Wednesday, August 20, 2008

Baladweyne oo qarax ka dhacay maanta

Labo qof oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay ciidamada Itoobiya ayaa maanta ku geeriyooday Qarax iyo tacshiirad ka dambeysay oo maanta barqanimadii ka dhacday bartamaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Geerida askariga ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo mid kale oo dhaawacmay ayaa timid ka dib markii kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaafada loo yaqaano Buundo weyn ee magaalada B/weyne, taasoo keentay in ciidamada ay ku jawaabaan rasaas culus oo keentay inuu ku geeriyoodo mid ka mid ah dadka taliyaha ee ku dhaqan magaaladaasi.

No comments:

Post a Comment