjireen  waxaana filayaa in odayaasha iyo wax garadka ay istaagaan oo ay wax ka bedelaan xaalada gobalka.
Dhibatada maanta taagan hadii aan ku noqdo waxaa horseed u ah kooxa dimeedka ka jira dalka iyo daneystayaal huwan dana guracan doonayana iney ummada ku marin habaabiyaan. waan ognahay xaalada dalka iyo hogaanka shariif halka uu marayo. ugu danbeeyntii waxaan reer Hiiraan kula talin lahaa iney u istaagaan xasilinta gobalka iyo nabdeynta walaalaha Reer Hiiraan.

Madaxa xiriirka Beesha Gaaljecel yurub iyo Waqooyiga Ameerika
Mudane Cabdi Faarah (Cabdi Jabuuti)
Denmark
Tel: 455-810-6744
Email: abdijabuuti@yahoo.com.

Tuesday, April 28, 2009

HALKEY MAREYSAA ARINTII HIIRAAN

Hiiraan Post:
Ka dib israsaaseytii ka dhacaday magaalada B/Weyn ee Hiiraan oo ay guurtada Hiiraan ku guuleysteen in ay xabad joojin dhexdhigaan.

Maamulka ayaa cadeeyey in marnaba ay ogolaan doonin dad ka baxsan Hiiraan in arimha Hiiraan ay lugaha la soo galaan, intaa waxey raac siiyey in ay Al shabaab iyo Xisbul Islam ay horay u wada xiriireen oo ay san u cadeen qolada ay yihiin dableyda, hadii ay arintu tahay qabiil waa ineyasan ka dulboodin Shareecada Islamka.

Ilaa hada wax ka soo baxay oo la taaban karo ma jiraan, guurtada waa ay maqan tahay maamulka iyo dableyda waxey ku sugun yihiin magaalda, waxaa jirtay cabsi dadka soo gaartay oo ku keliftay in laga cararo goobaha la tuhmayo inuu dagaalka dhici karo.

Sida dhaqanka reer Hiiraan lagu yaqiinay oo ahaa in dhibaatada soo dhex gasho ay wada hadal ku dhameyn jireen ahaayeena dad si aad ah isku qaderiyo.

Hadii arintaa ay dhaafsiisan tahay reer Hiiraan oo ay gaarto, sida wixii aan anaga aheyn waa baadi waxaa muuqato in Hiiran ay san huri doonin dagaal sokeeyo
Ali yare
kenya.

Xildhibaano reer Hiiraan oo ku kulmay Swissland

Somaliswss.com
Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo Socdaal ku soo gaaray dalka Switzerland, kulana la qaatay Jaaliyadda Reer Hiiraan ee ku nool dalka Switzerland.(Dr. Xuseen Nuunow iyo - C/qaadir Maxamed Dhicisow).

Saturday, April 25, 2009

Maxaa ka soo socdo Sh Hassan Daahir Awees

Hiiraan Post:
BBC Hassan Dahir

Xibsul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo abaabulay dibad ubax loo qabtay Hassan Dahir Awes
saldhigii hore ee degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir ka dibmarkii indhaco cade uu ka caga jiiday Sbartibada in lagu qabto.
  • Sheikh Xasan Daahir oo soo dhaweeyey go'aankii Barlamanka ee Shareecada Islamka.
  • Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM iney Soomaaliya ka baxaan.(waxaana ay la midyihiin bikteeriyo nagu dhexjirta).
  • Sidoo kale diiday sharciyada Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Sh Shariif Sh Hassan Soomaaliya ayaa sheegay inuusan xaq u laheyn diidmada shirciyada Dowlada.

Hiiraan maxaa arimhaa ka quseyn karo, Hassan Daahir waxa uu dagaal ugu yeerayaa taagerayashiisa ama qabiilkiisa.
Waxaa is weyn diin leh ma u heli doonaa taageero dagaalkaa, maxeyse Soomaalida ka yeeli hada iyo colaad loo qaado Soomaalida iyo caalamka.

Friday, April 24, 2009

KULAMO DHEXDHEXAADIN AH OO BELEDWEYNE KA BILLOWDAY

Hiiraan Post:

Maalintii shalayto ahayd ayuu si habsami ah u socda kulammo lagu dhexdhexaadinayo MMI iyo kooxo isbahaystay oo degan xaafadda H/wadag ee degmadan Beledeyne, kulankan ayaa billowday kaddib laba maalmood o ay xabbad joojinta hubinayeenn koox Culumaa'uddii ah iyo odayaasha dhaqanka oo ayagu isu xilqaamay inay dhexdheaadiyaan labadan dhinac ee ay diriritu ka dhexeyso.

Shalayto abaarihii 10:00kii barqonimo aya waxa kulan isugu yimid Hotel Madiina Guddiga dhexdhexadina iyo MMI. Gudiigii dhexdhexaaadinta ayaa ka codsaday MMI in markii ay dhegeystaan doodahaooda ay ku qanci doonaan wixii ay u soo qaadaan labada dhinacba, taasoo ay kalsoonideeda siiyeen markiiba.

Wadahadalkan oo ah qaabkiisu u kala dabqaadid labada dhinac, ayaa waxa ay ugu horreyntii ku soo hormareen MMI oo ay ka dhegeyteen eedaha iyo waxyaabaha ay ku andacoonayaan, waxana u hadlay Cabdiramaan Ibrahim Macow oo ah Gudoomiyaha MMI ee G/Giiraan, ayaa waxa u sheegay dhankooda in aysan diidanayn wixii loo soo qaado oo aanan ka ahayn in la joojiyo ugidda amaanka goibolka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Macow ayaa sidoo kale waxa uu u soo jeediyay eedeymo ka hdan ah kooxahan oo uu ku eedayay qodobada ay ka midka yihiin.

1. Inay ay Afduub u geyseen dad rayid ah oo degaan ku ah xafiika Maamulka gobolka dushiisa goor fiid ah.

2. In ay soo eryeen gaari naadinaya Muxadaro xaafadda H/wadag oo ay waliba oo handadeen una hanjabeen.

3. Inay Bump ku tuureen dad aanan waxba galabsan.

4. Carqadaladeyn ku aaddan sugitanka ammaanka gobolka oo ay ayagu mas'uul ka yihiin.

Dhanka kale Macow ayaa waxa uu weydiiyay guddigan dhex dhexaadinayay waa ayo cidda dagalka noga soo horjeedda oo aay na dhex dhexaadinaysaan waayo meeshas 3 kooxood ayaan ku ogeyn. Waxay yiraahdeen wa saddexda kooxood oo hal cod ah ku hadlaya.

Macow ayaa haddana waxa uu sheegay in Jabhatul Islaam ay ballan meel wada dhigteen oo ay ku ballameen inaysan maamulkan faragashanayn oo ay diyaar u yihiin wixii kale ee iskaashi ah, Sidoo kale SHABAAB Ballan ayaan meel wada dhiganay oo sidoo kale ah inayan soo faragahsan maamukan hase yeeshee qolada saddexaad ee ah Xisbul Islaam ayu sheegay inuusan waxba kalasocon howshooda.

Arrimahaas uu sheegay Macow ayaa waxa isla markiiba ka markhaati kacay Shekh Caydaruus oo ka mid ahaa culimada dhexdhexadinaysay kulankan. sidoo kale waxa ka hadlay saraakiihsa MMI ee arrimaha ammaanka waxayna dhammaantood isku raaceen wixii aanan ka aheyn in la carqaladeeyo nidaamka maamulka gobolka inay so dheweynayaan balse taa ay ka biyo diideen.

Waayo waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee ay ula dagaalameen Dowladii hore ya ahayd in la helo ku dhaqanka shareecada Islaamka hadana ay ku taagan yihiin, balse dad aanan soo halgamin waa siday hadalka u dhigeene ay hadda dagaal kala horyimaadaan aysan cidna ka aqbalaynin

Intaa kaddib ayaa shirku soo xirmay kadibana loo tabaabusheystay in la aado dhanka kale oo isla shalayto galab si hor u dhac ah u billowday wada hadal runtii aad iyo aad u adkaa oo ay muuqato farqi weyn oo u dhexeeyo labada dhinac, balse culimad iyo Duubabka ayaa cadaadis isticamaalayay iyo in aan shareecada la dhinac marin, walow aysan weli dhammaanin wadahadalkaas ayaa la filayaa in berito ay ka oo baxaan go'aamo wax ku ool ah ama saacadaha dambe ee maanta.

Aden Hasan Bashir
Beledweyne.

adanuu68@yahoo.com

Thursday, April 23, 2009

Xaadalada Hiiraan 23.04.09

Waxaa jirtay inuu dagaal ka dhacay B/Weyn caasaimada Hiiraan, dagaalkaa waxaa istaajiyey odoyaasha dhaqanka, una sheegay in marnama Hiiraan ay san qaadan doonin dad ka baxsan reer Hiiraan.

Gudoomiyada Makaxamada Islamiga ee Hiiraan ayaa ahaa mid ku adkeystay inuusan marnama la gelin gorgortan, dableyda Islamka sheeganeyso.

Mar lagu wareysay telefonka gudoomiya ayuu sheegay inuusan aqbaleyn in Hiiraan ay noqoto meel loo soo duulan tago oo keliya.

Waxuu intaa ku daray in reer Hiiraan ay awood u leeyihiin is ka cabinta cadawga nabada iyo qaranimada Hiiraan ee Soomaaliyeed.

22.4.09kii Ciidan dhan 300 iyo 15 gawaarida dagaalka ayaa soo gaaray B/weyn. ilaa hada xaaladu wey degan tahay, Waxaa la warhayaa in dableydii gadaalka soo qaaday ay ka baxeen goobihii walgu ogaa.

Ali Yar.

Tahriibka dhalinyada Soomaaliyeed

Hiiraan Post:
Waxaa jirto sida aan wada ognahay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay daadsan yihiin wadooyinka caalamka, iyagoo nolosha Soomaaliya ka cararayo.
dhalinyadaa waxaa maamalmahan u badnaa Koonforta oo ah Hiiraan iyo Waqooyiga oo Soomaliaya.
Waxaa jirto in webka Hiiraanpost ay soo galaan dad kala joogo wadamada Syria,Tanzania,Saudi Arabia,Mozambique,Egypt,South Africa,Libya,Malta.

Walaalaha jooga halkaa waxaa ka codsaneynaa i ay soo wargeliyaan dhalinayada qar isktuurka ku socoto oo meel walba ku xiray.Libya ha ugu sii daran oo guryaha lagu hastaa si dib loogu iibiyo dadkooda, intaa waxaa sii dheer dhimashada bada.hadii ay soo badbaadan waxaa xabsi u noqon Malta ama Italiya, labadaa wadan runtii hadii aah tahay shaqo la,aan ka liito Soomaaliya.
Email: admin@hiiraanpost.net

Tuesday, April 21, 2009

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DAGAALDA BELEDWEYNE

Hiiraan Post:Kaddib dadaallo lagu joojinayo dagaalkan oo maalintiisii labaad saakay ku waabariistay isla goobihii uu shalayto dagalkan ka qarxay ayaa ugu dambeyn duubabka dhaqanu waxay ku guuleysteen inay xabbad joojin dhex dhigaan labada dhinac ee ku hardamayay gacan ku haynta maamulka gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxa sababay kaddib markii ay MMI sheegeen inay sugayaan ammaanka gobolka, isla markaana ay bilaabeen qaadid lacago loogu yeeray TAAKULEYNTA MAXKAMADAHA. oo ay ka biyo diideen xooggaga Xisbul Islaam oo kaashanaya ama gacan ka helayao ALSHABAAB.

Habeen hore ayay ahayd markii Bumb lagu tuuray gurigiisa Axmed Shekh Cali oo ah wakilka shirkadda xawaaladda ee AMAL oo ay uga digeen markii hore kooxahan isbahaystay ee ka soo horjeeda MMI inuu joojiyo lacagahan taakuleynta MMI ay qaadan uu isagu u ahaa keydiye, kaddibna marki uu ka dhega adeygay hanjaaado uga yimid kooxahan ay weerar bubm ah la beegsadeen xilli fiidnimo ah oo uu dhaawacna ka soo gaaray weerarkaas gabar walaashiis ah iyo xaaskisba.

Isla subaxdii ayaa iyadoo ay ka sii warhayeen xoogagga MMI is urursi iyo weerarkale oo ay doonayeen inay soo xarunta gobolka ku soo qaadaan kooxan kale ee is bahaystay ayaa weerar waxay fooda isku dareen laba goobood oo ku yaala xaafadda H/wadaag, oo midi tahay buundada kala qeybisa magalada ee liiqliiqato.

Dhawaqa rasastan ayaa laga maqlayay meelo badan oo ah nawaxiga magaalada Beledewyne, taasoo oo sooctay ilaa iyo gabal dhici xalayto.
Hase yeeshee dadaalkan lagu baajinayo colaadan oo shalayto galainkii dambe billowday ayaa suurto galiyay in ay maanta rasasta xoogeedi istagto, walow la maqlayay mararka qaarkood dhawaqa rasaarta oo teel teel ah.

Haddaba, waxay duubabku ku guuleysteen inay dib u kala qaadaan ciidamadii is horfadhiyay, wadahalna ay ka galaan arrimahan laysku maan dhaaafsan yahay, oo ay ballanna ku qaadeen inaysan ilaalin doonan xabbad joojinta dhankooda qolo waliba.

Khasaaraha dagaalkan ayaa waxa uu soo garay intiisa bdan dadka rayidka ahaa, kaasoo keenay dhimahso iyo dhaawac aad u faraban oo la dhigay Isbitaalka weyn ee Beledweyne.

Haddaba rajada laga qabo in heshiis lagu gaaro wadahalkan ayaa dadku waxay ka muujinayaan rajo aanan sii weynany. Dhanka kale, waxana jira cabsi laga qabo inuu dagaalku sii weynaado oo ay dhici karto in gurmad labada dhiinacba uga kala yimaaddo meelo ka baxsan goboka taas oo xaaladda sii adkeyn karta.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in kooxda AHLU SUNNA ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay garab siiyaan MMI, halka ciidammo farabadan oo ALSHABAAB ahina oo hadda ku sugaan meelo badan oo gobolka ah, gaar ahaan agagaarka degmad Buulo burte ay suurto galtahay inay ayguna dhankooda soo galaan dagaalka.

Ugu dambeyntii xaaladdan dagaalka rajada laga qabo oo kaliya waa inay is fahmaan oo ay heshiiyaan kooxahan is haya, haddii kalena ay arrintu farha ka sii bixi karayso, oo magaalduna noqoto goob dagaal.
Wadahadaladan oo qeyb ahaan bilowday maanta gelinkii dambe ayaa socon doono illaa maalmaha soosocda, ayadoo ay si fool ka fool ah isu soo horfariisan doonaan labada dhinac eeay dirirtu ka dhexeyso.

Aden Hassan Bashir
adanuu68@yahoo.com
Beledweyne

Arimihii ka dambeeyey dagaalkii Hiiraan.

Dagaalkii ka dhacay caasimada Hiiraan ee Balad Weyn Waxaa wax ku noqday dad faro badan oo dhimashada iyo dhawacba ah.
Arimaha loo dhaliyey dagaalka waxey ahaayeen kuwo kala duwan.
  • Diidmo la diidan yahay in Hiiraan ay ahaato meel nobad ah oo maamul leh.
  • Sidii maamulka hana qaaday loo carqaladeyn lahaa.
  • Ka soo horjeedis figrada ay odoyaasha iyo shabka ay qabaan oo ah in Hiiraan ay utashtan reer Hiiraan oo keliya.
Duurtaga gobalka Hiiraan.
  • Odeyaasha waxey cadeeyeen in Hiiraa ay ku kooban tahay oo keliya reer Hiiraan ayna la safan yihiin maamulka u dhaxeeyo dhamaan reer Hiiraan.
  • Guurtada oo cadeysay in Hiiraan ay san qeyb sammi karin.
  • Waxaa loo cadeeeyey in marnaba ay san dhicidoonin gorgortankii maariyaaneed.

Monday, April 20, 2009

Maxey tahay dhibaatada ka taagan Hiiraan.

Hiiraan Post:
Maxey tahay dhibaatada ka taagan Hiiraan.
Waxaa jirto in Soomaaliya ay soo martay dagaalo waxba aan ku ku fadhin.
Arintaa waxey dhaxalsiisay Soomaaliya in qabiilka loo isticmaalo meel walbo.
Hiiraan Waxaa degan qabiilo Soomaaliyed oo runtii ku amaanan sida xushmeynta iyo qadarinta ah ay u wada nool yihiin.
Nabada reer Hiiraan waxaa mar walbo gilgilayey maamulladii liitay ee soo maray Hiiraan.
Maxaakimtii ka dib waxaa soo baxay ururo sheegayo iney Islamiyiin yihiin, sida Ah-Suna waljamaaca oo ku aftirsada Qabiilada Mudug,Maxaakim oo ku aftirsada Gobalada dhaxe iyo Banadir, Al-shabaab oo ku aftirsada Dhinyare Soomaaliyeed, Xisbul Islam oo ka dhex dhashay dhamaantood.
Intaa waxaa dheer taagerayaashii dowladii hore.
Marka Hiiraan maxaa u dan ah, masida coolada qabiil oo hug san Islam, mise in la soo dhaweeyo yeeristii ay soo jeediyeen Maamulka Hiiraan oo aheyd in Hiiraan ay ka tashato masladaeeda qaaska ah lana qaato shareecada Islam.

Fadlan Reeb Comments

Dagaal ka dhacay B/weyn Hiiraan

Hiiraan Post:
Dagaalka culus oo Magaalada Beledweyne ku dhacay ayaa u dhaxeeyey Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo kooxo dabley ah.
dhawaaqa rasaas culus ayaa mar keliya qabsatay magaalda. Dagaalka oo markiisa hore ka qarxay Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne ayaa u faafay xaafado kale
waxaa la qayaasayaa in dhan saxad shacab Soomaaliyeed iney wax ku noqdoon, dadka dhaawacmay qaarkood ayaa waxaa dhaawaca sida la filaayo hoobiye.
Dagaalka ayaa dhacay xilihabeenimo ah, ka dib markii xalay bam lagu weeraray masuulka Xawaalada Amal Max'ed Shiikh Xasan.

Dagaalka ayaa ku soo aaday soodhaweentii uu maamulka gobalka uu soo dhaweeyey ku dhaqanka Shareecada Islamka ee uu Barlamanka ansixiyey in la Qaatay.
Waxaa jirto ururada Islaamiga in qaarkood ay ku tiirsan yihiin qabiil. sidaa darteed aad
ayey u adag tahay in meel ay isla dhigaan qilaafka.

Ali Yare.
Kenya.

Sunday, April 19, 2009

BANNAANBAX MAANA KA DHACAY BELEDWEYNE

Hiiraan Post:Bannaan baxa maana ka dhacay magaalada beledweyne ayaa maanta waxa ka hadlay guddoomiyaha maamulka Gobolka Gobolka, Sh Cabdraxman Ibrahim Macow, waxana uu ahaa ujeedad bannan baxan taageero lagu taagerayo go'aankii shalayto ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliyeed oo shegayay in diinta Islaamka lagu xukumi doono waddanka.

Sh Cabdiraxmaan I. Macow oo khudbad aad u dheer halkaa ka soo jeediyay maanta ayaa waxa kaga hadlay arrimo farabadan gaar ahaan waxa uu ku dheeraaday arrimaha sugidda ammaanka. Khudbadda maanta uu jeediyay macow ayaa ahayd middii ugu dheerayd tan iyo intii xilkan qabtay.

Khudbadda maanta oo ahayd mid aad u miisaaman, kana muuqato mas'uuliyad ayaa waxa uu Macow usoo jeediyay baaq kooxaha diiddan dowladdan cusub ee loo dhan yahay, waxana uu ugu baaqay inay soo fariistaan miska wadahadalka si khilaafaadka jira looga gudbo, loona helo dowlad qaran kaddib 20 saano oo jahawareer ah.

Mar uu ka hadlayay arrimha ammaanka aya waxa uu soo qaatay afduubkii dhowaan loo geytay dad rayid ah oo uu sheegay in dadweynaha laf ahaantoda uu waajib ka saaran yahay ilaalinta ammaanka oo ay ugu yaraan in ay sheegaan wixii khal khal galinaya amaanka oo ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka.

Ugu dambeyntii Macow waxa uu ugu baaqay kooxaha diineed iyo kuwa siyaasadedba ee ku sugan waddanka gaar ahaa Hiiraan in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isla markaana ay soo horfariistaan iyaga waxay tabanayaan si looga daweeyo.

Aden H Bashir
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

Barlamanka Soomaaliya iyo qaadashada Shareedaca islamka

Hiiraan Post:
Maagamlada Mogadhsu ayuu baarlamaka Soomaaliya isku raacay in Soomaaliya lagu dhaqo shareecada islaamka.

go'aankaa waxuu meesha ka saari doonaa nidaamka iyo qeybsiga uu ku dhisan yahay barlamaanka.
Qaar ka mid ah hogaamiyaasha Islam iyo dagaalka ayaa soo dhaweeyey arintaa, sida xisbul Islam.
Hadii loo raaco shareecada Islam sida ay tahay waxey Soomaaliya ka bid biidi burbur horleh.

Soomaalida dhaqankeedu iyo xukunkeedu waxuu u badnaa shareecada Islamka.

Dowlada Soomaaliya maxaa laga sugaa

Hiiraan Post:
Dowlada Soomaaliya oo la kulan xukumada Turki.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilhiii la soo dhaafay la kulmay madax badan oo caalamka ah, si uu u helo kaalmo sidii Soomaaliya dib loogu soo calin lahaa nabad iyo hogaankii dowladnimo.
Waxaa jirtay inuu helay balan qaadyo badan ku waa soo ku xirnaa sida marka hore ay Soomaaliya u dhaqanto ama u muujiso rabitaan dowladnimo.
Hadii ay taasi iman, waxaa muuqato in sida ay rabaan hogaamiyaal gadaal ama islam in Soomaaliya ay u sii hoobato burbur balaaran oo keeni karo in la waayo jiritaanka Soomaaliya.

Waxaad dareymeysaa in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay sugayaan dowlada iyo wixii ay soo bariso.
Dhismaha gurigaada,nabada degaankaaga, nolosha caruurtaada kuma xirno dhaqaalo ama ciidan dibada laga keeno.

Arinta waxey si toos ah u taabaneysaa koonfurta Soomaaliya.
Reer Hiiraan oo dhan waa iney u istaagan dhameytirka dhismaha noloshooda.

Saturday, April 18, 2009

Qafaalasho aan cadey oo ka dhacday Hiiraan.


Waxay ahayd goor fiid ah abaarihii 9:15, dadka magaalada ku leh goobaha ganacsigana way sii hoyanayeen,
Hal mar ayaan ku baraarugnay aqal ku yaallo xarunta maamulka gobolka meel ku dhow,dumar iyo dhallinyaro caruur ku soo yaacay halkaa markaana baqanaya,ayaan weydiinnay waxa ku dhacay oo ay la cararayaan, waxay noo sheegeen in guriga laga kaxeystay 3 nin oo uu aabahoodna ku jiro oo ay kaxeysteen 5 nin oo aad u huieysani.
 
Waxan weydiinay aabahood mooyee nimanka labada kale waxay ahaayeen, waxayna noo sheegeen inay ahaayeen niman ka yimid Shilaabo oo arrimo caafimaad u yimad isla shalayto aabahoodana ay qaraabo dhow ahaayeen, balse intaa wax ka dheer oo ay la socdaaan aysan jirin. Waxa nagu adkaatay inaan isla habeenimo aan war ka helno ayadoo saddeda ninna loo watay dhanka galbeed ama Qorax-sin ee magaalda Beledweyne.

Mas'uuliyiinta ammaanka ee MMI oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inay arrinkaas kudaba taagan yihiin, lana soo qaban doono ciddii ka dambeysay arrintan sharcigana la horkeeni doono, sida ay hadalka u dhigeen, makriii aaan weydiiyay sababta ciidan looga dabadiri waayay islamarka uu falku dhacay ayay ku gaabsadeen in goorwalbaba ay tahay in la daba galo cidii faklan geystay.
 
Ma jiraan ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay qafaalashad nimankan cidda ka dambeysa iyo halka ay hadda ku sugan yihiin midna, balse warar ku dhow dhow ehelda dadkan la qafaashay ayaa sheegaya in ay tahay ama dhici kart arrin u gaar ah beesha ay ka soo jeedaan nimankan gaar ahaan dhulka ay ka yimaadeen oo ay colaad ba'ani kala dexyso dowladda Ethiopia.
 
Arrinkan ah qafaalashada ayaa ah mid ku cusub Gobolka gaar ahaan bixitaankii Ciidama Ethiopi kaddib, mana jiraan cid ilaa iyo hadda caddeyn kartahalka loo kaxeeyay nimankan iyo ciidda afduubka u geysatay midna
 
Aden Hasan Bashir
Beledweyne

Friday, April 17, 2009

Wasiirka Amniga qaranka.

Hiiraan Post: Hiiraanweyn news:

Wasiirka amniga Qaranka Dowkadda Soomaaliya Cumar Xaashi oo sheegay in ku dhaw 100 dhalinyaro oo laga keenay gobolada Bay iyo Jubooyinka,oo ay si qarsoodi ah ku soo galeen maagalda Mogadishu.
Dhalinyaradaa ayuu ku tuhmay iney ka dambeeyeen dilalkii dhacay iyo ku la damacsan yahay dowlada iyo baarlamaanka.
Waxuu sheegay Cumar Xaashi in arintaa la wargeliyey dhamaan dowlada iyo barlamaanka.
Waxuu ku daray in dhalin gacan ku dhiig layaashaa ay horey dhibkaa u geysteen qaarna la qabtay.
Maxaakimta Islamiga iyo dowladaba howshaa socoto iyo dadka geystaba wax badan in ay ka ogyihiin raaciyey.

Waxbarashada magaalda Buulo Burte



Magaalda Bulo Burte oo ah magaalo ku taallo bartamaha gobolka Hiiraan ayaa laga dareemayaa bilihii ugu danbeeyey isbedel dhinaca waxbarashada ah.

Ardey aan yareyn ayaa u diyaargaroobayo Jaamacada Hiiraan oo ay la socdaan in ay bilaaban doonto 2009 dhexdeeda.Hadaba ka bogo qey ka mid ah ardeyda oo classka fadhiyo iyo sida ay tacliinta u socoto.

Maamulka School uu ka kooban yahay

1-Maxamed Abdule Maxamud.2- Ahmad Haaji Maxamed Kabaweyne.3-Yusuf Maxamed Cismaan

4- Xasan Haaji Cismaan.5- Maxamed Hasan Ibraahim.7- Aden Baale Isaaq.8-Ahmed Shiikh Abuuka

Shaqaalaha Schoolka

1-Timiro Jimcaale Cosoble.2- Xaliimo Bare Dhoore.

Gudoomiyaha Schoolka.

Maxamed Abdulle Maxamu. ku xigeen, Yuusuf Muxumed Cismaan

Macalimiintaan oo ah kuwo qibrad u leh taciilnya iyo qibrad.

1- Yusuf Maxmed Cismaan oo ahaa 1989kii gudoonka waxbarashada degmada Bulo Burte marne ii ahaa macalin maadada Joqoraafiga dhiga.

2-Xuseen Abdulle Juudi oo ahaa Gudoomiye dugsi hada ka mid ah macalimiinta Buulay.

Hadaba telefoonada iyo halka lagala xiriiri karo macalimiintaas iyo cidii ku faraxsan horumarka tacliinta gobolka Hiiraan aad ayey reer Hiiraan u soo dhaweyn nayaan.

waxaan idiin soo gudbin doonaa School ku yaalo Degmada Halgan.


Mohamed Keinaan
Vantaa Finland (Suomi)

Wednesday, April 15, 2009

ROOBAB LAGU DIIRSADA OO KA DA'AYA HIIRAAN

Hiiraan roobabkii guga ayaa maanta si raxmad eebbe leh uga billowday guud ahaan gobolka oo dhan, waxana uu ka da'ayaa muddo saacado ah degmooyina jalalaqsi, B/Burte Beledweyen iyo dhammaan degaanada hoos yimaadda. Roobkan oo xilliga guga da'a waqtiyadanoo kale ayaa mar walba ayadoo raxmadda eebe loo baahan yahay ayaa waxa uu sannadka mid uga muhiimsan xiliyadii roobabkii hore, waayo abaaro ba'an iyo roob yaraan bahsan ayaa ku habsatay dhulka daaqa sare iyo beeraleydaba ah.

Roobabkan oo aad u xooggan ayaanan jirin illaa iyo hadda wax khasaaro ah oo geysteen, dad iyo duunyabana way ku diirsadeen WAANA ALLE MAHADDIIS.

Aden H BAshiraan Post:
Beledweyne

Dilka xildhibaan AbduLaahi Ciise Abtidoon.

Hiiraan Post:
Alaha unaxaristo A Laahi Ciise Abtidoon oo maanta lagu dilay Mogadishu, sidookale Hadalkii Abshir Bacadle oo ahaa ninaan qorilaheyn majiro,dadka diinta kudilaayo dadka.

Rimahaasoo ah saasantii qabiil iyo hugashadii Islam.

Abshir bacadle ayaa u sheegay Shabelle in nin walba haysto,dhalinyadana laga dhumiyey wadada, Leyskana celiyo dadka qoryaha la ordaayo.

Waxaa is weyn diinleh ma Abshir Bacadle oo shalay ku gabyay dagaal ama ragan ismoodo iney iyaga oo keliya Islam yihiin.

Waxaa muuqato in siyaasada iyo qabiilka ay soo wehlisay diin, runtii arintaa waxey geyn kartaa Soomaaliya meel fug.
Ali Yare
Nairobi

Monday, April 13, 2009

URURKA GEELO

Waxaa ururka GEELO, u shaqeyso  magaalada Belet-weyne, 37 qofood oo howlo kala duwan u haya ururka. 
Hey aduhu waxa ay u xisaabaan sidatan:
 Halkii qoys waxa uu ka koobmaa Lix ruux, ( wuu ka badan karaa, kana yaraan karaa). 
 
URURKA GEELO waxa u shaqeyso : 37 qofood, 37x6=  222 qooys.
 
Howlaha  uu uruka GEELO ka wado magaalada B/W, waxa ay kala yihiin:
  • Waxbarashada gabdhaha, caafimaaka hooyada iyo dhalaanka (MCH) iyo horumarinta mashruuc Beeraha.
    • Taas oo ka kooban. Tabarro.Qeybin qalabka beeraha. Iyo mire qeybin.( Training, distribution  of Tools, and Seeds ). 
  • Magaalada Buula Burto, waxa aan ka wadnaa waxbarashada la yiraahdo NFE ( Non Formal Education) taaso oo ah, Haweenka in qoridda iyo aqriska la baro, iyo farshaxanka, sida tolidda, harqaanka, dermaha iyo waxii la mid ah.

Zahra M. Abtidon.

Reer Hiiraan oo soo dhaweeyey Dhaqaalo qaadista Maamulka Gobalka

Waxa maanta si rasmi uga bilaabmay guud ahaan gobolka qaadista taakuleynta Maxkamadda si loogu helo dhaqaalo sugitaanka amniga gobolka guud ahaan.
Howsahan ayaa ku bilaabatay si mas'uuliyadi ku jirto, deggan wax dhibaato ahana aysan dadku ku qabin, dadka qaar ayaa waxay kuu sheegayaan inay ahayd in mar hore lag qaado.
 
Waxa loo sameeyay lacagahaa qiimayow aad iyo aad u yar marka loo eego baaxadda howsha ay qabanayaan ciidanka oo naf iyo maal lagu huraayaba
 
Guud ahaan dadku aad ayay ugu faraxsan yihin wax khila ah haba yaraatee ma jiraan howshuna sidii loogu talagalay ayay u socotaa
 
Aden H Bashir
Beledweyne.

Warbixin Qaraxii Hiiraan

Waxay ahayd goor fiid hore ah, oo abaariihii 6:55 xilliga Beledweyne, waxana lagu tuuray pump aad u ayar darbiga kun wareegsan dhismaha Maamulka Gobolka, ma jiraan wax dhaawac ah oo ay geysteen haba yaraatee, magaalada oo aad u camiranayd dadkuna fadhiyay melaha shaaha laga cabo ayaa halkoda fadhigooda isalga laabtay kaddib markii ay ogaadeen inay yihin wax aanan saa u weynayn.

Waxan u jiray anigu halka uu qaraxa ka dhacay wax ka yar lababoqol oo talaabo

Qaraxa aya waxa sameeyay laba nin oo dhallinyaro ah isla markina ay soo qabteen ciidanku, saldhigga boloska ayaa su'aalo lagu weydiiyay kaddibna xabsiga ayaa loo taxabay.

Sababta ugu weyn ee ay sheeganayeen ayaa waxay ahayd in khasab ciidanka logu daro kaliya m,an jiraanw ax intaa dhaafsiisan

Aden H bashir
Beledweyne.

Sunday, April 12, 2009

Qarax ka dhacay B/Weyn Hiiraan

Hiiraan Post:
Ilaa hada Xaalada gobalka oo degen mana cado sida ay wax u jiraan, Gobalka ayaa xalayto lagu tuuray waxyaabaha qarxo saadu mar ahaey abaarihii 19:00.
Qaraxaas oo ahaa mid weyn oo dad badan aya maqleen, ilaada haatan la'geen noociisa iyo waxii ka dimbeeyey.
Waxaa ay sheegen qaar ka mid ilaada habeenkaa inuu jiro tuhun wiil yar inuu arintaa suubiyey.

Hiiraan waxaa horay ugu dhacay didal badan oo loo geysatay waxgarad reer Hiiraan, sidii Baroferor dadka wax bareyey,Ingineer,ganacasado sidoo kale Gudoomiyahii dugeyda Hiiraan.

Intaada waxaa lagu tuhmay kooxaha dagaalmo sida Al-shabaab, Indho cade (Ahlu jamaaca).

Waxaa jiray in nin ka mid ahaa gacan ku dhiiglayaashii laga siidaayey xabsi ay Maxaakimta gacanta ku haysay, Arintaa ayaa logu eedeeyey qaar ku af tirsado reer Hiiraan.

Sheekh Ibraahim Yusuf ayaa sheegay iney bargaranayaa wixii ka madbeeyey qaraxaa aya sharciga horkeeni doonaan.

