Friday, December 12, 2008

Shirkii Jaaliyadaha Hiiraan ee wadamada waqooyiga yurub (Nordic)

.. ......

Shirkii Jaaliyadaha Hiiraan ee wadamada waqooyiga yurub (Nordic)

Waxaa taariikhdu markeey aheyd 06-12-2008 shir isugu yimid dhamaan jaaliyadaha xawaadle ee ku nool wadamada kala ah Sweden, Danmark, Finland iyo Norway. Waxaa sidoo kale shir marti ku aha Xubro ka kala yimid wadamada Holland iyo Canada.

Shirkaas oo aay muhiimadiisu aheyd sidii loo mideyn Lahaa guddiyada ka jira wadamadaas aan kor ku soo sheegnay ayna u sameysan lahaayeen guddi wadajir ah oo ka kooban wadamada waqooyiga yurub. Guddigaas oo ay howshoodu Noqon doonto ka shaqeynta danta guud iyo midda gaarba.

Waxaa dhamaan dadkii halkaas isugu yimid ay muujiyeen sida Baahida weyn loogu qabo in lahelo guddi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada waqooyiga yurub kana shaqeeya isku xirka qurbo joogta iyo illaalinta sharafta iyo karaamada beesha. Guddigaas oo sidoo kale ka qeyb qaadan doona sidii Wax looga qabo lahaa xaaladaha murugsan ee ka jira guud ahaan somaaliya gaar ahaan gobolka hiiraan.
Dood dheer oo dhaxmartay dhamaan dadkii halkaas isugu yimid kadib waxaa go,aan lagu gaaray qodobadan hoos ku qoran.

1- In la dhiso guddi ka kooban 13 xubnood kaas oo matali doona dhamaan wadamada kala ah .Sweden, Danmark, Finland iyo Norway guddigaas oo magaciisu yahay guddiga beesha Xawaadle ee waqooyiga yurub Nordic.

2- In loo kala qeyb sado xubnaha guddiga min 3 xubnood waddankiiba taas oo ka dhigeysa 12 xubnood balse loo gartay si uu guddiga u noqdo tiro mid dheer in la siiyo xubinta 13aad waddankii Shirkii marti geliyey oo ahaa waddanka Sweden sidaasna ku helay 4 xubnood oo guddiga ka mid ah.

3- In aan la xadidin howsha uu guddiga qaban doono. Waxaa loo madaxbaneeyey howshooda si aay uga qeybqaataan dhamaan wax kasta oo lagu hormarin lahaa bulshada ay matalaan.

4- In la magacaabo guddi sharci dejin kaas oo soo diyaarin doona shircigii uu ku shaqeyn lahaa guddiga beesha xawaadle ee waqooyiga yurub. Guddiga Shirkii dajinta waxaa loo doortay
Hussein Godah Barre Norway
Omar Aden Allaale Danmark
Abdi Aziz Ali Gedi Sweden
Abdullahi Hassan Hussein Finland
5- In uu Waddan waliba soo gudbiyo magacyada xubnaha uga mid noqonaya guddiga ugu danbeyn 15ka bisha Januari 2009

6- In la ururiyo lacag dhan USD 6000 oo dollar si wax looga qabto arrin shirka dhaxdiisa laga dhawaajiyey in ay u baahan tahay in si dhakhsa ah wax looga qabto. Lacagtaas waxaa loo kala qeybsaday 4ta waddan ee Shirkii ka soo qebgalay in uu waddan waliba bixiyo 15000 oo dollar laguna hagaajiyo ugaaska beesha xawaadle ugaas Abdirahman Ugaas Khaliif. Guddiga fulintana ay Kawada hadlaan waqtiga ay diraayaan lacagta si ay Isku mar u wada gaarto.
Shirka waxaa ka soo qebgalay dadkan hoos ku qoran



Chattaa joukolla uudella Messenger betalla. Lisätietoja. Klikkaa!

No comments:

Post a Comment