Monday, August 4, 2008

Jaaliyadda Reer Hiiraan ee dalka Switzerland

Hiiraan Blog. SAWIRADA HIIRAAN 7.2008
Jaaliyadda Reer Hiiraan ee dalka Switzerlandoo deeq lacageed gaar siisay dadkii ku barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Jimco, August 01, 2008(HOL):

Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn looga deyrinayay Xaaladda Nolasha dadkii ku barkacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa deeq lacageed oo dhan ( 2000 $ doolar) la gaarsiiyay in ka badan 200 oo Qoys iyo 14 isugu jira dadkii wax yeeladu ka soo gaartay dagaalka. Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo deeqda gaarsiiyay dadkii loogu tala galay, ayaa ka hor intii uusan deeqdan qeybin waxaa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay iyo Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Dagaallada, waxaana intaas kadib laga bilaabay bixinta kaalmada lacageed Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

No comments:

Post a Comment