Saraakiisha ayaa sheegay ineysan xaalada gobalka waxba iska beden oo ay howshoodii sii wadi doonaan.
Qaraxan oo ahaa mid si aad ah u xoogan ayaa waxaa laga maqlay dhamaan xaafadaha ee gudaha Magaalada B/weyne ilaa hadan waxaa socoto baaritaan la xariiro wax dhaliyay ama ka dambeeyay qaraxaasi.
Ali Yare
Nairobi

Saturday, April 11, 2009

Markale *Waa kuma*

HiiraanPost.net-Hiiraan State: Waa kuma
Hiiraan Post:
Markale iyo *Waa kuma* su'aashaa ayaan ku weydiiyey tefonka xildhibaan Ali Abdullahi Hassan ( Ali Ganey ).
Waxuu ii sheegay inuusan wada aqoon inta ay yihiin xildhibaanada ka soo jeedo Hiiraan oo dhan,(maha hal qabiil).
marka sidee ay xildhibaanadaa u saacidi karaan shacabka dhibaateyusan ee Hiiraan hadii ay san is aqoon.

Ali Abdullahi Hassan ( Ali Ganey ) ayaa ii sheegay inuu yaqaan shan oo keliya, shantaa oo ah shantii uu Coronel Cumar Xaashi keenay.
Waxuu Ali Abdullahi Hassan ( Ali Ganey ) balan qaaday inuu soo raadin doono macag oo dhan.

Dhismaha Jaamacada Hiiraan

Hiiraan Post:
Waxaa maanta gaaray Xarunta Maamulka Dhismaha Jaamacadda Hiiraan (Hiiraan University) ee B/Weyne deeq lacageed oo gaareysa $1500 oo ay soo direen walaalaha reer Hiiraan ee deggan magaalada Seatle, Washington State. Ilaah ajar iyo xasanaat ka siiyo.

Waxaan ka rajeyneynaa in shacabka reer Hiiraan si dhiirranaan leh uga qeyb qaataan dhameystirka dhismaha qeybta koowaad (phase one).

C/qaadir Kh. Diiriye-Xubin, Guddiga Dhismaha Jaamacadda
Toronto, Canada.

-------------------------------------------------------------
Kaasi waa qoraal uu soo diray xub ka mid ah gudiga dhismaha Jaamacada.
Jaamacada Hiiraan waxey tahay jaamacad Soomaaliyeed sida Hiiraan uu uyahay gobol Soomaaliyeed.
Aruurta dhaqaalaha jaamacadaa waxaa ka qeyb qaatay Soomaali faro badan ee jecel Hiiraan qurbahana u badnaa, markuu barofesar Warfaa uu arintaa horsocday.

Markaa maxey gudaha reer Hiiraan ay ka taagan yihiin arintaa, waa jirtaa in howsha qaar ay qaateen lakiin waxaa muuqato ineysan meeshii laga rabay ka soo bixin, maadaama dhalinyada gobalka ay wax ku baran doonaan Jaamacadaa.

Dhalinyare u banaan baxday mandooriye Hiiraan.

Hiiraan Post:
Waa arin fiican inuu qofwalbo dareenkiisa muujiyo, lakiin wqaa marklii ugu horey ee la maqlo Soomaali u banaan baxeyso (Xashiish) oo ah mid baabiyo jiritaan qofka isticmaalo.

Dhalinyaradaa ayaa ku hor buuqay Xabsiga Booliska Hiiraan ee B/weyn
Ciidamada Maamulka Islaamiga G/Hiiraan ayaa Xabsiga dhigay qaar ka mid ah dhaliyaro buuqaa waday.

Dhaliyaradu rabshado ku sameeyeen ilinka hore ee saldhiga Boliiska Magaalada.
Arintan ayaa noqotay mid ay layaabeen shacabka reer Hiiraan.


Sh Ibraahim Yuusuf oo ah taliye ku-xigeenka Saldhigga Baliiska Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhaliyarada la qabtay la horkeeni doono shareecada Islaamka.
Sida la og yahay Shareecada Islamka ineyt ka qanto xukun adag istismaalka maadooriyaasha.

Waxaa jirtay in indhaha caalamka mar ay ku furmeen dilkii lix soomaali ah oo lagu qoor gooyey Saudi Arabia.

Yaassin I J
Hiiraan

Roobab meelo ka mid ahHiiraan

Roobab ka da'ay meelo Hiiraan ayaa la filaa in ay yareeyan kulkii ka jiray
iyo cabsidii laga qabay iney dhashaay cudurada fafo. sii socoshada
roobab ka bilowday Hiiraan ayaa ah mid runtii duunyada iyo dadka u
wada baahan yihiin.
Soomaaliya ayuu oonka ahaa mid lamid ah dhibaatooyin ay shacabka ka
dhaxleen coladaha jiro.
Dad aad u faro badan ayaa ku xoolo beelay abaarada iyo qaleelka wadanka ka jiro.
Kenya
Sent from Nokia phone.

Tuesday, April 7, 2009

Dib u dhiska bundooyinka Hiiraan (Daljire)


Waxaa jirtan in dhawaan la waday howlo dhaqaalo laagu aruurinayey dib u dhiska buundooyin Hiiraan ku waa madankood u baahnaadib u dhis buuxo.
Dhaqaalaha badankii ayaa ka yimid gudaha Hiiraan sidoo kale dibadjoogana gacan ayey ka dhiibteen.
Waxaa caado u ahaa ugaasyada iyo cuqaasha iney mar walbo u istaagi jireen arimaha bulshda.
Ugaas Abdi/rahman Ugaas Khaliif ayaa mar walba ku hami dheeraa in la helo adeeg bulsho oo buuxo.
Waxaa la soo dhawey ka qeyb qaadasha Dhismaha Soomaaliya iyo Hiiraan.

Cusmaan Faarax Cali (dayax)
Xoghaya Guud ee Daljire
London UK.

Ciidankii iyo dhalinyaradii Hiiraan ee maamuladii hore.


Hiiraan Post:

Waxaa jirto in ciidan faro badan oo ka tirsaa maamuladii ka horeeyey Maxaakimta, dhalinyaradaa dhamaantooda oo ahaa dhalinyaro ka soo jeedo Hiiraan.
Waxaa jirto in lagu eedeeyo iney garab u ahaayeen maamulkii Keenay Itoobiyan, Lakiin waxaa cad ama lala socdaa in ciidankaa aysan dhibaato ka geysan Hiiraan iyo Soomaaliaya oo dhan.
Qaar ka mid ah dhalinyaraa ayaa joogo wadamada diriska qaarna tahriib ayey soo galeen.

