Waxaa maanta oo ay tahay taariiqda 19.8.2008 laga furay magaalada Buulo burde iskool dugsi sare ah oo mudo dhan 16 sano xirnaa qilaafyo jiro awgiis. Maasha allaah maanta ayaa schoolkaas dib loo furay. Schoolkaas waxaa loogu magac daray shiiq la yiraahdo shiiq Maxamed Balcad allaha dhowree. Schoolka wuxuu ka koobanyahay 3 fasal, wax xafiis ah weli ma malahan lkn waxaa balan qaaday ineey gebi ahaan iskoolka dhisaan dhalinyaro u dhalatay degmada Buulo burde oo qurbajoog ah. Schoolkaan waxaa dhisay hay,adaha kala ah Zam Zam foundition iyo CRC. Buulo burde ma laheyn wax dugsi sare ah mudooyinkii dambe. Ardayda ka baxdo schoolada dugsiga hoose dhaxe waxay aadi jireen magaalooyin kale sida Baladweyne, Muqdisho. Lkn hada wixii ka bilowdo degmada waxaa laga hirgeliyey dugsi sare oo arday dambe oo aadi doono degmooyin kale majiri doono iyo muqdisho. Schoolkaas waxaa lagu dhigaa 10 maado, english ayaa inta badan wax lagu baraa ardayda, manhajtana waxaa laga keeney wadanka kenya. Hada waxaa socoto isqoristaee ardaygii daneynaya inuu degmadiisa iyo gobalkiisa wax ka barto asagoon qaraabadiisa ka fogaan ha isgeeyo meesha ay ka socoto is diiwaan gelinta. Maasha allaah Jalalaqsi school ayaa laga furay Buulo burdena school waxaan sugeynaa in tuulooyinka kalena laga hirgeliyo schoolo kale insha allaah.
Walaalkii doonaayo inuu saacido schoolka Buulo burde hala xiriiro Maamulaha schoolka Maxamed Cabdulle Maxamuud c% Hiiraan (Buulo Burde)
Warkaan waxaa soo diyaariyey Mohamed Keinaan Vantaa Finland. www.finsom.net ka dib Hiiraan Community Development. dhanka midig ka aqriso hadaad dooneyso wararka sax da ah ee Hiiraan.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment