DAGAALO KHARAAR OO MAANTA KA DHACAY DEGAANKA SIIGAALOW EE DEGMADA BELEDWEYNE.
Dagaalkan oo ay saakay waaberigii ku qaadeen AL-SHABAAB qaar ka mid ahaa ciidamadii dowladda halkaas dhufeysyo ka sameytay, ayaa waxa waxa uu socday muddo saacado ah, waxana ay waxyeelada dagaakaas inteeda badan soo gaartay dadweynaha caadiga ahaa ee degganaa dagaanka Siigaalow.
Khasaaraha dagaalkan ayaa waxa ii xaqiijyay oday dhaqameed deggan goobta uu ka dhashay dagaalka, waxana uu ku sheegay in ilaa 6 qofood ay ka dhinteen xarakada AL-SHABAAB halka uu hal qof kaga dhaawacmay ciidankaas dowladda ee halkaas difaaca uga jiray.
Odaygu waxa uu intaa iigu daray in dad gaaraya ilaa 10 qofood oo shacabka ah ay ku dhaawacmeen dagaalkaas, gaar ahaaan dumar iyo caruur farabadan ay hadda la ildaran yihiin dhaawaca ka soo gaaray dagaalkaas.
Guud ahaan Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa sabeynayay xaaladdiisa nagadgelyo, gaar ahaan magaalda Beledweyne, waliba xilliyada habeenkii ah ayaa waxa la maqlayaa dhawaqa rasaasta noocyaheeda kala duwan, iyo waliba qaraxa Bumbaanooyinka gacanta laga tuuro, middii ugu dambeysayna waxay ahayd tii xalayto lagu tuuray guriga Guddoomiyihi hore ee demada Beledewyne Aadan Garaaso, halkaasoo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya illaa 6 qofood.
Dhanka kale, waxa jira cabsi weyn iyo walaac ay dadweynihu ka muujinayaan xaalladdan nabadgelyo xumo iyo waliba dagalada hadda laysu middiyo afeysanayo, waxana jira ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan KM115 oo ay tashiyo halkaas kula leeyihiin saraakiisha dowlada ee halkan joogta, sidii ay guluf colaadeed ugu qadi lahaayeen kooxaha ALSHABAAB oo ka taliya inta badan degaanada Gobolka Hiiraan.
Ayadoo hadda la guda galay bishii barakaysan ee Ramadaaan, ayaa dadku waxay ku adkeysanayaan inaysan meelna u qaxin oo ay joogaan gudaha magaalada waayo waxay isbarbar dhigeen dhibaatada qaxu leeyahay in ay dhaanto in la dhex socdo xabadaha iyo madaafiicda.
Haddaba lama saadaalin karo xaaladdu sida ay wax u dhic karaan, balse waxa cad in laysu middiyo afeysanayo markale.
--
Aden Hassan Bashir
Hiiraanpost
Beledweyne
No comments:
Post a Comment