Maxaa ka imaan karo nidamkan ama jiheyn la'aanta hayso ciidankaa, Hiiraan ma u baahan tahay dhalin yaradaa, hadii ayasan meeleyna maxaa ka soo gaari karo.

Dhawaan waxaa jirtay iskuday lagu dhameynayo qeybsanaanta ciidankaa, ilaa haatan ma soo bixin in howshaa la guuleystay.

Y Aden
Nairobi Kenya

Monday, April 6, 2009

Waa kuma

Hiiraan Post:

  • Waa kuma golaha duqeyda Hiiraan.
  • Waa kuma Xubnaha baarlamaaniga ee ka soo jeedo Hiiraan.

Su'aashaa iyo figradiina ku soodire

admin@hiiraanpost.net

Dib ayaa si balaarin u soo bandhigi doonaa.

Dib u celinta Soomaalida

Soomaali faro badan ayaa lagu qasbaa dib ugu celin Malta ama Italiya oo ah halka ay ka soo galen Yurub.
Safarka ay soo galan oo ah mid dad badan ku harqadeen dhalinyarada ayaa u badan reer Hiiraan. Faro ka dib ayaa mudo gaban gudaheeda lagu celiya halkii ugu horeysay oo ay ka soo dagen.
Wax muuqato in arintan ay tahay mid laga qariyey indhaha dadka waxana si adag u wado poliska isagoo an siney waqti ama fursad ay isku difaacan. Marka maxaa ka so baxayo qatartaa ay sogalayan.

Sent from Nokia phone

Saturday, April 4, 2009

Hiiraan maxey sugeysaa

Hiiraan Post:

Weli ayaa dhiiga odayaasha Soomaaliyeed loo dhaaran

Gumeysigii Talyaaniga, Dowladii Siyaada Bare, Dowladii Gaabneyd ee Ali Mahdi iyo Waalidii qabiileed ee ceydiid, Abdi khaasim iyo ina adeeradiisa, Abdulaahi Yusuf iyo Ethiopia u daneytii.

Maanta iyo Qabiilka Ahlu jamaaca.(ahlu Suna inagaa wada ah), Al Shabaab iyo Islaam dagaalamo.
Intaaba dulqaad iyo qaranimo doonistii intaaba waa diideen.

Hiiraan maxey sugeysaa.
Hiiraan dowlad gurgortameyso maanta waxba uma soo wado, nin waxuu lahaa iyo waxuuna laheyn waxba ka aqoon waxba la gama sugo.
Wasiir iyo xildhiban nin dadkiiga Hiiraan u doodaa ma arag.
Hiiraan maxey sugeysaa.

Faldan reeb ....Comments

Friday, April 3, 2009

Kulka Hiiraan oo gaaray 40C (Yaxaasyada oo ka soo baxay webiga)

Hiiraan Post: Ciidanka Maxaakimta iyo Ciidankii Dowladii hore ee Hiiraan
Hiiraan Post:
Kulka Hiiraan oo gaaray 40C, gobalka ayuu xiligan ka jiraa kul aad u daran ka soo basabay hoos u dhac ku yimid biya webiga, yaxaasyada ku nool webiga Hiiraan oo ku soo caariyey bartamha magaalada.
kulka ka jiro Hiiraan ayaa la filaa inuu keeno cuduro faro baro badan, cururadaa ayey ugu badan yihiin Magaalada B weyn sababtoo ah magalada oo ku taalo meel hoose, biyaha ceelasho oo yaraado oo ay suuro gal tahay in bulaacadaha isku maaxdaan, webiya biyihiisa oo hoos u dhac ku yimaado,
Dhawaan ayaa la rajeynayaa roobab ku waasoo lagu nafindoono H E dhaho.

Ciidanka Maxaakimta iyo Ciidankii Dowladii hore ee Hiiraan

Hiiraan Post:
Gudomiyaha maamulka maxkamdaha Gobalka Hiiran ayaa manta dib ugu soo labtay xarunta gobalka Hiiran, ka dib mudo oo ku maqnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidanka Maxaaakimta iyo Ciidankii Dowladii hore ee Hiiraan ayaa qaar ka mid ah dhawaan leysku keenay magaalada B Weyn dhismaha gobalka Hortiis.
Arintan oo ilaa hada aan cadey sida loo damac san yahay iyo waxa ka soo bixi karo.

Waxaa jirto in ciidamo ka haray Hogaankii hore ay baxsi ugu joogeen xuduudaha Soomaaliye iyo Itoobiya qarna ay ku sug naayeen gudaha.
Maxaakimta ayaa ku dhaqaaqday iney faquuqdo ciidankii horay u hayey gobalka ka dib markii Itoobiya ay ka baxday Soomaaliya.

Waxaa horay looga dhawaajiyey in ay san habooney in dhalinyara ka soo jeedo Hiiraan loo misbeero Itoobiye oo ay aheyd in mar walba ay hoos yimaadan maamulka Gobalka Hiiraan.

Ahmed Mohamed

Thursday, April 2, 2009

Xaalada Balad Weyn Hiiraan 4.2009

Waxa socda dhaqdhaqaaq aad u ballaaran iyo diyargarow baaxad weyn oo lagu soo dhoweynayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Sheekh Macow, waxana si weyn looga  dareemi karaa guud ahaan Magaalda Beledweyne gudaheeda.
 
Ciidanka MMI ayaa si weyn u sugaya amniga guud ee magaalda, iyadoo la filayo inuu saacadaha nagu soo aadan soo galo guddomiyaha, halkaasna uu khudbad ka jeedin doono xarunta gobolka, halkaas oo ay dadbadani xilligani diyaar ku yihiin.
 
Wixiii halkas ka soo baxo iyo dhudbadda Guddoomiyaah waxauu ku sheegana dib ayaan isinkala soo socodsiindoonaa haddii ale idmaayo.
 
Aden Bashir
Beled Weyn